Araweelo News Network

Jacob Zuma

Dad badan ayaa aaminsan in siyaasiyiinta aqoonta leh ay siyaasad wanaag iyo hoggaamin fiican leeyihiin, marka loo eego kuwa aan aqoonta lahayn, halka kuwo kale ku doodaan in hoggaaminta iyo siyaasaddu kala duwan yihiin oo hoggaamintu tahay wax dabiiciyan ah. Haddaba, waxa jira hoggaamiyayaal Afrikan ah oo qaar ka mid ah aanay shahaado dugsi sare sidan, kuwa kalena aanay xataa aanay aqoon badan ba lahayn.
Haddaba waxa aynu eegi doonaa 10 ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ka taliya kuwa ugu aqoonta hooseeya.
1. Jacob Zuma

Jacob Zuma

Madaxweynaha Koonfur Afrika ee Jacob Zuma ma uu helin tacliinta tooska ah (formal Education), balse waxa uu siyaasadda soo galay isagoo aad u yar, mana laha wax aqoon ah oo dugsi amma Jaamacad looga baxo, sidaas oo ay tahay waxa uu dalka Koonfur Afrika qabsaday 9 May, 2009.
Hoggaamintiisa dhaliilo badan kama jiraan, waxaannu ka hoggaamin fiican yahay rag tacliin ciidan iyo mid toos ah soo galay, waxaana arrintaas u fududeeyey siyaasadda oo uu xilli hore amma yaraan soo galay.

2. Salva Kiir Mayarardit

Salva Kiir Mayarardit

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ee hadda Rabshadaha iyo dagaallada sokeeye hadheeyeen Mr. Salva Kiir Mayardit ma uu dhammaysan dugsigiisa sare, sababo la xidhiidha dagaallo iyo rabshado dhulkiisa ka jiray. Sidaa darteed, waxa uu ka baxay dugsiygii uu dhiganaayey, kuna biiray jabhadii la odhan jiray Anya-Anya. Markii dambe waxxa uu Kiir ku biiray ciidammada millateriga Suudaan, kadib markii wada-xaajood nabadeed lagu gaadhay magaalo Madaxda Itoobiya ee Addis Ababa. Aakhirkii waxa uu noqday Madaxa Garabka Millateria ee SPLM, markii hoggaamiyihii haystay garabkaas ee Dr. John Garang uu ku dhintay diyaarad la dhacday.

3. Ismaaciil Cumar Geelleh

Ismaaciil Cumar Geelleh

Madaxweynaha dalka Jabuuti ee muddada dheer xukumayey Mr. Ismaaciil Cumar Gelle, waxa uu ahaa amma uu tacliintiisa ka bilaabay dugsi amma madaarasad Quraan, aakhirkii waxa uu dhammaystay dugsiga sare, kadibna wuxuu si toos ah ugu biiray ciidammada booliska, ka hor intii aannu noqon Madaxa Hay’ada Sirdoonka iyo Madaxa Golaha Wasiiradda (chief of Cabinet). Wax aqoon sare ah ma laha Ismaciil Cumar Gelle, waxaannu dalkiisa qabsaday 1999, taasoo macnaheedu tahay inuu 16 sannadood oo isku xiga awoodda dalkaas haystay.

4. Omar Al Bashiir

Omar Al Bashiir

Madaxweynaha Suudaam ee Al Bashiir oo aad dadkiisu u jecel yihiin, marka laga reebo Koonfurta Suudaan ee hadda ka go’day, waxa uu dugsigii hoose ku dhammaystay badhtamaha waqooyiga Suudaan, kadibna waxa uu 1960kii si toos ah ugu biiray Ciidammadii Suudaan ee millateriga. Aqoonsare ma laha, balse waxa uu tababar millateri ku soo qaaday Kulliyada Tababarka Ciimmada Masar ee Qaahira.
Markii uu soo dhammaystay waxa u si toos ah uga mid noqday saraakiisa millateriga Suudaan, tababarkiisa oo uu si fiican u soo dhammaystay aawadeed, waxaannu socday ilaa uu heer Madaxweyne ka gaadhaayey…. La soco…..