Mudane Madaxweyne, waxaan halkan kuugu soo diraynaa warqad furan oo ka hadlaysa dareenka qaar ka mida shacabkii codka ku siiyey oo awoodi waayay inay fariintooda toos kuu soo gaadhsiiyaan, hase ahaatee goostay inay warbaahinta kuu soo mariyaan, mudane Madaxweyne waxaad u ballanqaaday shacabka codka ku siiyey inaad caddaalad u samayn doonto, hase ahaatee shacabkaagii way ku baafinayaan, waxay ku leeyihiin, khayraadka dalka haloo sinnaado.

Madaxweyne ma ogtahay in Haamihii Shidaalka ee Qaranka u dhexeeyey, gacanta loo geliyey shirkado ka soo jeeda deegaamada ku midaysnaa Xisbiga Kulmiye, isla markaana ay u maamulaan sida ay jecel yihiin, mudane madaxweyne ma ogtahay:

1. In haamaha shidaalka ee Berbera la siiyey 11 shirkadood oo kala ah (Som Petrolium, Red Sea, Som Oil, Ream Petrolium, Cali Waraabe Company, Harbi Petrolium, Indho-birta, Muuse Dalab, Hass, Liibaan Petrolium, Deero Petrolium) kuwaas oo 9 ka mid ah ay leeyihiin labadii beelood ee guusha gaadhsiiyey Xisbigaaga Kulmiye, taas oo u muuqata in dhaqaalaha dalku uu ku ururayo gacmaha shirkaddo deegaamo gaar ah

2. In Haamaha Shidaalka ee Berbera in bishii lagu shubo shidaal gaadhaya 144,000 oo foosto, taas oo calaa foosto celcelis ahaan laga qaado $17.6, waxaana lacagta Haamaha soo gasha bishii ay u dhigmaysaa 144,000x$17.6=$2,534,400 lacagtaas 50% waxaa qaadata dawladda oo cashuur ahaan u qaadata, halka 50% oo u dhiganta $1,267,200 ay qaataan 11-kaas shirkadood, waxaana sannadkii lacagta Haamaha Shidaalka ka soo gasha noqonaysaa illaa $15,206,400. Lacagtaas oo ay qaybsadaan shirkaduhu. Mudane Madaxweyne, hadda lacagtani waa cashuur ka baaqatay Xukuumadda oo dhisi kari lahayd cusbitaalo kala duwan, ama adeegyo bulshada aasaasi u ah, halka ay haatan qaybsadaan 11 shirkadood.

3. In shirkadaha maamula haamaha shidaalku, in 5 ka mid ahi aanay weligood shidaal dalka keenin, hase ahaatee ay qaataan faa’iido oo keliya, mararka qaarkoodna ay sii dillaalaan shidaalka ay keento Red Sea Petrolium ama Hass.

4. In Shirkadaha 11-ka ahi inay bixiyeen oo kaliya $11 Milyan oo doolar markii lagu wareejinayey maamulka haamaha shidaalka ee Berbera, taas oo loo saxeexay muddo 25 sannadood ah, lacagta lagaga kireeyey waxay ku faa’iideen sannadkii ugu horreeyey, halka muddo 24 sannadood ah ay guranayaan oo keliya faa’iido, madaxweyne ma ogtahay in lacag ka badan $380 Milyan oo dollar oo soo geli lahayd Xukuumadda muddada 25 sano ah inay kaga baaqatay heshiiskaas. (15 Milyan sannadkii x 25 sano oo heshiiska ah = $380 Milyan)

5. In Shirkadda Red Sea oo uu masuul ka yahay ganacsade kasoo jeedaa deegaankaaga, kaas oo ah cidda maamusha haamaha shidaalka ee Berbera, isla markaana uu u ogolaado, inay shidaal ku shubtaan haamaha cidda uu doono, ama uu mararka qaarkood ku takri falo awoodda, iyada oo aanay jirin cid kale oo xisaabin karta, mudane madaxweyne, suuro gal ma tahay in shirkado suuqa ganacsiga ku hirdamaya, in mid ka mida la siiyo awooddii maamulka haamaha shidaalka Berbera, halka awooddaas loo isticmaalo in lagu hor-istaago tartan kasta oo shidaal oo shirkadaha isku aragtida ah kaga imanaya, shirkadaha kale, taas oo ah in shidaalkii si dadban loogu xidhay shirkadda Red Sea.

6. In shirkadda Dahabshiil oo iyana aad ogtahay, in iyana la siiyey Haamo shidaal oo laga hareer dhisay, haamihii shidaalka ee Berbera, arrintaas oo caqabad ku ah ballaadhinta dekedda, iyo weliba siyaasaddii maamulka haamaha shidaalka qaranka.

Madaxweyne, qodobadan kor ku xusan awgood, waxaa muuqata in heshiis kasta oo lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka ee Berbera inuu ahaa sharci darro, isla markaana aanu ahayn mid dani ugu jirtay qaranka Somaliland, sidaas awgeed, haddii madaxweyne aad fulinayso ballaantii codbixiyayaasha, isla markaana ay dhab ahayd ballanqaadyadaadi, waxaa shacabkaaga caddaalada jeceli kaa codsanayaa inaad guddi xaqiiqo raadina u saarto heshiiska haamaha shidaalka ee Berbera isla markaana dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, haddii ay kugu adag tahay tallaabadaasi, waxaa habboon in dib loo eego heshiiska, isla markaana maamulka haamaha shidaalka loo wareejiyo cid dhex u noqon karta shirkadaha tartanku ka dhexeeyo, waayo suuro gal maaha in shirkado tartamaya la isugu dhiibo maamulka.

Siciid Maxamed Cartan, Dhaqaale yahan – Burco, Somaliland
Maxamed Xasan Digaale, Dhaqaale yahan, Ceergaabo, Somaliland
Axmed Xasan Siciid, Siyaasadda iyo Horumarinta, Hargeisa Somaliland
Marwo Axmed Daahir Xasan, Horumarinta Bulshada, Hargeisa, Somaliland.

macowxasan@hotmail.com