Mohamed osman

Inta badan dadka u kuur gala xukuumadaha dalkan soo maray waxay is bar bardhig ku sameeyaan falalka deg dega ah ee ay la yimadaan xukuumada markaa dhisan.

Waxaynu ogsoonahay intii dalkan dowlad nimadiisii lalasoo noqday inay tahribeen dhalinyaro lagu qiyaaso 1 MILLION, dhalinyaradaasi waxa ku kalifay inay dalkan ka tahribaan waxaa kamid ah shaqa la’aan waqtigaa haysatay iyo xukuumado aan lahayn qorshe dhalin yarada dalka lagu hawl galinayo.

Madaxwaynihii hore mudane axmed silanyo markuu talada dalka la wareegay muddo yar kadib waxuu dhiiri galiyay shaqalaynta dhalin yarada jamhuuriyada Somaliland, waxana xoogaystay xiisaha loo qabo ushaqaynta dowlada hay’adaheeda kala duwan, iyagoo ay ku xasileen dhalinyaro ka tahriibi lahaa dalkan jamhuuriyada Somaliland, xukuumadaasi waxay ku guulaysatay inay dhalin yarada dalka noqdaan kuwa ka qayb qaata talada dalka.

Madaxwayanaha talada dalka gacanta ku haya mudane muuse biixi cabdi dhaarintii kurisiga dalka ugu sareeya muddo yar kadib waxuu bilaabay arin aan qarankan ku wacnayn tasoo xoojinaysa tahriibka ubaxa dalkan uu leeyahay ee ah dhalinyarada.

Ilaa hada waxuu madaxwayne muuse ku guulaystay kana mid ah wax qabadkiisa 100 cisho ee uga horeeya shaqaale gaadhaya boqolaal dhalinyara ah in laga eryay wasaaradaha dalka iyo madaxtooyada iyagoo loo sheegay inaan loo hayn dhalinyaradaa wax qorsha ah.

Madaxwayne muuse waqtigii ololaha waxuu sheegay in dhalinyarada shaqaysa moyee kuwa bilaa camalka ah in shaqa qaran loo furi doono, hasa ahatee waxuu qaaday madaxwaynaha talaabo uu ku masaxayo waxii uu balan qaaday ee ahaa ku xasilinta dhalinyarada tahriibaysa dalka.

Intii uu talabadaa shaqa ka erinta qaaday madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland dhalinyarada, waxaa lasoo sheegayaa inay tahribeen dhalinyaro lagu qiyaasay boqolaal kuwasoo dalka kasii qul qulaya rajadii ay qabeena uu masaxay madaxwaynaha.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ugu baqayaa inuusan noqon ka qayb qaataha tahriibinta dhalinyarada uu noqdo ku xasiliyaha dhalinyarada jamhuuriyada Somaliland dalkooda hooyo. Si deg deg ahna uga hadlo arinka dhalinyarada ay ka tirsanayaan xukuumadiisa.

 

Mohamed Osman

awaadan5@gmail.com