Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa.

Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya.
Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen.
Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga.
Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso.

Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara?
Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin.
Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo.
Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne.


Mohmoud O Osmaan

Email: mohoomer@gmail.com