qoraalSida dabiiciga ah adduunyada marka madaxweyne la dooranayo waxa ugu mihiimsan ee bud-dhig u ah in lagu xusho waxa ugu weyn waa kobcinta qalaaha, xasillinta caddaaladda, xoojinta xidhiidhada caalamka, sinnaanta caddaaladda iyo taabo-galinta himilada bulshada doortay.
Sida aad akhriste la wada socotaan Madaxweynaha qaranka mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waa dadkii faro ku tiriska ahaa ee bartay culuuunta dhaqaalaha, waana ruug caddaa in badan u soo joogay habka iyo hanaanka maamul, waxaan la filanay marka uu talada qabto inuu wax badan oo ku aaddan nidaamka dhaqaale ee dalka fadhiisin doona, isla markaana xoogga saari doona hannaanka dhaqaale iyo sidii loo taabbogalin lahaa qorshe waara oo wax badan bulshadu ka faa’iido, isla markaana lagu xasuusto xilli kasta oo la joogo.
Haddaba, marka dhaqaalaha la soo qaado waxaynu ognahay in dalkeennu ka arradan yahay dhinaca wax-soo-saarka iyo warshadaynta, iyadoo nasiib-darro ay tahay in shay kasta oo uu ku jiro findhicilku la inoo soo dhoofiyo, iyadoo waliba dalkeennu leeyahay khayraad fara badan oo si fudud loo warshadayn karo sida kalluunka, hilibka, saanta xoolaha oo kabo iyo alaab badan laga samayn karo, khudaarta oo la warshadayn karo qaybaheeda kala duwan oo markay soo go’aan ku qudhma suuqyada.
Sidaa darteed, anigoo taas ka duulaya, Mudane madax wayne waxan tabayaa halkay ku danbaysay khudbad-sannadeedkaagii 2011-kii aad baarlamaanka ka horjeedisay markaad ka warramaysay qorshe-sannadeedka 2012 waxaad xustay in guryaha dawladda wadartoodu dhan tahay 1030 guri oo lagu qiimeeyay $170,000,000 waxaad madaxwayne sheegtay in lacagtaasi ay inoo dhisi karto in ka badan 10 warshadood oo shaqo la,aanta lagaga baxo arinkaasina wuxuu noqday mid aad loogu diirsaday dhawaaqiisana aad loo soo dhaweeyay waxaan jirta madaxweyne in guryihii inta badan la iibiyay isla markaana aanay caddayn halka lacagtoodii ku baxday, taasina waxay burinaysaa ama meesha ka saaraysaa dhawaaqaagii la dhawrayay, waxaanay noqoysaa bar madaw iyo wax kuma taal noqday hal bacaad lagu lisay.
Madaxweyne waxa lagaag baahan yahay inaad dib u qiimeyn balaadhan ku samayso halkay mareen sida loo isticmaalay iyo waxa hadhay waxa lagu qaban karo
Mudane madaxweyne waxa lagama maarmaan ah inaad qaadato door wax-ku-ool ah oo lagu dhiso hanaanka dhaqaale ee dalka adigoo khibradaadda, aqoontaada iyo masuuliyada Alle kugu simay kaashanaya
Madaxweyne waxa muhiim ah inaad suurtogaliso hab hufan oo noqa tubta la mari karo adigoo wixii aad waayo aragnimo hore u dhaxashay ka duulaya.
W/Qoray. Liban Ismail Abdilahi