Caddami11-kii  bishii June waxa dalka ku soo guryo noqday Madaxdweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo in muddo ah dalka dibada kaga maqnaa.

 

Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxa si diiran ugu soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban qaybaha bulshada, Dadka soo dhaweeyay may ahayn kaliya Madaxdii la shaqayn jirtay ama taageerayaashii Xusbigii UDUB balse waxa ka mid ahaa Mucaaridkii ka soo horjeedi jiray markii Uu Madaxweynaha ahaa ujeedadooduna waxay ahayd inay Madaxweynahoodii hore u muujiyaan in loo hayo qadarin iyo ixtiraam isaga iyo Madaxda kale ee sida wanagsan ugu soo shaqeeyay dalka xataa haddii lagu kala aragti duwan yahay siyaasada ama la kala ahaa  xusbiyo xiflatan iyo loolan ka xusbiyo xiflatan iyo loolan ka dhaxeeyay sidaas oo kale Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa laga filayay inay xukuumadiisu dadwaynaha kala qabgasho soo dhawaynta madaxweynihii hore, aabihii dimuqaradiyada ka hirgeliyay Somaliland hase ahaatee Madaxweyne siilaanyo arrintaa wuu ka baaqday waxa kale oo ka sii daran oo aan marnaba laga filayn in uu casho sharaf kala bakhaylo Madaxweynihii hore ee sida sharafta leh ee quruxda badan ugu wareejiyay Kurisga iyada oo la wada og yahay in qasriga madaxtooyada lagu casuumo ama lagu qabto casuumado waawayn oo lagu maamuusayo islaamo iyo shakhsiyo caadi ah oo ka yimid qurbaha,.

 

Majalisayda qaadka, makhaayadaha iyo baraha bulshadu ku wada xidhiidho in mudo ah waxa ka socday hadal haynta ku saabsan sida ay Madaxweyne Siilanyo uga hoostay inuu karaameeyo ama la kulmo Madaxweynihii hore iyo in uu la wadaago arrimaha ka socda caalamka iyo bal saamaynta ay ku yeelan karaan dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga Somaliland.

 

Doodaha dadwaynaha waxa ka mid madaxweynuhu malaha wuxuu is leeyahay horta maalmo ha nasto qaar kalena waxay la tahay madaxweynuhu wuxuu raadinayaa wakhti ku haboon kulankooda si ay isugu helaan wakhti dheeraad ah kuwo kalana waxay shaki gelinayaan inuu og yahay inuu joogo iyo in kale, hase yeeshee laba bilood ka dib oo uu dalka joogay waxay ku qanceen inaanu Madaxweyne Siilanyo ku talo jirin inay is arkaan Madaxweynihii hore.

 

Imaatinka Madaxweynihii hore Md Daahir Rayaale wuxuu ku soo beegmay iyada oo uu soomalialnd ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan wakhtiga doorasahada madaxweynaha, ku xigeenka iyo aqalka wakiilada la qabanayo, wuxuu ku soo beegmay wakhti is afgaranwaa soo kala dhex galay xukuumada iyo dawaladaha Somaliland ka caawiya kharashka doorashooyinka wuxuu ku soo beegmay dadwaynaha oo ka niyad jabay hogaankii iyo golayaashii la doortay oo caado ka dhigtay muran iyo in qoloba qolada kale iskaga riixdo dambiga laga galay ummada iyo gedi socodka dimuqraadiyada Somaliland, Wuxuu ku soo beegmay wakhti abaaro, biyo la’aan iyo sixir barar aan hore loo arag ku sii joogsaday bulshada danyarta ah oo markii horaba la daala’aa dhacayay nolosha.

 

Runtii waa xaalad u baahan in lala yimaado talo waafiya iyo hal abuur lagu samata bixinayo  bulshada sidaa daraadeed xukuumadu waxay u baahan tahay dadka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh sida loo la tacaalo afooyinka sidaa daraadeed madaxweyne siilaanyo isagaa u baahan waayo aragnnimada madaxweynhii hore inuu wax ka waydiiyo ama kala sheekhaysto xal u helida khilaafka sii murgaya ee doorashada, Madaxweyne siilaanyo isagaa u baahan khibarada madaxaweyhiii hore si uu u damiyo xiisada, wuxuu ka baran lahaa sida ay ugu suurto gashay inuu qabto shan doorasho oo si nabad ah u dhacay, wuxuu kula talin lahaa in kursiga oo la sii jecelaysto laga doorbido danaha qaranka (The Republic and the Country comes First).

 

Islamarkaana Madaxweyne siilaanyo wuxuu ku heli lahaa waxoogaa sumacad ah waxa loo arki lahaa Madaxweyne balaadhan oo niyad sami u ahay madaxdii hore ee dalka laakiin hadda waxa loo arki karaa inuu yahay madaxweyne cuqdad ka qaba madaxdii ka horaysay ee tariikhda wanagsan ku lahayd dalk.

 

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo Allahayoow Hal ma seegay

C/raxmaan Cadami\

Abdirahamanadami@yahoo.com