Madaxweynaha maamulka Muqdisho Xassan Sheekh waxa uu shalay la yimid khudbad is-bihin-bihin iyo beer-laxawsi oo gabi ahaanba ku socotay dawladda iyo shacabka Somaalikand. Waxa uu sheegay in ay wada-hadal iyo walaaltinnimo u socdo, wax ay tabanayaan shacabka Somaaliland ee midnimadii hore kasoo gaadhayna uu qirayo kana garaabayo. Waxa uu ka hadlayo ee ah wada-hadal dambe ka hor waa inuu is waydiiyaa waxyaabihii kasoo baxay wada-hadaladii hore ee lagu heshiiyay miyay Koonfurto dhinacooda ka oofiyeen; misa mid mid ay uga wada baxeen?
Waxa lagu heshiiyay in la wada-maamulo hawada oo aan la siyaasadaynin; maxaa ka dambeeyay in iska daa maamul farsamo eh in la siyaasadeeyo oo madaraadii caalamiga ah uu Xassan uu isbaaro (e-visa la yidhaa) u dhigtay muwaadiniinta Soomaliland ee taraansitka ah kuna qasbay in ay baad siiyaan si ay dalkooga iyo dadkoogii u arkaan.
Yaan la siyaasadayn arrimaha ganacsiga iyo waxyaabaha horumarinta ah ayaa lagu heshiiyay; maxaa ka dambeeyay markii ay Dekadda Berbera ay heshay Maalgalin Caalami ah iyo dib u casriyayn ay xaq u leedahay: waa degaalka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Golayaal ku-sheeggeedu ka galeen si ay u kala kiciyaan horumarkaasi aan iyaga wax kharash ah iyo hawl ah ku haynin.
Dhoofkii Xoollaha oo ahaa arrin ganacsiyeed oo si xor ah uga dhoofi jiray Dekadda Berbera ee JSL, iyana waxa ay Muqdisho ka gashay dagaal siyaasadeed oo ay ku xayirayso iyada oo waraaqo u qortay dawladahii ay illaa 1991-kii ay u dhoofi jireen Soomaaliland oo aan maxjaro iyo shaybaadho casriya lahayn.
Markaa ay Soomaaliland xaqiiqooyinkaasi iyo ballandarooyinkaasi ay hore uga soo waajahday wada-hadalladii hore, kana dhaxashay in si toos loola dagaalamo horumarkoogii, dhaqaalahoogii, midnimadii iyo wada noolaashihii bulshadeeda, miyaa mar dambe loo qarin karaa middiyaha lagu qali doono?


