Madaxweyne Axmed maxamed maxamuud siilaanyo waa rug cadaa weyn oo aqoon iyo khibrad durugsan u leh qaab maamulledka siyaasadeed ee uu mudada dheer kusoo dhex jiray kana soo qabtay xilal kala duwan oo lagasoo bilaabo agaasime, wasiir, gudoomiyihii halgankii SNM ee ugu mudada dheeraa, hogaamiye iyo musharax urur siyaasadeed, ugu danbayntiina ku guulaystay kursiga madaxweynenimo ee dalkan Somaliland, oo uu hadda talada dalka gacanta ku hayo.
Madaxweyne siilaanyo hanashada kursiga madaxweynenimo iyo hagadi umadiisa waxa uu usoo maray marxalada kala duwan oo mid waliba duruufteeda gaarka ah lahayd, ha ugu danbaysay marxaladii uu ahaa hogaamiyaha urur siyaasadeedka Kulmiye iyo musharaxa jagada madaxweynenimo ee ururkaas.
Mudadii uu hogaaminaayay ururka Kulmiye ee uu ahaa mucaaridka halka uu maanta ururku ka yahay muxaafid ayaa waxa soo waajahay si guud ururka caqabado adag uu u baahan go’aan ka qaadasho iyo dhiiranaan ku dhisan hadba sidii loo heli lahaa cadaalad iyo badbaadinta qarankan oo keensatay in arimo badan oo xaq iyo xuquuqba loo lahaa laga tanaasulo, si jiritaanka ummadani usii waarto nabada iyo wada noolaanshahana loo ilaaliyo.
Caqabadii ugu weynayd ee uguna caansanayd ayaa waxay ahayd doorashadii madaxtooyada 2003-dii ka qabsoontay dalka ee ku dhisnayd qaabka musuq-maasaqa ah ee lagu shaaciyay in Kulmiye lagag guulaystay 80 cod oon xalaal ahayn, shaacintaa kadib go’aan qaadashadii wacnayd ee uu sameeyay musharaxii iyo gudoomiyahii waqtigaas Mud: Axmed Siilaanyo ayaa ahayd mid geesinimo leh abaal weyna uga hayaa dhamaan shacabka reer Somaliland.
Doorashadii labaad ee aqalka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ahayd mid ka qabsoontay dalka sanadkii 2010-kii bishii June, doorashadaas oo uu ku guulaystay ururka Kulmiye ee uu musharaxa u ahaa madaxweynaha hadda dalka maamula Mud: siillaanyo ayaa uu ku guulaystay %51 tirada guud ee codbixiyayaasha, tiradaas oo ahayd xaddi aad ugu badan tirade codka ay heleen ururadii kale ee la tartamaayay oo ka ugu soo dhawaa uu haystay %30 tirada guud ee codbixiyayaasha.
Madaxweyne siilaanyo oo marar badan sheegay inaanu hal maalin ku darsanahayn muddo xileedkiisa loo doortay ee sharciga aha ayaa hadana waxa waqti xaadirka ay u muuqataa in ay qasabtahay in muddo kordhin logu daro muddo xileedka madaxweynaha taasoo lagama maarmaar u ah jiritaanka qarankan Somaliland.
Madaxweynuhu sharci ayuu ku yimi kursiga, sharciga ayaa qoraya in loo kordhiyo hadii doorasho ku qabsoomi wayday waqtigii loogu talo galay, oo aanay dibu dhacuna dhankiisa ka imin sidaynu wada ogsoonahay, sharci ayaanu kaga tagi doonaa maalinka bulshadu cid kale usoo igmato hanashada iyo hagida qaranka.

Qalinkii Xamda luul
xamda.xaashi@gmail.com