Marbeerj (Marburg)
Cudurkani waa fayras dilaaya oo dalal hore lagu arkay, haatanna dhowaan lagu arkay koonfurta Itoobiya.
1. Waa maxay Fayraska Marburg?
Fayraska Marburg waa fayras halis ah oo keena cudur dhiig-bax badan leh oo loo yaqaan cudurka fayraslaha Marburg (Marburg Virus Disease-MVD ), Waana fayras ka tirsan qoyska Ebolaha.
Fayraska Marburg waxa uu sababi karaa astaamaha Kala ah:-
• Qandho degdeg ah
• Madax-xanuun daran
• Lalabbo iyo shuban
• Dhiig-bax gudaha iyo
dibadda ah
• hawlgab ( failure) xubnaha
jirka.
Halka uu heerka dhimashada uu gaadhi karayo 24% ilaa 88%.
2. Xagee ayuu ka yimaadaa?
Fayraska Marburg waxa uu ka soo farcamaa ilmaha fayraska fiidmeertu sababto.
Siyaabaha loo kala qaadi karo:
• Taabashada kaadida, saxarada
ama duufka fiidmeerta ee ku nool
godadka.
• Taabashada dheecaannada qof
cudurka qabta
• La macaamilka xayawaanno ama
unugyo cudurka sida.
3. Sidee buu u faafaa?
Fayraska Marburg waxa uu ku faafaa taabasho tooska ah oo lala yeesho:
• Dhiigga
• Matagga
• Shubanka
• Candhuufta
• Kaadida
• Dhididka
• Shahwada
• Agab ama gogol wasakhaysan.
Laakiin, hawada caadiga ah kuma faafo.
4. Astaamaha Cudurka:
Maalmaha 1–2:
• Qandho xoog leh
• Qabow iyo gariir
• Madax-xanuun iyo murqo-xanuun.
Maalmaha 3–5:
• Shuban biyo badan
• Matag joogto ah
• Xanuun caloosha ah
Maalmaha 5–7 kadib:
• Dhiig-bax sanka, Cirridka ama
gudaha caloosha ah.
• Finan maqaarka ka soo baxa
• Wareer iyo suuxdin.
• hawlgab beerka iyo kelyaha
5. Sida loo ogaado:
Waxa lagu ogaadaa shaybaadhada kala ah:-
•Shaybaadhka PCR (Polymerase Chain Reaction):Waxa lagu ogaanayaa hadday jidhka ku jiraan qaybaha hidde-sidaha ee fayraska, taasoo caddeynaysa in qofku cudurku hayo waqtiga baadhitaanka.
•Shaybaadhka ELISA (Enzyme-Linked Immunosorbent Assay): waa baaritaan shaybaar oo loo isticmaalo in lagu ogaado difaaca jidhka (antibodies ) ama shisheeyaha jidhka (antigens ) dibedda kaga yimaada ee heegan geliya Unugyada difaaca jirka.
•Baaritaanno kale oo lagu sameeyo shaybaadho ammaankoodu sarreeyo.
shisheeyaha jidhka (Antigen ) waa wax kasta oo jidhka dibedda uga yimaada, kana dhiga difaaca jirka heeganka, halka difaaca jidhku-na ( Antibody) yahay difaaca jirku sameeyo, si uu uga hortago walxaha shisheeyaha ah (Antigens).
6. Daaweynta Cudurka:
Ma jiro daawo gaar ah oo fayraska dishaa, waase daryeel taageero ah, sida:
• Biyo iyo dheecaan lagu geliyo xididka
•Ogsijiin siinta
•Dhiig lagu shubo haddii loo baahdo.
•Daaweynta bushashka kale.
•Daryeelka qaybta Degdegga ah (ICU – Intensive Care Unit), haddii xubno gaar ahi hawsha ka dhacaan.
7. Ka hortagga
• Ka fogaanshaha godadka/dhulka ay
ku badan yihiin fiidmeertu.
• Xidhashada Qalabka Ilaalinta
Shaqsiga ( PPE – Personal Protective
Equipment ), sida Af-saab, goloofyo
iwm, marka la daryeelayo
bukaanka.
• Nadaafad adag oo isbitaalka ah
• Wacyigelin bulshada ah.
• Habka aaska oo looga hortago in
aan cudurku faafin, maxaa yeelay
bukaanka dhintay waxa uu noqon
karaa halista faafinta cudurka.
8. Meelehee lagu arkay Afrika?
Cudurka waxa hore looga diiwaan-geliyey dalalka:
• yugaandha (Uganda).
• Angoola (Angola).
• Koongo ( DR Congo).
• Kiiniya (Kenya ).
• Qaana (Ghana).
• Giini (Equatorial Guinea).
• Koonfur Afrika (South Africa).
Haddaba, cudurkan waxa bishan gudaheeda Oktoobar 2025 lagu arkay dalka Itoobiya, dhinaceeda koonfureed, lagana baqayo inuu dhinaca Addis u soo fido, sidaa darteed, maadaama aynu deris la nahay, labada dadyowna ay isu socdaan, waxa lagama maarmaan ah in taxadir la muujiyo iyo digniino, si looga hortago faafiddiisa iyo badbaadadiisaba.
Cudurkan, lagu magacaabo Marburg oo fayras ah, waxa uu qoys la yahay cudurkii Ebolaha ee isna halista ahaa ee fiidmeerta laga qaadi jirey.
Cudurrada Marburg iyo Ebola waxa ay wadaagaan:
• Qoysnimada fayraska.
• Astaamaha dhiig-baxa daran.
• Ilaha dabiiciga ah ee Fiidmeerta.
• Habka faafidda.
• Heerka halista sare.
Haddaba, badbaado waa ta Allee, maskaxda ha lagu haysto halku-dhigga caafimaad ee yidhaa “ ka hortagga cudur ayaa ka fiican daaweyntiisa “.
Allah Mahad Leh,
Prof. Maxamed Jaamac Rooble.
– Mujaahidka –


