Ali MahdiSooljadaan rabay
u raxlayn jiray
u rabaysnaa
maxaa reeboo
rakaatada baday
ma nin riiqiyo
wasiiraa rogay
rakaatada baas
ma rubaa baday
haday raysteen
suxufiga raran
rixin yaw gala
Rashiid dabadii
reerkii yaw hadhay

Waa Tuduc Ka Mida maanso la magac baxday ‘’RAKAATO WASIIR’’ oo aan kaga hadlayay is bedelka baahsan ee ku yimi ururkii saxaafada Somaliland hore ugu midowday ee SOLJA.

25 bishii December ee sanadkii tegey ee 2015 ka waxa ay ahayd maalin in badan oo ka mida suxufiyiinta Somaliland ay filayeen inay helaan isbedel weyn oo dhinaca saxafaada ah iyo ilaalinta xuquuqda suxufiga si ay u helaan xaqii iyo xuquuqdii suxufinimo eek a maqnayd, waxa ay ahayd maalin ay si weyn u sugayeen dhamaanba suxufiyiinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, maalintaas oo ahayd maalinimo khamiisa waxa aan ku sugnaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil waxa aan aad u jeclaa in aan ka soo qayb galo munaasibadii maalintaas dhacday oon aaminsanaa inay ahayd maalin saxaafada Somaliland uu u soo baxay dayax iftiiminaya xaq dednaa.

Waxa aan aad u xasuusnaa tixo kookooban oon ku cabirayay dareenkayga maadaama aan xog badan ka hayay ragii loo tuhunsanaa inay qabtaan hogaanka urur Solja oo badhkoodba hada hogaanka ku jiraan yihiina kuwa ugu awooda badan.

Dhaaxaan dabiniyo, daluun ku jiroo
ruux ii damqadiyo, daryeel waayoo
xaqaygii daahyo, lagu deday.
***********
saakana dayaxbaan arkaa, dihinoo
hogaan daacadaan, hoheey dirsadoo
naftii daalayd, haduu dirir helay

Waxa ay ahaayeen ereyo xusuus badan igu yeeshay ugu horeyn waxa aan waayay dardartii bilowga ee aan ka rajaynayay hogaanka cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja loo doortay inay layliyaan
talana waxa ay noqotay ‘’BIYAHA AAN HORAARTOODA ARKAA DABADOODUNA WAA HUUBO’’.

Waxse aan is weydiiyay ma sanado kale oo dulmiya ayay ku sii jiri doonaan saxaafada Somaliland, mise solja ayaa markii ugu horeysay noqon doonta xarun furan oo aan hogaan lahayn,

Rajooyinkii badnaa ee iga lumay waxaa igaga daran riyo beenaynta asxaabtayda, oo qofkii aad dhahdaa solja maxaa helay sidan hogaanka cusub kama filayne waxa uu kuugu jawaabayaa, ‘’solja waxa ay gacanta u gashay dowlada’’ waa erey caan ka dhex noqday saxaafada dhexdeeda waxaana halkaasi ku sii lumay kalsoonidii ay saxaafadu ka qabtay ururka solja.

Saaxiibtinimada dhow ee hogaanka solji la leeyahay xubnaha golaha wasiirada waxa aan u haystay inay sixi doonto khaladaadka badan iyo tacadiyada saxaafada lagula koco balse waxa ay godka ku sii riday, hankie iyo himiladii saxaafada.

Marwalba waxa aan soo xusuustaa mowqifkii adkaa ee hogaankii hore ee solja uu iska taagi jiray tacadiyada loo geysto saxaafada inkasta oo labadii xubnood ee ugu sareeyay hogaankii hore ala ha u naxariistee xoghayihii guud maxamed rashiid sheikh xasan iyo xasan maxamed yuusuf ay ku kala aragti duwanaayeen qaabka loo maamulayo saxaafada hadana waxa ay ahaayeen kuwo ka midaysan difaacista iyo soo dhicista xuquuqda saxaafada halka manta hogaanka cusub ee ururka solja aad moodo kuwo u midoobay cabudhinta iyo sii adkaynta tacadiga saxaafada marka loo eego talaabooyinkii ugu horeeyay ee ay qaadeen oo ay ka mid ahaayeen waxay ugu yeedheen anshax marinta saxaafada, iyagoo hilmaansan xuquuqda distooriga ah ee sharcigeenu saxaafada siiyay,

Talada iyo go’aamada ururka solja hogaanka hada maamulaa qaadaan ayaa u eg mataana la ah go’aamadii wasiirka warfaafinta Somaliland saxaafada ka soo saari jiray waana ta keentay in saxaafad badani tuhunto in maamulkii saxaafadu uu gacanta u galay dowlada iyo wasiiradeeda dhiiran eek u baarqabeeya saxaafada.

Gun iyo gabagabadii waxa aan hadal ku soo koobay, waxaa mar kale hog madow ku dhacday rajadii iyo riyooyinkii saxaafada waxaa sii balaadhatay tacadigii saxaafada sida in badani aaminsantahayna taa waxaa daliil u ah dowlada Somaliland oo tahli weyday in ay soo furdaamiso mid ka mida tafatirayaashii wargaysada afkooda ku hadla oo itoobiyi xabsi ku riday, oo aan anigu qabo in xadhiga suxufigaas itoobiya kula kacday ay ku lug leedahay dowlada Somaliland. Dhinaca kalena waxaa batay xadhiga suxufiiyintii gobolada ay maamulka goboladoodu kula kacaan xili ay meesha ka baxday jawaabihii adkaa ee ay hogaankii hore ka bixinjireen tacadi qaawan oo saxaafada loo geysto, taa badalkeeda waxaa dhacda iyo hogaanka cusubi iyagoo iska jeedinaya indhaha weriyeyaasha kale ay soo saaraan waraaqo la booshaaq qoray oo aan kalaba garan waayo inay ku canbaaraynayaan xadhiga lagula kacay suxufiyiintaas iyo inay ku amaanayaan dowlada iyo maamulka xidhay waxaan ku so oaf meerayaa odhaahaygan tuducan ka mid ah maanso aan gacanta ku hayo oo dhawaan aan baahin doono waa maansada la dhoho ‘’RAKAATO WASIIR. SOLJA RIIQISAY’’

Sooljadaan rabay
u raxlayn jiray
u rabaysnaa
maxaa reeboo
rakaatada baday
ma nin riiqiyo
wasiiraa rogay
rakaatada baas
ma rubaa baday
haday raysteen
suxufiga raran
rixin yaw gala
Rashiid dabadii ( IHN Maxamed rashiid Aamiin)
reerkii yaw hadhay

Qalinkii Suxufi: Calimahdi Jibriil Xassan