Caddami

Gooni Isu taaggii Eritrea Itoobiya waxa uu ka dhigay dal aan Bad ama Dekedo lahayn, Waxase ay isticmaali jirtay Dekedaha Casab iyo musawac, intii aanay labbada dal Coloobin, sidaa awgeed Dekeda Djabuuti waxay Noqotay meesha ugu dhaw ama ugu haboon ee Itoobiya ay ka dhoofiso, waxna kala soo degto”

Dekedaha Gobolku ama waa qaar aad uga Fog sidda Port Sudan oo kale ama kuwo adeegyadoodu iyo Kaabayaashuba liitan sidda Dekeda Berbera oo kale, hase ahaate Dekeda Djaabuuti kuma wada Filna baahida Itoobiya ee sii kordheysa isla markaana Istaraatiji ahaan ma haboona in ay ku tiirsanaato dal Iyo deked qudha, Sidaasi daraadeed dawlada Itoobiya in muddo ahba waxay daneyneysay Isticmaalka dekeda Berbera marka loo hello Maalgashi lagu casriyeynayo iyo sidaas oo kale marka loo helo kharash lagu wanaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka ama dhabaha tareenada ee isku xidhaya dekeda iyo dalwaynaha Itoobiya.

Haddaba haddii Itoobiya aad ugu baahan tahay dekedaha Somaliland, Somalilandna ay u baahan tahay dhaqaalaha badan ee ka soo gali kara adeegyada ay qabanayso maxaa ka hortaagan in mashruucu The Berbera Corridor Hirgalo?

1. Somaliland iyo Itoobiya ma heli karaan dhaqaale wax lagaga qabto dekeda iyo kaabayaasha kale ee soo raaca.

2. Dalalka EU-da oo ku balanqaaday in ay kharashka wax ka bixiyaan oo dhaqaalahoodii hoos u dhacay.

3. Dawlada Somaliland oo aan ku dadaalin in maal-gashiga dekeda ka raadiso meelo kale oo ku mashquul ah sidii ay kursiga u xejisan lahayd.

4. Xukumada oo aan wax badan dib ugu celin kharashka ka soo baxa dekeda si waxooga kor loogu qaaddo Heerka adeegyada iyo qalabka.

5. Garabyo ka tirsan xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo aan dhiiri galin mashruuc kasta oo sii xoojinaya xidhiidhka labbada dal.

Muwaadin bal xasuuso tirada iyo miisanka wufuuda Itoobiya ee sannadihii u dambeyey dalkeena yimid si ay madaxda Somaliland ugala Xaajoodan Mashaariic u dan ah horumarka iyo amniga labada dal oo inta badan ka socon waayey dhinaca Somaliland.

Akhriste ma iswaydiisay halka ay ku dambeyeen guddiyadii heer wasiir iyo guddiyadii farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee labbada dal.

Arrimaha kor ku xusan waxa ka sii darran Somaliland oo aan awood iyo kartitoona u lahayn fulinta ama dhaqan galinta heshiisyada ay la gasho Shirkadaha ama dawladaha.

Bal aan soo qaadano dhawr tusaale: Waxa dalka iskaga baxay Shirkadihii shiidalka Sahaminayey markii dawladu ku fashilantay in la sugo Amaankooda.

Waxa buray heshiiskii lala galay amiir reer Qadar ah oo doonayey in uu warshad ka dhiso Degmada Sheekh markii dad shicib ahi iska Hortaageen Goobtii dawladu u qoondeysay.

Shirkad Shiine ah oo Macdan ka baadhaysay buuraha Simoodi ee gobolka Awdal waxay la macaamiisha dadka deeganka markii ay ogaadeen in aanay dawladu lahayn awood ay ku illaaliso amaanka shaqaalaha iyo hantida shirkada.

Xukumadu waxay ku dhici wayday in Warshadii Sibidhka oo hanti Qaran ah ku soo celiso gacanta Dawlada.

Waxay Xukumadu dib uga joogsatay in la xidho Seerihii Xoolaha ee Aroori iyo Qool-cadey markii Dhawr Qof ka hanjabeen Warbaahinta iyaga oo ka faa’ideysanaya tamardarada hay’adaha sharci fulinta.

Raysal wasaarihii hore ee Indonesia Djuanda isaga oo tilmaamaya sida illahay ugu roon yahay dadkiisa iyo sida ay uga qatan yihiin nimcada uu siiyey wuxu yidhi: “God is for us, but we are against ourselves”.

Si kastaba ha ahaatee 27/3/2015 Raysal Wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Deselgn isaga oo u waramaya wakaalada wararka ee REUTERS wuxu shaaca ka qaaday in Itoobiya ay bilaabayso dhoofinta Gaasta Dabiiciga ah Sanadka 2017.

Hadaba Gaastan oo laga helay goobo aan sidaa uga fogeyn Somaliland waa wax la garan karo in ay Berbera tahay dekeda ugu haboon ee laga dhoofin karo ama ugu qiimo jaban marka laga eego masaafada iyo dabeecada dhulka oo isku siman ee Beebku soo marayo sidaasi daraadeed dhawaaqa Raysalwasaaraha ka hor 12/11/2014 waxa Somaliland yimid wafti culus oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyada Itoobiya, waxaynu qiyaasi karnaa markan in ay u socdeen in warbixin kama dambeys ah ka keenan surtagalnimada in gaasta laga dhoofin karo dekeda Berber.

Waxaan u maleynayaa Itoobiya in ay ka walaacday amaanka deeganada dhulka la soo marinayo dhuumaha gaasta waayo ma mooga wixii qabsaday shirkadihii shiidalka iyo murankii dhexmaray beelaha deeganka.

Way ka war hayaan in Xukuumada loo diiday dhul yar oo la dhigi lahaa taangiga biyaha loogu kaydiyo magaalada Tog-wajaale sidaasi awgeed Raysalwaasaha Itoobiya waxa uu heshiis la gallay dawlada Djabuuti iyada oo dhuumaha Gaasta qaada la soo dhigi doono masaafad aad u dheer iyo dhul adag oo buuraley ah.

Dekeda Djabuuti waxay tartan kula jirtaa dekedaha waaweyn ee Gobolka sida dadka qaar ku sheekeyaan uma baahna in ay la Tartanto Somaliland,

Somaliland iyadaa tartan iskula Jirta oo waxba qabsan kari wayday”

Cabdiraxman Cadami

Email: Abdirahmanadami@Yahoo.com