qoraal
“Dub u dhaca muuqda ee doorshada waxa leh masuuliyadeeda xukuumadda, haday doorasho daacad ka yihiin may dhacdeen in xilligan aan la diyaarin doorasho, waxase caddaatay oo aan la dafiri Karin inay kalsooni daro darteed waqtigii doorshada la diyaarin lahaa dayaceen. Somaliland waxay idiinka fadhidaa masuuliyadda aad qaadeen ee xilkiinu yahay inaad fulisaan oo aad qabataan doorasho xora oo xalaala haddi ay dhici waydo sidaasina waa in wada tashi qaran laysugu yimaada oo laydin kala diraa, abaal aad ku sii maamushaan dalka iyo weji aad kusii hor joogtaan shacabku idiinma yaal.

Wax la qaadan karo maaha shan sanno ayaan kursiga ku fadhiyay oo doorasho ma diyaarin, oo waxan doonaya muddo kordhin, bal maxaanu kugu abaal marina illay xilkii laguu igmaday ee laguu dhaariyay maad gudan oo waadiga dayacay ee ku hammiyaya muddo kordhin xaarane, hadddi aradaygu uu saaqido oo waxbarashadiisa kasoo bixi waayo kawarama haddi la yidhaa aradayda adaa u sareeeyay oo la siiyo jaa’isad, maanta sidaasad ka dhigantihiin masuuliyaddi ummada waad ku saqideen sidii laydinku igmadayna ugamaydaan soo bixin, abaalkiinuna waa in madaxtooyada laydinkaso dareeeriyo.

Sabab muddo kordhin lagu sameeyo oo dastuuuriyi ma jirto dalkuna waa nicmo colaadna alle inama badin, gu’gii waaka curtay ee nimcaddii alle inoo hoortay. Waxa loo baahnyahay in garaad fayoow lagu eego xaaladda dub u dhaca doorashada oo aan dalka la gelin muddo kordhina khalkhal siyaasadeed abuurta, waxa nagu jira tuudhaale, waxanu dalka ka qabna lexejeclo aanay xukuumaddu ka qabin.

Dastuurkeenu wuxuu jideeyay haddi ay gudan waydo xukuumadu xilkeeda oo ay ku fashilanto masuuliyada loo igmaday kuna sifawdo xil gudasho la’aan in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, maanta waxa hubantiya oo aan ka daahnayn shacabka in xukuumaddu fashilantay oo ay dayacday masuuliyadii loo igmaday ee ahayd inay diyaariso doorasho xora oo xalaal, waxay dayacday xukuumaddu waqtigii doorasho loogu diyaar garoobi lahaa.

Waagii uu mucaaridka ahaa madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisi Kulmiye waxay ugu necbaayeen maqalka muddo kordhin, way ka gilisheen oo wxay kaseemyeen bannana baxyo waawayn muddo kordhimo xarana oo Xisbigii Udub sameeyey. Madal kasta wuxuu kaga qudbaadeyn jiray Siilaanyo marka lay doorto ee aan xafiiska madaxatooyada fadhiisto dhicimayso muddo kordhin xaarani. Hawraarsanabay ahayd waxaana loo baahna maanta waa madaxweyne waa awoodii dalka u saraysay inuu ka dhabeeyo balqandaaka uu ku tiraabi jiray waqtiga. Maanta ha karahsan madaxweyne shacabka diidan dub u dhaca doorashada iyo xisbiyadda mucaaridka ah ee aan aqbali doonin muddo kordhin xaarana. Waxaad ku abshirtaa in la qaadi doono talaabakasto oo lagu horjoogsan karo muddo kordhin in la muujin doono dareeenka shacabka oo aan la qaadan doonin muddo kordhinta ay gudinayso xukuumaddadu.

Dub u dhaca doorashada waxay uga gollahaayeen in ay helaan muddo kordhin xaarana oo ay kusii maamulaan dalka taasina wax dhacaya maaha ee dalka iyo dadka haku khalkhal galinina damaca aan caqliga fayoow iyo fikir saxa ku iman. Dalkeena curdinka ah iyo dawladnimadeena yabyabka ah munaasib kuma aha muddo kordhin xaarani waxaanay kalsooni daro ku abuurysa caalmaka danneeya qadiyadeena iyo dimuqraadiyadeena, waxa idinla gudboon inaad ka dhabaysaan oo aad rumaysan ballan qaadkii aad ku celceliseen ee ahaa doorashadu xiligeedi dhaafimayso.

Xukuumad wax qabatay oo isku kalsooni doorasho kama baqato oo muddo kordhin kuma hammido, waxay diyaarisa doorasho waxaanay ku kalsoonaata waxqabadkeeda iyo kalsoonidda shacabku u hayaan. Waxa muuqata oo aan qarsoonayn in xukuumaddu wayday kalsoonidi shacabka oo ay dan mooday muddo kordhin xaarana taasina wax la aqbalayo maaha dalka waxa laydiin dhaariyay shan sanno oo ku eeg 26 Jun haddi ay miridh xaarana idinku dhaaftana waxay keeni doonta cawaaqib xumo saamayn ku yeelata dalka.

Madaxweynaha ixtiraamka loo hayaa wuxuu in badan ku cel-celiyay inay dorashadii diyaar tahay, hadan waxa muuuqta oo aan caad saarayn in dub u dhac xukuumaddu masuul ka tahay jiro oo aanay doorasho xiligeedi ku dhcayn, waxa iswaydiintu tahay madaxweynuhu markuu ballan qaadayo doorashda ee aanu hadana daacada ka ahyan ma bulashadaan caqli lahaynbu is leeyahay mise waa ujeed kale oo wali dahsoon. Madaxweyni sidaasi waa garaad cay, waa caqli yasid iyo garasho daro. doorasho diyaar uma tihid waxaad u dhololaysaa muddo kordhin xaaran taasna mayaa laga yidhi oo shacabku kaa aqbalimaayo kaana qaadan maaye macno kale keen oo aan kordhin ahayn . xafiiska waxaad xaq u leedahay shan sanno wixii ka danbeeyay waa xaaran iyo xaq daro inaad sii maamusho dalka haday dhacdana mahadin maysid ee waad maanka ku hay.

Guurtida waxa la gudboon inay si daacada uga garnaqaan oo aanay danta madaxweynaha tixgelin ee ay dareemaan rabitaanka shacabka oo ay ixtiraaman dastuurka dalka, maadama aanay jirin asbaabo lagu kordhiyaa doorashada oo dastuurku ogolyahay ee ay jiraan xil gudasho la’aan iyo kalsooni daro kulmiye ku dhacday, umaddu way idin baratay waxaad aad gudaan iyo waxa aad gashaana waa laydin bartay taladi ummadana waad ku fashilanteena. Dawladnimada kaadaaya khamaarka oo u tudha dalka aad la wareegteen isago mida oo isku duuban.

Haddi guurtidu kordhiso oo ay qaado talaabo aan dan u ahayn jiritaankeena iyo dawladnimadeena waxa balana oo aan shacabka u caddaynayna inaana aqabli doonin oo anay dhici doonin muddo kordhin xaarani, waxaanu muujin doona dareenkayaga iyo halka aanu ka taganahay muddo kordhin xaarana. Madaxweyne taariikhdaada dahabka ah halgankaagi dheera haku maax dumin maalmo kooban oo aad ku korodhsato muddo xaarana, waxa maanta lagaaga fadhiyaa doorasho taariikhiya inaad qabtao oo aad tixgeliso dastuurka dlka.

Komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu ka codsanayna inay sameeyaan jadawlkii doorashada oo ay ka saaran muhmalka iyo cimir dhererka doorshada, waanu ku kalsoonhaya waxaanuse ka naawilayna inay degde ugu dhawaaqan jadawalkoodi doorsaho oo ay ku astaysantahay maalinta doorashada loo dareerayo. Dawladaha danayeeena qadiyadeeena iyo caalamku waxay toosh ku hayaan doorashadeena iyo xiliay dhacayso, dublamaasi ahaan waxay keenaysa dhaawac wayn dub u dhaca doorashada”

Afhayeenka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani.
Maxamed Sadiiq.