Xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa si mugg leh ugu lumay isdaba socodkii Da’yarta(Generation to Generation) sida laga dareemaayo guud ahaan waddanka waxa sii gurmaaya da’yartii waddanka, iyadoo raqdoodii wadhan tahay badaha talyaaniga iyo saxaraha suudaan.
Xukuumada Axmed Siilaanyo waxa ka muuqata siyaasad la’aan dhanka dhalinyarada waddanka iyadoo, wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu gabi ahaanba hayn wax haga da’yarta maanta, waxa kala qaybsamay Daladdii dhalinyarada ee heer qaran SONYO, wali waxa qaawan garoonkii kubada cagta ee Hargeysa Stadium, waxa aan jirin kooxo ciyaareed oo shaqeenaaya, ilaa imika waxa qabyo ah garoomada gobolada.
Maxaa La’gudboon Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha…

1. In la’abuuro siyaasad cad oo hagta Da’yarta maanta si looga hortago Tahriibka, Dhuljiifnimada iyo Balwadaha

2. In dib loo nooleeyo ciyhaarihii kala duwanaa ee dhalinyarta,(Fat ball, basket, Tens, Circus Group and Marathon)

3. In la’abaabulo garoomadii lagu qaban lahaa tartamada kala duwan iyadoo la’casriyeenaayo.

4. In wasaaraddu qorsheeso, tartamo ay da’yartu ku kasbanayaan maaliyado kala duwan sida tartamada caalamka, waxa jira tartamo heer qaran ah oo loo sameenaayo shirkadaha/ ganacsatada dhaxdooda

5. Wasaaradda dhalinyartu waa in ay qorsheesaa, sidii dhalinyarta heer qaran uga qayb galilahaayeen tartamada caalamiga ah ee mandaqada.

6. Waa in wasaaraddu qorsheesaa sidii dhalinyarta u heli lahaayeen tababarayaal caalami ah, kuwaas oo siinaaya xirfado kala duwan kooxaha heerarka kowaad ee waddanka

7. In la’helaa garoomo kubadda Basketball oo ku yaala degmooyinka xaafadaha ee magaalooyinka waaweyn,

8. Sidoo kale waa in la’helaa garoomadii Kubadda Tens-ka iyo waliba tababarayaal

xirfadeedii leh…………………

Wasaaradda Dhalinyarta iyo ciyaaruhu ma;gudan kartaa waajibaadka kor aynu ku soo xusnay, oo noqonaaya qayb ka mid ah in la’jiheeyo dhalinyarta waddanka halka imika ay ku mashquulsan yihiin hawlo kale oo wax yeeladoodii soo baxday sida Amaanka waddanka, tahriibka, siyaasadda, qablaayadda iyo balwadaha oo uu qaadku ugu horeeyo.
Muwaadin maxaa meesha ka baxay wasaarad ama siyaasad shaqeenaysa oo hagaysa da’yarteena maanta.
Maxaa kala qaybiyay daladii dhalinyarta ee SONYO? Maxaa ilaa imika Doog/roog loo dhigi la’yahay garoomadii heer qaran ee goboladda Somaliland sida Hargeisa Stadium? Maxay dhalinyartu uga fikirtaa kaliya, tahriib, falaqaynta siyaasada xisbiyada qaran.

Waxa maqan wasaarad shaqeenaysa oo qaabilsan dhalinyarta iyo ciyaaraha, madaxweynuhu waa isku dayay in uu bilaabo barnaamijyo haga da’yarta, waxaanu dhigay gun dhig wanaagsan sida sanduuqii dhalinyarta, laakiin su’aashu waa Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaruhu ma’gudankaraa waajibkaa, ma’leeyahay aqoontii iyo kartidii wax loogu qaban lahaa da’yarta manta.
Qiimee wasiirka dhalinyarta iyo ciyaaruhu waxa uu qabtay intii uu joogay jagada wasaaradda, aan ku xasuusiyo hal wareeg oo gobolada loo qabtay, tartankaas oo ku suntamay tartankii qablaayada ee Gobolada Somaliland, (Xasuus Gobolaka Togdheer wixii kala qaybiyay) markaa muwaadin ma;odhankarnaa waxa uu ahaa tartan ciyaareed waajahay ujeedadiisii. Waad ogtahoo ujeedada ciyaaruhu waa is dhax galka Bulshada,

Maad maqashay kooxo A.B.C oo ka jira gobolada dalka, oo u kala baxaaya noocyada ciyaareed kala ah Basket Ball Fat ball, marathon and Tens.
Soo Jeedin.
Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo haddii aanu nahay da’yarta manta waxaanu abaal weyn kaaga haynaa Halgankii dheeraa ee aad waddanka u soo martay, sida wanaagsan ee aad u jeceshahay in bulshada reer Somaliland hesho aqoonsi buuxa, waxaanu su mugg leh kaaga codsanaynaa Madaxweyne…..
Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Reygal in aad ka bedeshid Dhalinyarta Somaliland, sababtoo madaxweyne kuma haboona jagadaas.
In wasaaradda Dhalinyarta iyo Ciyaaraha u kordhisid Budget/ Miisaaniyada si loo helo wax qabad dhab ah oo dhanka wasaarada Dhalinyarta iyo Ciyaaraha.

Freelance Journalist: Caafi Cali
caafi10@gmail.com