Maxaa ku kallifay dhallinyarada Soomaaliyeed inay dhafoorada xiirtaan oo ay timaha u deystaan qaab yuqufa oo raamo leh ?
Murti: Waa Su’aal da’ weynee dhaqanka yaa dan u leh. !!!!.
1. Saameynta Dhaqamada Shisheeye :
Warbaahinta caalamiga ah, muusig, filimaan, TikTok, YouTube, ciyaartoy, fannaaniin ayaa macallimiin u ah oo
Ku soo bandhigay qaabab timo xiirasho oo aan ka imaanin dhaqanka Soomaaliyeed, waase hallaabin iyo baadiyayn ay wanaag moodayaan.
Dhaqamadaa shisheeye ayaa u abuuray faham ah in casri yahay qofka sidaas u muuqda ee dhafoorada xiirtaa, taasoo Dhallinyaradu si dabiici ah ugu daydaan waxa ay arkaan ee xun badiyaa, barashada ku-dayashada ( learning by Imitation).
2. Badownimo iyo faham la’aan: Dhallinyaro Raadineysa Aqoonsi baha-bahaa, istusnimo iyo magac oo dhaqan-xumo keentay iyo sawir foolxun muraayaddii arki lahaydna aan haysan oo isla qumman.
Dhallinyaradaasi waxa ay ku jiraan xaalad kala-guur ah oo badownimo iyo jaahiliyad ku abtirsata, ayse moodayaan ilbaxnimo iyo fariidnimo, iyada oo qaar badani aanay helin ama lahayn aqoon ay ka helaan tilmaan cad oo ay ku gartaan naftooda, wax San iyo xummaanta ama aan kala saari karaynin wixii xumaa iyo waxa san oo xumaanta xarago moodaya ama u haysta.
Sidaa darteed, timuhu waxa ay noqdeen hab fudud oo lagu muujiyo waan ka duwanahay, bal-i-eega iyo belaayo-belaayo, shaydaan u qurxiyey.
3. Fahamka Diinta oo Xaddidan ama ku yar dhallinyarada intooda badan oo aan fahmin dhafoor-xiirasha waxa ay Diintu ka qabto, iyada oo shareeco ahaan Diintu ogoshahay saddexdan arrin midkood:
• In la quseeyo timaha oo la
gaagaabiyo.
• In la xiiro, la dhukuri oo la
muldhiyo timaha.
• In la deysto oo la daayo ha
dheeraadeene.
Laakiin Diintu ma oggola In timaha madaxa qayb la xiirto, qaybna la reebo oo la deysto.
Nabigu (csws) waxa uu si cad u diidey timaha noocaas ah, dhinacyada xiiran, taasoo Dhallinyaro badan Ka warqabin xukunkan ka yaalla dhaqan-xumadan ee dhinac xiirashada ama waxay u arkaan arrin yaroo aan muhiim ahayn, Diin yaraan darteed iyo jaahilnimo oo aqoontii Diineed iyo tu maadiba ka maqan tahay.
4. Rabitaan hallaysan iyo isdhegomar:
Qaar ka mid ah dhallinyarada Waxa ay si aamusan uga horyimaadaan Waalidiin adag, wacdiga Culimada, canaanta waayeelka iyo Bulshada neceb muuqaallada foolxumada leh. Markaas timahaa dhafoor-xiiradku waxa ay noqdaan wax faan ay ka dhigteen iyo qaab ay ku yiraahdaan “Aniga i daa” oo la qurux badan, siduu shaydaanku u qurxiyey, waana astaamaha keenay in shaydaan badi ku lebbehan yahay.
5. Wacyigelin la’aan iyo dhaqan wareeg jira:
Dhaqanka Soomaalida waxa sal u ah Diinta Islaamka, waxaana muuqata in uu hadda lumaayo, maxaa yeelay waxa aan jirin wacyigelin xumaha ah hadday bulshada tahay iyo xukuumadba. Madax-dhaqameedkii oo marin habaabay oo siyaasad dan moodey, dhaqanka toli lahaa oo maanta la arkaayo wasiiro qaar ama Agaasimeyaal guud iyo Aqoonyahan jaamacadaha ka baxay oo Sida baalashlaha u xiirta oo dhafoorada gaabiyey intii kalena deystey ama xiirayba, iyaba waa tabaalaha jiriyo taynu aragnaaye.
Maanta meelaha dhaqan-xumadaasi ugu badan tahay waxa ka mid ah Ardaydii Dugsiyada, jaamacadaha iyo bulshaba oo noqotay mid aan yakhyakhsi lahayn iyo aqoon-darro jirta oo ku dayashadii wanaagga meesha ka baxday, shisheeye iyo Diin-laawe lagu dayanaayo, halkii Suubane Muxammad (csws) lagaga dayan jirey, una raaci lahaayeen dhaqankii Islaamka ee tixgelintiisa lahaa.
6. Soyaasaddii dawladda ee hoggaamin lahayd dhaqanka, xakamayn lahayd xumaha oo aan jirin, Bulshadii illaalin jirtey, culimadii wacdiga iyo waanada bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, tusaalayn jirtey oo badi ganacsi u guurtey iyo sidoo kale, dhallintii wax isu sheegi jirtey oo iyana meesha ka baxday.

Intaasoo isbiirsatay waxa ay keentay xummantii oo aan layska reebayn oo maanta xataa Geeljirihii dhafoorada xiiran yahay.
7. Kabashada Cilmiga gaaban:
Dhallinyarada oon heli badi Aqoon ku filan oo han leh ka baydhisa liidnimada ama Diin-yaridda keenaysa qaabka foolxumo ee timaha loo xiiranaayo iyo lebiskaba.
8. dhallinyaradii dhafoor xiirashadii ku darsatay jacayl arlo gaalaad iyo gaal la joognimo oo tahriib hamigoodii noqday, tiktok iyo dhaqan xumo lagu faanayo.
9. Dhinaca hablaha maanta, waxa aynu aragnaa hablo ama dumarba dhehoo dhar xidhan oo haddana qaawan, sidii Suubanuhu inoo sheegay” kaasiyaatin caariyaat” oo ka mid ahayd calaamadaha qiyaamaha dhiciddiisa, oo xukuumad, Culimo, Aqoonyahan ama bulshoba cid wax qabanaysaa aanay jirin, xataa waalidkii dhalay oo wacyigelin, waano, talo iyo tusaaleba innooga baahan iyo gacmo bir ah.
10. Dhaqankii hore dumarku waxa ay isku caayi jireen, kolka dagaal dhex maro, candho- weyn maantana waa ay samaystaan, waxa kale oo ay isku caayi jireen qalkaafa’ley, maantana qalkafay isu yeelaan socodka,haddii aan dhaqankii la soo celin, waxa iman in uu lumo, bulshaduna habawdo, jiritaankeenuna halis galo.
Gunaanad :
Haddaba, xukuumad, goleyaal, dhaqan-yaqaan, bulsho, waalid iyo Aqoonyahan, ceelna Uma qodna, ciidanna Uma maqnee, inta aynu gacmaha isqabsanno, guntiga dhiisha uga dhigno aynu ku tashanno in aynu wax ka qabanno dhaqan xumada beryahan dhallinyaradu la soo baxday ee muuqaal-xumada leh, Diin moogaanta ah ee dhaqankeeniina bahdilaya ee looga guuraayo mid shisheeye, midba mid ka sii uraya, siyaasad cad-na looga soo saaro sidii loo hakin lahaa, taasoo liibaanteenu ku jirto, If iyo Aakhiroba.
Meelaha dhaqan-xumadaa laga sixi karo waxa ka mid ah xagga waxbarashada, gaar ahaan Dugsiyada dawli iyo gaarba oo dhallinyaradu u digo-rogatay dhinac-xiirashadaa iyo dhaqan xumadaa, bulshaduna u badantay, hadday tahay dugsiyada hoose, dhexe, sare iyo hadday tahay Tacliinta sareba, waana meelaha u baahan ama ay tahay in laga tirtiro dhaqan-xumadaa iyada ah oo xukuumaddu siyaasad iyo xeerar ka soo saarto lagu xakameeyo.
Wa billaahit tawfiiq,

W/Q. Prof. M. J. Rooble.

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.