warancade and lion(1)Loolan kasta, Shucuur kasta, iyo Ficil kasta oo uu isku diyaariyo jidhka Aadamuhu, waxa loo nisbeeyaa inay tahay mid ka timid hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shaqsi-ahaaneed ee gaarka u ah, inkastoo haddana laga yaabo in ay bedeli karaan dhaq-dhaqaaqa ku yimaada dabeecadaha wakhtiga u dhaxeeya dhalashada illaa iyo qaan-gaadhnimada Bani-aadamka iyo (ASW) xayawaanka uu ku uumay kown-kan aynu ku nool-nahay.

Xeel-dheerayaasha ku takhakhusa cilmiga barashada hab-dhaqanka iyo dabeecadaha xayawaanada, waxa ay sheegaan in xayawaanada Madax-weyn lihi ay ka maskax-badan yihiin xayawaanada Madax- yar, basle waxaynu qormadeenan ku lafa-guri doonaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha ay iska-shabahaan Bani-aadamka iyo xayawaanada qaarkood..

AAR: Waa Libaaxa kiisa Lab, Waxaana ka mid ah Awoodaha badan ee uu leeyahay oo lagu tilmaamaa, inuu yahay In-dheer garad, wax-qaban, karti iyo wax-soo saar, madax-banaan, isla-markaana xoog wax ku muquuniya xataa haddii la helo xalka, waana mid go’aan iyo hogaaminba leh,
Dhanka kale ee Daciifnimadda Awoodaha (Weaknesses) uu leeyahay lagu sheegaa inuu yahay mid dabci qabow oo aan lahayn fikir iyo dareen wax kiciya, iskuna filan, oo axmaq ah, isla-markaa wax-kasta u isticmaala dhanka cawajka iyo in aanu raali-galin ka bixinin khalad kasta oo uu sameeyo.
Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad : Kulla shaqeyso nidaam-wanaagsan iyo qaabka ugu fudud ee aanu wakhti badani kaaga lumi karrin.
Wuxuuna bixiyaa : Mawduuc war-bixineed oo ku saabsan wixii la qabanaayo iyo xiliga la qabanaayo, in loo qabto hab- farshaxan xoriyadeed leh iyo in la qaado talaabo deg-deg ah.
Hannaanka Geedi Socoka Guud : Waxa lagu suureeyaa Nidaam-wanaagsan iyo in la isticmaalo hab- cilmi aqooneed, oo xirfadaysan, lana taageero hiigsigooda iyo hadaf-kooda, haddii aad ku caarididna, xaqiiqadii doodaasi lagama yaabo inay kiciso dareenkooda shakhsi-ahaaneed, wakhti fiican oo taxadir badan oo si wanaagsan loo soo agaasimayey ayey ku eegaan maxsuulka ka soo baxa ama hoosta ayey ka xariiqaan mana doonaan inuu wakhti kaga lumo, ee ha loo sameeyo go’aan qaadashada.
OTTER : Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee Barriy iyo Biyo-ku noolka ah, waana xayawaanada ugu mucjisada badan gaar-ahaan marka uu cibaadaysanayo, waxaana Awoodaha badan ee uu leeyaha kiisa Lab lagu sifeeyaa inuu yahay Daneyste, oo wax-kasta iska sahashadda, lehna jawaabo deg-deg ah, fir-fircooni, saaxiibtinimo, hadal-badni, oo aan is-dhiibin, oo raxmad badan,
Dhanka kale ee Daciif-nimadda Awoodihiisa (Weaknesses ) : Waxa lagu sifeeyaa inuu yahay: mid buun-buuniya wixii wanaagsan iyo wixii aan wanaagsanaynba, oo fudud, canaadina ah, oo aan lahayn wax-soosaar iyo asluubba.
Wuxuu kaa Doonayaa Inaad : Ka shaqeyso Deegaanka, Kobaca khayraadka, Taajirnimadda, ama aad xiisayso.
Wuxuuna bixiyaa : Tayadda, macluumaadka ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada taagan, asalnimada, wax-kastana loo sinaado iyo lana horumariyo aqoonta maskaxda
Hannaanka Geedi Socodka Guud-: Waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo jecel inaad xiisayso iyaga oo aad taageerto riyadooda, dareenkooda iyo afkaartoodaba, isla-markaana aad la saaxiibto, balse aanad ku deg-degin falaqeyntooda iyo faalayntoodaba, waxa habboon inaad siiso fursad aad wax ugu sheegto, ha iskuna dayin inaad la muranto, heshiisna ha lagalin qodobeysan oo dhamaantood lagu dhigay qoraal, ha kana xishoonin inaad ka aqbashid wax-kasta oo ka mida wax-yaabaha gaarka u ah ee ay qaban-qaabinayaan.

AYGA DAHABIGA AH (RETRIEVER): Wuxuu ka mid yahay xayawaanada dab-jooga ah, waxaanay u sii kala baxa saddex nooc oo kala duwan, kuwaasoo afka-qalaad loogu yeedho, sida: (Retrievers, Flushing spaniels, and pointing breads,) Haddaba, Aygan Dahabiga ah: Waxa Awoodihiisa badan lagu fasilaa inuu yahay mid leh xasillooni, qun-yar socodnimo, la iskuna-haleyn karro, xasiloon, oo leh ujeeddo, dublomaasiyadeed, waana kaftan yahan.

Dhanka Daciifnimada Awoodihiisa kale (Weaknesses): ee uu leeyahay waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Xaasidnimo, Bakhaylnimo, Go’aan jilicsan, Dhiirigalin la’aan, iyo inuu sidoo kale aanu qaadi Karin talaabo xilliga ay ku haboon tahay isla-markaana dib u dhiga, waana mid Walaac iyo Baqdin badan.

Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad : U muujiso waa-shaqeyn iyo Farxad
Waxaanu Bixiyaa : Balan-qaad, warbiximaha ku saabsan, sida xaaladdaha taagan ay saameyn u yeelan doonaan, fikradaha caanka ah, wax-yaabaha halista ah oo la wadaago, in la isku haleeyo, lana soo bandhigo sidii caawimo la siin lahaa dadka kale .
Hannaanka Geedi Socodka Guud : Waa kuwo aan lahayn hanjabaado, oo nasteex ah, qof kastana u tilmaama dantiisa iyo in ay taageeraan dareenkooda, ha riixine, adigoo si qun-yar ah u dhaqaaji gaadhsii meel durugsan, tus inaad dhageysanayso, waxay noqdaan qun-yar socod, go’aan kasta oo la gaadhana daba-taagan oo hubiya .

BEAVER: Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee Barriy iyo Biyo-ku noolka ah, waxaana lagu sifeeyaa Awoodaha badan ee uu leeyahay kiisa Lab: Inuu yahay khabiir wax-baadha, Billicsan, Hawl-karnimo, Shaqo-adayg, Tanaasulaad, Akhlaaq-wanaag iyo inuu yahay Agaasime leh hab iyo hannaan masuuliyadeed, isla-markaanaa sameyn-kara hagge uu ku maamuli karro hawlihiisa shaqo ee uu qabanayo.
Dhanka Daciifnimadda Awoodihiisa (Weaknesses ): Waa khiyaali, isku-qaba inuu yahay dhex-dhexaad, manalaha xidhiidh saaxiibtinimo, inkastoo ay yihiin kuwo sida dhibta-yar leh u niyad jaba amaba u murugooda, waana kuwa aan kaftamin xaaladdaha qaar, waxa aanay doonayna aan la marsiin karrin, isla-markaana raadiya meelaha hawlaha-shaqo ay ka liidato, ka dibna canbaareeya, waxa kale oo lagu tilmaamaa inuu leeyahay hab-dhaqanka Aargoosiga.
Wuxuu Kaa Doonayaa Inaad ahaato: Wax toosan oo saxxan.
Wuxuuna Bixiyaa : Caddeymo, war-bixinno ku saabsan, sida ugu mac-quul san ee caqli-galka ah, qorshe- nidaamsan, iyo dib u eegis horumarineed.
Hannaanka Geedi Socodka Guud: Waa kuwa jeclaysta inay wax kastaaba ay lahaadaan qorshe-wanaagsan iyo faah-faahin dhameystiran, waxa kale oo ay xiiseeyaan in la taageero lana soo dhaweeyo fikradahooda, si cadna loogu muujiyo iyadoo loo marayo talaabo kasta oo la qaadayo hawl-qabad ka badan erayadda faaqidaada ah, wax-kastaana ay ahaadaan sida ugu saxsan uguna nidaamsan, loona diyaariyo, waxaana haboon inaad siiso wakhti ay ku lafo-guraan erayadda faaqidaada ah, kana fogaato wixii ku kalifaya go’aan ay gaadhaan iyo wixii dareenkoodu soo jiidanayo, waxaana fiican inaad siiso caddeymo xaqiijinaya wixii aad tidhi inay run iyo xaqiiqo ay ahaayeen.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti