fadumobintu Aadan Buuni
Maalin baa ka soo wareegtay, maalintii koofiyadda dhammaysashada Jaamacadda madaxa loo saaray ee lagu yidhi; ‘Waadigaa maanta mustaqbalkaagii madaxa ku sita.” Mabsuud aan kala go’ lahayn ayey gashay iyo dib u milicsi maalmahii ayy madasha waxbarashada ku maqnayd. Waxay markiiba ogaatay in aanay maalmahaa markasta maankeeda iyo maskaxdeeduba muujin doonnaan muddankooda, oo aanay ka meer-meeri doonin. Dad badan madasha way joogeen. Ardaydu waxay ahaayeen arday aad moodo inay mar wada dhasheen oo cidiba u dhaxayn.
Waalidiin tiro badan oo farxad la wareeray indhaheedu markaa way arkayeen. Bareyaal foolkooda laga dheehanayo farxad aan kala go’ lahayn, iyagana way u fiirsanaysay. Meel aad u ballaadhan oo farshaxannimo iyo farsamo badan ka muuqato ayey ahayd. Ha billaabmo hadaladii kala duwanaa, ee laga jeedinayey goobta xafladdu. Wasiirro, waalidiin iyo wadaro kale oo dad kala duwan madasha way ka joogeen. Malaheeda markay u fiirsatay cidi magaalada kamay maqnayn. In doora munaasibaddii ha socoto, ardaydiina ha wada loo hambalyeeyo.
Waalidkii ku soo dhiddidayna ha loo wada duceeyo. Siday ubadkooda u bar-bar taagnaayeen, muddo badan oo tiro lahayn. Siday markasta ugu barraarujin jireen ahmiyadda waxbarashadu u leedahay aadamaha, ayey aad ugu nuux-nuuxsadeen. “Maanta farxadeenna dhammaanteen lama soo koobi karo, waxaynu u dabaal daggaynaa oo aynu la dakaynnaynaa ubadkeenii, ubaxeennii, anfaceennii, aayaheennii, oo aynu maanta midhahoodii la goosanayno.” Waxa hadalkiisii ku bilaabay maamulka guud ee Jaamacadda. “Ubadkeenna aynu barbar istaagno markasta aynu wax barrno,” ayuu hadalkiisii ku soo gabo-gabeeyey.
“Waad ogtihiin maanta inaanu heer sare ka gaadhnay shaqaalaysiinta ardayda Jaamacaddaha dalka ka soo baxay. Waad ogtihiin sida waddankeennu u horumaray dhinac kasta. Waxan hadda idiin ballanqaadaynaa anniga oo ka wakiil ah Madaxwaynaha dalka oo maanta dalka ka maqan waxa uu is soo faray:- in shaqooyin kala duwan la idin siin doono, oo ku salaysan waxbarashadiina, sidii kuwii idinka horreeyey loo siiyey, in si sinnaansho ah la idiin siin doono iyo inaad shaqooyin idiin qalma la idin siin doono, hadduu Eebe idmo. Waxan markasta idinku dardaarayaa, inaad waddankiina ilaashataan oo cadawga ka difaacdaan. Waxbarashaduna ma dhammaato ee sii wata waxbarashadiina. Ilaa intaad nooshihiin. Hambalyo. Hambalyo.” Waxa hadalladaa koob-kooban yidhi, wasiirka waxbarashada oo madasha joogay.
Haba dhammeeyo wasiirkii dar-daarankuu Ardayda u jeedinayey, inkastoo la taagnaa markan xilligii la rabay in la guddoonsiiyo, waxay ardaydu mutaysteen, hamaansigaaba arday badan ku billaabmay. Qaar baaba kuraasta lullo darraadeed ka daadan gaadhay! Iyadu se waxay dhuuxaysay, dhagtana u dhigaysay weedh kastoo ka soo baxda afka dadkii xafladda ka hadlayey. ‘Toloow xafiis noocma ah baa lagu gayn doonaa? Maamulka iyo shaqaalaha xafiiskaas tolloow ma is fahmi doontaan? Oo tolloow mushahar wanaagsan ma lagugu billaabi doonaa? Mawjado waydiimo hor leh oonay warcelintooda helinbay nafteedii ku huftay. Markii magaceeda lagu dhawaaqay, ayey noqotay sidii qof hurddo habeennimo laga soo toosiyey oo biyo dusha lagaga shubay. Korba waa ta u boodday! ”Alla goormaa la i yeedhiyey? Mabaan maqlayn oo illayn waan maalin riyoonayey,” ayey tidhi, iyadoo dhoolo caddaynaysa.
Saf dheer oo ruumi cas loo dhigaybay, sidii awr xidhiidha isa soo dabogaleen, iyagood foolkooda farxad badan oon la koobi karin ka dheehanayso. Qiyaasteeda haddii la guddoonsiiyey arday aan dhammayn toddoba ay iyadu ku jirto, waxaba si fillaana ugu soo dhacay, gantaal gariir iyo xoog isku darsaday. Meel uu ka yimi, meeshee u socday iyo sababtuu ugu dhacay la garan waayey! Cirka iyo dhulkaba waa laga soo weeraray! Cidda se soo weerartay way iska garanayeen iyagu, isla markiiba boqollay qof wuu la tagay. Naftiina way ka haadday. dhaawac ay ku jirtay iyadu tiro may lahayn. “Bisinka….Bisinka alla halkee la innooga yimi,” ayey maqlaysay, baroortaa ka dhammaatay. “Alla hayaay….Alla hayaay.” ku Cabaade dhaawac halisaa lugta middig kaga yaala, inay lugtu go’dayna way u muuqataa.
Dhiig aad badan baa ka qulqulaya. Arragtay maydka sayigeeday ku indho-kuulan jirtay iyo labadeedii wiil ee mataanaha ahaa oo iyagu ku wehelinayey xafladda Jaamacadda saddexdoodaa u soo raacay. Markii hore waxay is tidhi, “Malaha naf baa ku sii jirta.” Waxay isku dayday, inay beerka ku soo siqdo, si ay ugu soo dhawaato. Kuba arragtay indhaheeda inay naftu judhiiba ka haadday. ‘Ii gurmadaay, ii gurmadaay. Alla idin waayayeey way indhahaygiiyoow,’ ayey ku barooratay, iyadoon hadalba ka soo bixi karayn. Markaasaa ugu danbaysay hadal. Way miyir doorsoontay. Ciddiba cid ma maqlayso. Dumar oo dhanna siddeeday u barooranayaan. Cid kastoo halkaa joogtay oo noolba, jaho-wareerbaa ku dhacay!
Cid wixii dhaawaca ahaa oo ay iyadu ku jirto cusbitaaladaa loola cararay, intii dhimmatayna xabaal-wadareedyaa la iskugu geeyey, dumarka dhinac, carruurta dhinac, raggana dhinac. Magaalada meel kasta waa la duqeeyey. Jaamacaddooda ay munaasibadda ku qabsanayeen oo kaliya lama duqayn, waxa kale oo la duqeeyey goobo badan oo magaalada ka mida. Way ku garaadsatay iyadu siday hooyadeedba ugu garaadsatay, dhibtan iyo baaba’an.
Saddex sanno aya ka soo wareegay markii hooyadeed, aabbeheed iyo walaalkeedii kor uga waynaa ku dhinteen weerarkan oo kale. Maantana waxay ku wayday sayigeedii indhaha u siraaday iyo labadeedii wiil ee murrugada ka yareeyey. Goob kasta oo dad ka dhawaa sida: – waddooyinka faras magaalada, xaafadaha, dugsiyada, waxay noqdeen, maydad wadhan! Iyo dhaawac dhiig-bax u dhammaaday, cusbitaaladana lagu daaddiyey!
Inta dhimatay ee la helay iyagoo jidhkoodu isku yaalo, waxay saddex-laab ka badan yihiin, inta la waayey raq iyo ruux. Duul baas baa ku soo duullay. Maantaba labada lugoodbba way go’an yihiin, gaadhi curyaan baa lagu wadaa. Hamigii fogaa ee ay lahayd wuu hagaasay siday curyaanta u tahayna, isna curyaan buu noqday lixda laxaadba la’. Hooyadeed, aabbeheed iyo walaalkeed oo kaliya may waayine, waxa kale oo ay wayday toddoba gabdhood, oo ka mid ahaa asxaabteeda, kuna kala noolaa toddoba waddan. Sidan si lamida iyo si ka duwan weerar loogu soo qaaday halkaana ku naf waayey.
Waxay ku dhaaddaysay meeye? Waxay filaysay xaggay u firdhadeen? Farxaddeedii, hammigeeddii iyo himiladeedii fogayd, maxaa hagaasiyey ee harraatiyey? Intuba markaliyey isku beddeleen murrugo aanay ilaawayn muddo badan oo nolosheeda ka mid ah.
Marba marka ka danbaysa waxay ku suuxaysaa, sariirta dusheeda, markay cabbaar suuxsanaatanna way soo yara miyirsanaysaa, markaasay indhaheeda ilmo kulul oo haddii weel la hoos dhigi lahaa buuxin lahayd ka soo dareeraysaa. Way is ciil-kaabinaysaa, callool xumana way u dheer tahay, waxa taa ka sii daran xummadda haysa ee jidhkeeda tin iyo cidhib buuxisay. Way cidloonaysaa. Haddii laguu ogolaan lahaa baddaad isku soo ridi lahayd ama buurahaad iska soo dul tuuri lahayd! Ayey hoostaa ka leedahay. Carrabkeeday intaa ruuggaysaa, iyadoon darreemayn wax xannuun ah.
Dhammaad.
WQ: Faadumo Bintu Aadan Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargaysa
Somaliland
Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)