W/Q Cabdulqaadir M. Mursal
Waa markii iigu horraysay ee aan dibadda u dhoofo, annigoo aad u dhallinyar, waxaa la ii diray xilligaa dalka Ruushka oo markii hore laysku odhan jiray Midowga Sofiyeetiga, dalkaas oo ugu badnaa dalalka Soomaaliya siin jiray deeqaha waxbarasho.

Waxaan ahayn Arday badan oo qaarba loo diray inay cilmi gaar ah soo bartaan. Waxaa lagu jiray bil Ramadaan oo inteedii badnayd aan ku soonnay dalka, waxaan ka soo dhoofnay Muqdisho xilli habeen ah, abbaara 7:30 fiidnimo , waxaan sii raacnay dayaaradda Aeroflot ee Raashku leeyahay.

Markii aan gaadhnay magaalada Moosko ee caasimadda Ruushka ayaa nala kala qaybiyay oo Arday walba jaamacaddii iyo gobolkii lagu soo qoray uu toos ugu anbabaxay.

Aniga iyo saaxiibbaday waxaan Moosko ka sii raacnay tareen oo markii iigu horraysay oo aan raaco ahayd. Laba maalmood iyo habeen baan sii soconnay annagoo markaa ku sii jeednay magaalada Odessa oo ka tirsan Ukarayn oo ahayd halkii lagu qoondeeyay Waxbarashadayada.

Intii aan waddada sii soconnay markii uu tareenku istaago meelaha loogu talagalay si ay dadku qaarna u degaan, qaarna u soo fuulaan waxaan la kulmaayay dad u badan haweenka oo daaqadaha tareenka iyo Albaabada Tareenka lasoo istaaga midhaha iyo khudaarta caynba caynka ah sida Tufaaxa, Saytuunka, Canabka iyo waxyaabo kale oo badan.

Taas waxay anniga i xasuusinaysay markii aan ku safarno waddada Afgooye ee Muqdosho Soomaaliya oo marka gawaadhida istaagaan Istaamada, kuwaas oo la soo hoos carara, iyagoo ah dhallinyaro gabdho iyo wiilal ah oo gacmaha ku sida liin-bambeelmada, mooska, saytuunka, cambaha, sabuulka, looska iyo waxyaabo kaloo badan.

Safarkaas dheer kaddib, waxaan soo gaadhnay magaaladii Odessa ee waxbarashadayada lagu hagaajiyay. Waa waddan horumarsan oo wax walba diyaarsan yihiin, isla markiiba waxaa nalooku yimi halkii Tareenka oo nalagu sugayay, waxaa nala dajiyay meeshii naloogu talgalay.

Waxaa lagu jiraa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, intii hore waxaan soo ahayn safar oo waxaa noo bannaanaa inaan iska afurno, haddase waxaan nimi meeshii aan degi lahayn, waxaan noqonaynaa dad deggan oo magaalada jooga, waana in meeshaa laga sii wadaa Soonkii oo lagu jiro Tobankii dambe.

Ma jirin wax fikrad ah oo aan ka haystay Soon lagu soomaa Raashiya amaba dibadda oo dhan mana naqaan qaabka iyo waqtiga la soomo iyo saacadaha midna.

Nin saaxiibkay ahaa oo aan ka wada soconnay wasaaradda Warfaafinta oo la yidhaahyo Xuseen Maxamed Naasir oo muddo dheer aannan warkiisa helin, balse ay iiguna dambaysay, isagoo injineer ka ahaa oo u shaqeeya Arabsat, ayaa iigu soo galay qolkayga wuxuuna igu yidhi, ” waxaan bilaabaynaa soonkii”. Waxaan xusuustaa in maalintii uu Xuseen dib u bilaabay soonka aannan la bilaabin, qiyaastiina waxa soonka ka hadhasanaa ilaa toddoba cisho. Xuseen wuu bilaabay maalintii xigtay oo aan fasallada jaamaacadda tagnay.

Markii aan ka soo rawaxnay oo abbaar Afartii galabnimo ayaan xuseen isasoo raacnay si uu dukaamada uga sii iibsano cunto sida roodhida caanaha, farmaajada, ukunta iyo wixii aan karin karnay waqtigaas. Waxaan u soo lugeynay hoygii ardayda ee aan degganayn innagoo sidanna adeeggayagii.

Markii la gaaray lixdii maqribnimo sidii aan uga barannay dalkii aan ka nimid, qorraxdii mid dhacaysaba maaha. Yaabka yaabkiis, indhahaan gedgeddinay labadeenna kalama roonin oo qof hore wax u sii ogaa ma lihin. Markii la marayo halkii saac, labadii saac oo loo sii socdo saddex qorraxdiina aannay dhacayn oo ay ku hareer socoto, ayaa waxaan ku idhi, “Xuseenow adigaa soomane saaxiibow qorraxdan mid dhacaysa maahee iska niyayso saacadaheenni Soomaaliya ee iska afur.”

Xuseen wuxuu yidhi, “ha sheegin meeshay rabto ha ila gaadho waa inaan sugaa inta ay ka dhacayso’. Xaqiiqdii waxay igu ahayd naxdin iyo welwel, maxaa yeelay waxay iila muuqaty halka maalin oo meeshaas ah inay la mid tahay laba maalmood oo soon ah markii loo eego dalkii aan ka nimi ee Soomaaliya. Waa ku dhowaad 19 saac oo soon ah. Waxaan aad uga welwelay oo u arkay inay adagtahay soon intaas oo saacadood ah.

Waxaan hore dalka ugu soo soonnay ilaa 23 cisho, waxaa noo hadhsanaa ilaa 7 cisho. Hadda oo aan ku noolahay Maraykan kama saacado yara saacadihii Odesse, waxaana aan soonnaa ilaa 16 saac, welibana waxaan soo marnaa mararka qaarkood illaa 18 saacadood .

Waxaan ka mid nahay Muslimiinta faraha badan ee dunida ee ku sooma qaarkood saacadaha dhaadheer ee kala geddisan, waxayse labada xilli ee Maraykan iyo Odesse iigu kala beddelan yihiin markaas waxay ii ahayd markaygii kowaad ee aan dunida u dhoofo oo aan tago dhul aannan aqoon sida looga soomo iyo sida loogu tukado salaadaha, maantase adduunyadu waa isku hal qol oo layska wada warhayo