qoraalmadaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), annagoo ah dhallinyaro aqoonyahan ah oo reer Somaliland, waxa aannu ugu horayn kugu salaamaynaa salaan qaran oo qiimo leh oo ah salaanta islaamka, waxaanna aanu ku leenahay asaalama calaykum mudane madaxwayne qaran.
Mudane madaxwayne, waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa dareenkayaga iyo duruufaha ku xeeran dhallinyarada dalka .mudane madaxwayne waxaanu aaminsanahay inaad waxbadan qabatay oo ah xaga horumarka oo dadka horumarka jeceli ay ku diirsanayaan oo ay tahay mudane madaxwayne wixii laguu doortay ee aanu kuugu codaynay maantana laguugu codayndoono laakiin mudane madaxwayne xaga dhalinyarada oo ah mustaqbalkii barito waxa laga qabtay aad iyo aad ayay u yaryihiin oo wax aallaale wax shaqo abuura oo lasameeyey ma jirto oo iska bedelay sidii hore majirto oo waxa batay shaqo la’aantii iyo tahriibtii mudane madaxwayne dhalinyarada aqoonyahanku waxay ubaahan yihiin cadaalad oo waxay wax ubarteen dadkan iyo dalkan ay leeyihiin inay ushaqeeyaan wixii aysoo barteen cadaalad,dadaal,dulqaad iyo hawlkarnimo laakiin waxa kahaysta caqabado aad iyo aad ubalaadhan.mudane madaxwayne waxaanu samaynay qiimayn ku saabsan wasaaradaha iyo haayadaha dawlada shaqaalihii ayqaadanayeen 2014 kii oo ka koobnaa 1418 qof oo shaqaale dawladeed ah oo wasaarada maaliyadu shaacisay sidii loo qaatay ayaana noo cuntamiwayday markaasi waxaanu samaynay qiimayn ku saabsan sidii looqaatay shaqaalahaasi sanadkastana waxa loo qaataa sidaa iyo silamida.mudane madaxwayne waxaanu doonaynaa inaanu kuu soo gudbino qoraal ku saabsan habkaas aan kor kusoo sheegnay laakiin waxa dhibaato noqotay halkii laguusoo marinlahaa. Mudane madaxwayne waxaanu tagnay oo aanu warbixintii oo faahfaahsan udhiibnay xafiiska xidhiidhka dadwaynaha ee ka soo horjeeda madaxtooyada jamahuuriyada soomaalilaand waxaana uu nooga qaaday inankii ka shaqaynayey si aad iyo aad u wanaagsan aadna waanu ugu amaanaynaa shaqada wanaagsan ee uu noo qabtay.dabadeedna waxa uu nagu yidhi waxaan u gudbinayaa wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo cilmibaadhista.
Dabadeed wuu u gudbiyey, muddo dabadeed waxaannu is aragnay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista, wuuna soo akhriyey, kadibna waxa uu u gudbiyey Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista, kaasoo naga codsaday inuu soo akhriyo warbixinta, una gudbin doono madaxweynaha Somaliland.
Hasayeeshee, markii uu soo akhriyey kadib ee aanu is aragnay waxa uu nagu yidhi; ‘waan u gudbinayaa.’ Muddo dabadeedna waxa uu nagu yidhi waan u gudbiyey.’ Muddo kadibna waxa uu nagu yidhi maan gudbin, iyadoo mudane madaxweyne, arrintaasi nagu qaadatay muddo dheer oo sannad ah oo aannu diyaarinaynay iyo muddo 5 bilood ah ay taalay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha.
Mudane Madaxweyne, waxa aannu hadda go’aansanay in aannu adiga kuu soo gudbino warbixintayada, maadaama aanay wasaaradu wax xil ah iska saarin soo gudbinteeda, balse, waxa aannu la’nahay meel aannu kuu soo marno adigoo ah madaxweynaha qaranka Somaliland si aad wax uga qabato waxyaabaha dhallinyartu ka cabanayso.
Mawliid Cabdi Axmed 063-4004371
Cabdi-najiib Muuse Cali 063-4769242