MaadhiinTayuub1Inaguma cusba muddo-kordhin loo sameeyo gole xukuumadeed, gole wakiilo, ama gole guurti ee waa arrin caaddo laga dhigtay dalkana u fiicnayn, waxa kaloo jirta in marka doorasho soo dhawaato uu muran sharci iyo qaylo ay xisbiyadu bilabaan, weliba waxaad mooda in xisbiyadu shicibka xuquuqdiisa iyo dabagalka qaladaadka dowlada ka seexdeen.

Waxaan annigu qabaa in golaha wakiiladu sideed bilood ka hor markay labada doorasho dusha iska saareen ugu talagaleen in dib loo dhigo doorashada, waayo laba doorasho oo mar qudha wada dhaca dalku uma bislaan marka laga eego dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan, la isma waydiin sidee loo qaban karaa ujeedada kaliya ee wakiiladu ka lahayen waxay ahayd in marka doorasho suura gali waydo loo kordhiyo xukuumada iyo golaha wakiilada.

Waxaad is weydiinaysaa haddii gudoomiyaha Wakiilada ee xisbiga WADDDANi Cabdiraxmaan Ciro iyo Afhayeenka xisbiga WADDANI diidanyihiin muddo-kordhinta guurtida maxay iskaga casili waayeen kuraasta golahan loo kordhinayo.

Waxa kaloo is waydiin muddan Xisbiga WADDANI ee ay u badanyihiin xildhibaanada ka qalinayan guurtida miyaanay ahayn guurtidii idiin kordhisay shantii sano ee aad ku fadhideen bilaa doorasho oo welina aa sugaysaan waa golaha wakiiladee, halkii aad idinku odhan lahaydeen hala soo horaysiiyo doorashada wakiilada ee labada teeram laydiin kordhiyay, ayaad tidhaahdeen mar ha la wada qabto, ama hanaloo wada kordhiyo,

Layaabka kale waxa weeye halkii tallo tan dhaanta xisbiyadu ka keenilahaayeen inay yidhadan 26 jun dowladi ma jirto oo baarlamaan ma jiro oo dalku wuxuu ku noqonayaa shir beeled iyo kala tashi waar dadku wuu ka bislaaday, “kaalaya u dagalama kursiga aan fuulee” waxa loo guuray in markay suuro gasho doorasho kursiga lagu fuulo. laakiin dalka iyo dadku uma baahna qaylo iyo fowdo iyo in shicibka khal-khal la galiyo.

Ninka doonaya inuu madax dalka ka noqdo waa inuu dadka iyo dalka uu daneeyo waxa kaloo aan talo u soo jeedinaya Odayaasha Mujaahidiinta ah, waxan leeyahay xisbigan WADDANI ee aad ag joogtan iyo xukuumadan aad haysataan waa isku waayo Madaxwaynaha iyo Ciro labaduba mar ayaa loo wada kordhinayaa marka waa isku mid.

Annigu waxan qabaa in Xisbi mucaaridka ah ee keliya uu yahay UCID, isaga keliya ayaa ka hadli kara muddo-kordhin dalku waxa jira wax baddan oo u baahan in loo midoobo waxa innagu socda dagaal shisheeye Garoowe shirbaa ka socday malmahaan oo lagu soo gebagebeeyay, waxa lagu soo qaaday qadiyadeena iyo madaxbanaanideena, waxaana shirkaa lagu go’aamiyay in Ciidamo dhawr kun ah la keeno deegaanada Somaliland ee Maamul goboleedka Puntland hawada ka sheegto.

Markaa looma baahna muran dhexdeena ah dalkana doorasho inay ka dhacayso shaki kuma jiro. laakiin haddii waxoogaa dib-u-dhaci yimi dee dalka loo bur-burin maayo, xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay idinku ma u saxeexaysaan ummada in haddii aad kursiga ku fadhiisataan aydaan muddo- kordhin danbe dhacayn, ma u balan qaadaysaan ummada.

Gebagebadii, waxaan odhan lahaa haloo tudho shicibka nabada, sumcada wadankana ha la ilaaliyo iyo wada jirka qaranka, shicibkana waxan u soo jeedinayaa in dalkooda iyo nabada wada jirkooda ilaashadaan oo caadifada siyaasiga ka koraan.

Wabilaahi Towfiiq.
By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
madhin77@gmail.com
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.