Musuq-maasaqa waxaa aasaas u ah dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan:

Nidaam xumo:  waa marka aanu jirin nidaam iyo shuruuc dejisan oo la raaco, ama shuruucdii way jirtaa e waxaan jirin, ganaax iyo ciqaab ay umadaasu ka baqato oo qabanaaya hadii ay ku talaabsadaan musuqmaasaq (when there is a lack of law enforcement). 

Maamul xumo:  waa marka aan madaxa guud ee maamulaha goobtaas, meheradaas, wadankaas aanu ka warhayn waxyaabaha ka socda meheradiisa ama maamulkiisa.  Waxaa kale oo maamul xumo soo gelaaya marka maamulku uu og-yahay in musuq-maasaq jiro laakiin aanu dan ka layahayn ama aanu dhib u arag musuq-maasaqa, taana waxaa aasaas u ah inta uu maamulka laftiisu musuq-maasaqa raali ka yahay ayuu isaguna musuqmaasaq ku jiraa.

Hadii aynu u baydhno dhinaca diinta islam ka waynu ognahay in musuq-maasaqu (qishku) uu yahay dhaqan xun oo Nebigeenii Suubanaa ka digey oo uu yidhi qofka na qishaa nagama mid  aha.

Xaguu marayaa musuq-maasaqa Somaliland? 

Waxaa laga yaabaa in lagu kala duwanaado jawaabta su’aashan, laakiin anigu waxaan ahay Hanti-Dhawr madax banaan (Qualified Auditor) mudo dheer na ka dhex shaqaynaayey Jamhuuriyada Somaliland, waxaan xog-ogaal u ahay ama indhahayga ku arkayna aad bay u badan yihiin.  Marka laga hadlaayo cashuur ururinta waxaan indhayga ku arkay cashuuro la qabtay oo resiidhka iyo cashuurta la soo qaaday ay aad u kala fog yihiin, taasi waxay ku tusaysaa in cashuur bixiyuhu raali ka yahay in cashuurtii laga qaaday in ka yar loogu jaro rasiidhka. 

Waxaa marag madoonto ah oo laga wada warqabaa goob kasta oo lagu hayo hanti qaran in cidii ka agdhawi kuu sheegi karto in wax is daba marin badani jirto.

Qoraalka waxaan ugu talo galay wacyi gelin iyo dareensiin aan bushada dareen siinaayo in uu yahay musuq-maasuqu aafo qaran oo aad u hadhaysay Jamhuuriyadan Barakaysan ee Somaliland, is weydiintuna waxay tahay goormaynu wadaniyiin noqonaynaa oo dareemaynaa xumaanta muqus-maasaqa, waxaan hubaa in qof kas ta oo reer Somaliland ahi hayo xog ku saabsan arimahaas foosha xun ee aan loo aabo yeelayn hantida qaranka iyo umada maatadda ah hantidooda.

Sidee looga bixi karaa ama loo xakamayn karaa Musuq-maasaqa?

1.    In maamulka ugu sareeyaa ka hufnaado musuq-maasaq, kana dhiidhiya, oo go’aansada inaan loo adkaysan Karin musuq-maasaq lana cidhib tiro (zero tolerant on corruption).

2.    In cidii lagu helo musuq-maasaq la mariyo ganaax waafaqsan sharciga oo tusaale u noqon kara cid kasta oo isku dayda in ay marto dariiqaa foosha xun. (Tougher penalties to set an example).

Ma u muuqataa Somaliand mid u socota dhinaca la dagaalanka iyo xayiraada musuqmaasaqa?

Su’aashan qof waliba dareekiisa ayuu kaga jawaabi doonaa, e su’aasha is weydiinta mudani waxa weeye, hore ma loo arkay cid lagu soo eedeeyey oo lagu helay musuq-maasaq oo mutaysatay ciqaab?

Ku wii ugu danbeeyey ee lagu soo eedeeyey musuq-maasaqa ee weliba Hanti Dhawr ka Guud ku helay denbigaa, waxaa weli hortaagan Xeer Illaalinta Somaliland, oo iyaduna weydey sharci ay ku qaado ama ku fuliso cidii denbigaa lagu helay oo manta si xor ah uga dhex shaqaysa gudaha caasimada, waxaan ognahay in kuwii musuq-maasaqa ugu weyn lagu helay ay jaamacadaha wadanka wax ka dhigaan,  kama xumi inay xor ahaadaan laakiin waxaan ka xumahay inay jiilka cusub wax baraan, waxay barayaan wixii ay ku wanaagsan yihiin (everyone teaches what they are good at).

Waxaa xusid mudan laba tusaale oo ku saabsan musuq-maasaq oo kala ah laba wadan oo kaalinta hore kaga jiri jirey musaq-maasaqa iyo sida ay wax isaga bedeleen oo kudayasho mudan.

Pakistan:   Xiligii ka horeysey madaxweyne Pervez Musharraf waxay Pakistan kaga jirtey liiska musuq-maasaqa kaalmaha ugu horeeya, laakiin wuxuu ku sameeyey isbedel weyn, inkasta oo aanu dabar jarin, isaga qudhiisanaya eedaymo loo soo jeediyey.

Rwanda:  Rwanda waxay ahayd intii ka horeysen Paul Kagame wadamada ugu faqiirsan uguna danbeeya wadamada caalamka, waxa uu Paul Kagame manta soo gaadhasiiyey mudo 10 sano gudohood ah wadamada ugu musuq-maasaqa yar aduunka.

Waxaan kalsooni badan ku qabaa jiilka cusub ee u soo socda Somaliland oo aan rajaynaayo inay noqon doonaan kuwo ka hufan oo ka fog musuq-maasaqa, Somaliland na waxaa u rajaynayaa guul.

Nina uma dhaweynine cidlaan dhidibay warankaas

ALLAH MAHAD LEH

Musa Yusuf Noor (Musa Idigaa)

Qunyar Abees

Chartered Certified Accountant & Registered Auditor And Public Financial Management Expert.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.