Muuse Biixi iyo Xirsi Cali

Juglaydu waa nooc ka mid ah shibiraha hadda duusha ah, waana la qashaa oo hilibkeeda waa la cunaa, ayaa lagu tilmaamaa ama soomaalidu u-jeeddo ahaan u soo qaadataa inay tahay mid ku fiican xagga ciyaaraha ama xariif ku ah, dabadeed iyadoo si wacan u ciyaaraysa ayuu Habar-dugaagga loo yaqaanno Waraabaha ayaa u yimi Juglaydii. Wuxuu damcay Innuu khiyaameeyo, markaasuu ku yidhi aan kula ciyaaro ciyaarta. Juglaydii ayaa ku tidhi horta bal aan ku eegee ciyaar. Bahalka Waraabahana Habar-dugaaga wax kaga xun ciyaarta ma jiro, dabadeed markiiba Labadiisii Lugood ayuu isku martay oo halkii ayuu ku dhacay, waxaana kala yar labadiisa lugood ee ugu dambeeya wuuna heetiyaa, isagoo u ordaa sida laangadhe oo kale. Markaas bay tidhi Juglaydii adeer ciyaarta isla garan maynee, haddaba kaligaa iska ciyaar.
Hase ahaatee, immika markuu Qalinku suureeyey dhawaaqa hadalkii shlay ka soo yeedhay Murashaxa jagada Madaxweynaha xisbi-xaakimka xukuumadda talada haysa ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo socdaal ku tegay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, ayaa sheegay hadal guux iyo shaki badan ku abuuray shacabka gude iyo dibad-ba ku dhaqan ee reer Somaliland, Isla markaana Murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga talada dalka maanta haya ahna Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa dhawaaqa ka soo baxay afkiisa ayaa dhaliyey dareeno kala duwan, xabaarsan cabsi iyo shaki badan oo dhan shacab, xag siyaasi, aqoon yahan, madaxdhaqmeed yar iyo weyn-ba su’aalo badana ku abuuray ummadda, madaama uu ahaa Guddoomiyihii xisbigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka soo baxay, kana ag-dhow aqalka madaxtooyada oo sheegay innaanuu hogaamiyo madaxweynihiii shacabku u doortay hogaaminta dalka Somalilan, talina shantii sano ee la soo dhaafay iyo wakhti xaadirkan-ba sifihii macnaha uu xabaarsanaa dulucdii ku duugnayd oo ilaa immika dad weynuhu u la yihiin siddii looga jaahil saari lahaa su’aasha ah waa kuma cidda maanta hogaamisa somaliland?
Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi ayaa ahaa sidan:- “Waa idilay, markaasuu ooyey, markaasuu reerkii iiga dheereeyay, ayuu haddana isii ashkateeyay. Middi wuxuu ahaa Wasiirkii ugu awooda badnaa, ee dhan walba wax u toociyey, cid walba jiidhay ee meel walba ka booday. Waliba Taariikhda siyaasadda, isagoo awood aan loo dooran ku camal falaaya.Waa fulintii ugu awooda badnayd ama waynayd shantii sanno” Kalmadaa Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi ee Madaxweyne Siilaanyo shantii sano ee la soo dhaafay kamuu talineen dalka, taasoo bixisay dood iyo aaraah badan oo ka dhashay inuu Muuse Biixi Shacabka u sheegay In Madaxweyne Siilaanyo ka talin dalka, madaama uu wakhti hore farahiisa ka baxday taladii shacabku u doorteen innuu hogaamiyo aaney gacanta ugu jirin maanta cid kale ma jaraha u hayso dawladda Somaliland waxay dhalisay ama abuurtay dareen ummadda shaki badan iyo wel-wel galiyey. “Maalin walba facebuuga ayaa wax lagu qoraa, oo xukuumadda ayaa la amanaa. Dhoodaan ayaa beri ka yaabay dawladdii Kacaanka Afweyne Durbaankeeda. Wuxuu yidhi Xaladaynta, Xaashiyo qorka iyo War isla-xayd xaydka, run xasaynta, been iyio xasarad. Rag xagta, xafta iyo xigtadiisaba ka maal oo Xumbo u reebka, Xagar iyo Xageeyo u liska iyo Xogor dusha u saarka. Sun buu ku qooshay oo dhiil kugu shubay, Xoorna dusha ayuu ku sarayaa oo cun buu ku leeyahay. Xareedo awdka, dhoobada Xargagan, haamo ku xabaynta. Waar yaadhaheen Waddani waa idinkii wixii sameeyay, maantana ma wixiibaa? Inkastoo hadalkii shalay Muuse Biixi muujinayey sawir macnayaal badan ku dahaadhnayeen, kuna hoos jiray oo sifooyin cadaadis siyaasaddeed oo gude iyo dibad-ba leh haysto, isla markaana dhawaaqa Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa u eekaa macnaha muuqaalka erayada ku duugnaa hadalo uu kaga jawabayey dhaliilo iyo eedo todobaadkan uga yimi Murashaxa u tartamaaya jagada madaxweynaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Mudanayaasha Wakkiiladda Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo yeedhay mid , sida waraabahaa ku fashilmay ciyaartii oo kale ku ambabaray qodxaha adag ee guusha tartanka kursiga madaxweynimadda waqti xaadirkan hor-yaala, in Madaxweynihii ka soo baxay xisbigiisan Kulmiye Axmed Siilanayo ee xilka ka degaaya waqtiga muddada gaaban ee u hadhay markay dhamaanto inay muujinayso qaaciido ninkii dhisilahaa ama ka shaqayn lahaa guushiisa murashaxnimada jagada Madaxweynimo innuu mar labaad hantiyo hogaaminta talada dalka Somaliland xisbiga Kulmiye in wali loo hayn cudurka siyaasaddeed iyo dagaalkii Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo kooxda hogaanka sare, gadh-wadaynkana ka yahay Muuse Biixi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Kaahin Axmed ee ka dhex-dilaacay xumad jabin oo iyaduna meesha ka maqan tahay dawayntii feeraskii ku kala fiday ee keenay cudurka hanka siyaasadda Axmed Siilaanyo Muuse Biixi aan wali laheyn dhakhaatiirtii daweyn laheyd xanuunkaa la bilowday markii Madaxweyne siilaanyo la wareegay talada dalka labadooda oo Madaxweyne Siilaanyo la shaqaynayn ee dagaal kula jiro, siddii uu u dhicilahaa murashaxa kulmiye muuse, walina dagaalkii xukuumadda iyo xisbigeedu ka dhex socdo. Balse nuxurka kale ee macanaha uu bixinayey hadalkii Muuse ayaa laga dhandhan sanayey inay jirto dacwado madaxda xisbiga Waddani ka gudbiyeen waddamada beesha caalamka dhanka doorashooyinka ka taageera Somaliland inay jirto.
Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi oo gabay uu turiyey Abwaan Dhoodaan, wakhti uu saluugay hogaamintii dawladdii kali taliska aheyd Maxamed Siyaad Barre iyo heesihii Kacaanku ku ammaanayeen wax qabadkii Siyaad Bare, beena loogu sheegi jiray heeso ayaa Abwaan Dhoodaan oo ammaantaa hablihii iyo wiilashii fannaaniinta kacaanku u qadayaan shacabkii Soomaaliyeed, ka xumaaday ayaa Gabay Abwaan Dhoodaan tiriyey uu ugu sheegaayo ummadda, kuna sifaynaayo mana awaalka guul wadaynta kacaankiii xilligaas ayuu Muuse Biixi ku soo hal qabsaday oo macnaha uu u is cilaamay u dhacaayey in Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiye Xirsi oo xigtadiisii ama Madaxweynihii garabkiisa ahaa ay iyagu malayaan oo digsi xaggii laga dhameeyay ayuu xagxaganayo ama hadhuuub madhan uu isku faroorinayo ma in ay gobo-yar oo caano ah ka soo dhacdo.
Dadka Odoraasa ama falaqeeya arrimaha Siyaasadda, ayaa qaar ka mid ah waxay ku doodayaan in dhawaaqa ka soo yeedhay murashaxa jagada madaxweynaha uga tartamaaya xisbi-xaakimka talada dalka immika haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ay dulucda hadalkiisu ay xabaarsanayd in Muuse Biixi wakhti xaadirkan aamisan yahay ama ay jirto in xukuumadda Madaxweyne siilaanyo daacad ka aheyn ama ka shaqaynayn inuu guulaysto, kana cabsi qabo inuu garoonka loolanku ka socdo Madaxweyne AXMED Siilaanyo la socdo labada xisbi-mucaarid, madaama ay garab ku siiyeen, sida uu Muuse inoo sheegay Faysal Cali waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro in mar labaad muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne AXMED Siilaanyo oo la baryey murashaxii xisbigii xukuumada si loogu qanciyo Muuse Biixi in muddo kordhin loo sameeyo, halkaana Muuse biixi u sheegay ama u soo bandhigay shacabka reer Somaliland in Madaxweynihii iyo labadii xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID iska raaceen oo kali mawqifka diidmada muddo kordhinta siilaanyo uu kaligii ka soo horjeeday, taasina muujinaysa khilaaf u dhexeeya labadooda Muuse Biixi iyo xukuumadda AXMED Siilaanyo. Halka qaar kalena aamisan yihiin ama ay ku doodayaan madaama Muuse Biixi Cabdi yahay Guddoomiyihii xisbi-xaakimka talada dalka haya ahna murashaxii Madaxweynaha xisbigaas oo wax badan ka og arrimaha madaxweynaha iyo xaalkiisa caafimaad, markaa soo bandhigistaa innaanu dalka ka talin shan sano, ilaa maanta sida hadalkiisu fasirayey in loo baahan yahay in loo cadeeyo shacabka in Madaxweynihii ay doorteen AXMED Siilaanyo taliyo iyo inay run tahay hadalkan ka soo baxay Muuse oo aanu dalka hogaamin wal wel badana ku abuurtay shacabka.
Jawaabta Qalinka, waxaynu odhan karnaa waxa loo baahan yahay, in loo cadeeyo shacabka reer Somaliland innuu taliyo oo gacanta ku hayo awooda dalka Madaxweynahoodii ay doorteen ee Axmed Siilaanyo iyo cidda hadda talisa. Waxa ka jira hadalkan ka soo baxay Muuse biixi ee sheegaaya innaanu talin madaxweynihii ummadda reer Somaliland ay doorteen ee axmed siilaanyo?
Labada xisbi mucaarid ee dalka ka jira Waddani iyo UCID ayaa shacabku waxay uga fadhiyaan in madaxdoodu u caddeeyaan bulshada Reer Somaliland inta kaga aadan masuuliyad ahaa cidda ka talisa dalka, si shacabku u helaan jawaab sax ah hadalkan Muuse Biixi ee in Madaxweyne siilaanyo talin?
Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Or Baraarugnews@gmail.com