Miami(ANN)Ganacsade u dhashay Dalka Maraykanka oo fadhigiisu yahay magaalada Miami ee dalka Maraykanka, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee noqda rakaabkii ku safra kursiga ugu qaalisan ee diyarad duulimaad leedahay. Sida lagu daabacay Wargeyska Daily Mail.
Gino Bertuccio ayaa warbaahinta iyo gancsatada caalamka soo jiitay, kadib markii uu ku safray kursiga uu qaalisan ee qof rakaab ah diyaarad ka kiraysto, kaasoo qiimahiisu dhammaa $21,000 (Koob iyo labaatan kun oo doollar).
Ninkan oo raacay shirkadda diyaaradaha ee Etihad Airways, ayaa duulimaadkiisu ka mid ahaa dabaal deg loo samaynaayey diyaarado toban ah oo noocooda yahay Airbus A380s oo shirkada Etihad leedahay,
Qolka diyaarada ninkan ka kiraysay iyo kursiga ku lammaan waxa kale oo la socday qol hurdo, laba qol oo fadhi ah iyo qolkii maydhashada, waana mid loogu talaglaay dadka tijaarta ah ee lacagta ku tamashleeya.
“Waxyaabo badan baa ku jirtay safarkan dabaaldega ah, sida adeegyo cusub iyo waxyaabo cusub oo la isku dayi karo, isla markaana waxay rajadaydu ahayd in aan duulimaadku dheeraado,” ayuu yidhi Bertuccio oo ah nin u dhashay dalka Talyaaniga, isla markaana la hadlaayey Daily Mail
Safarka ninkan ee qiimahaas qaatay wuxuu ahaa toddoba saacadood oo uu ku kala tegay dalka Ingiriiska ilaa magaalooyinka caasimadaha u ah dalalka ku bahoobay Imaraadka Carabta. Waxaannu duulimaadkiisu qayb ka ahaa diyaaradan oo doonaysay in ay ganacsatada adeegyo dheeraad ah tusto.
Ninkan ayaa sida wargeyska Daily Mail sheegay 25 sannadood ee u dambeeyey safarada sidan u qaalisan 22 jeer galay, isla markaana lacag aad u badan ku bixiyey, taas oo soo jiidatay warbaahinta reer galbeedka.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.co