ninka sheegtay inuu xirriba dheeryahayKiev (ANN/MK)- Nin u dhashay dalka Ukrain oo rumaysan inuu yahay ninka leh xiribaha indhaha (timaha indhaha qashinka ka ilaaliya) ee ugu dheer adduunka, ayaa sheegay in cuntooyin uu cuno, isla markaana uu qariyey noocay yihiin sababeen in ay u baxeen, aadna ugu koreen timahaas amma xiribuhu. Ninkan oo la yidhaah Valery Smagliy oo 58 jir ah, kuna nool magaalada Kiev ee dalka Ukrain, ayaa sheegay in xiribaha indhihiisu amma timaha idhaha ka ilaaliya qashinka ay koreen markii uu cuntadii uu cunayey iska beddelay, una beddeshay cunto aanu sheegin magaceeda, sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu rikoodh cusub dunida ka dhigo. Waxa kaloo uu ku dooday in xiirabihiisan uu ku soo jiido haweenka, haddana uu ku fikiray inuu ku guulaysto darajada ah qofka ugu xiiribaha dhaadheer dunida. “Waxa aan bilaabay cunista cunto aan ogaaday in ay sabab u noqdeen in xiiribaha |(Eyelashes) indhuhu koraan, waxa aan ku fikiray in aan dunida rikoodh cusub ka dhigo, sidaa darteed sheegi maayo cuntadan sirta ii ah,” ayuu yidhi Valery. Waxa uu xusay in haweenku ka hinasaan marka ay arkaan xiirabaha sida uu u bixiyey, balse uu u diido inuu u sheegay waxyaabaha u saamaay, waxaannu yidhi; “Haweenku waxay igu joojiyaan dariiqa, kadibna waxay I waydiiyaan sirta aan ku bixiyey timaha xiribaha, waanay eegaan, markay arkaan in ay dhab yihiin bay ka sii daran tahay.” Buugga dhacdooyinka cajiibka ah lagu qoro ee adduunka, ayaa sheegay in qofka uu xiirabaha dheera caalamka ee la diiwangeliyey uu ay timaha xiiribihiisu ahaayeen 6.99 cm (2.475 iinj), waxaanay uu ahaa ninka ku guulaystay ee rikoodhkaas gaadhay nin Maraykan ah oo la odhan jiray Stuart Muller. Saraakiisha arrintan ku dhawaaqda waxa ay sheegeen in toddobaadka soo socda ay ku dhawaaqi doonaan cida ku guulaysatay xiirabah adduunka ugu dhaadheer. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews