siciidmaxamed-gees
Siciid Maxamed Gees – Qeybtii 3aad
Sarkaal Khawaaje ah: “Dawladda Ingiriisku khasaare ayey ku qabtaa joogitaanka dalkiina oo lacagta caashuurta ah ee laga qaado dadka Ingiriiska ayaa ku baxda dalkiina oo la geliyaa.”

Maax Dugsiiye: “Haddii aad ku khasaarteen dalkayaga maad iskaga dhooftaan maxaa idin dhigay”
Waxa la ii doortay Guddoomiyihii Guddiga Shaqaalaha Caafimaadka. Beelaysiga waxa la isku khuukhiyaa inta aan la is-dhexgelin ee aan la is-baran, balse mar haddii la is-dhexgallo oo gacanta shaqo la wada geliyo waa sida Carabtu tidhaahdo waxa la noqdaa “Ceysh waa milix.” Waa dad aan kala maarmin, qofkii karti leh waa muuqdaa, aniguna waxa aannu ku qancinay Maamulkii Caafimaadka ahaa ee Khawaajaha (ajaanibka), dacwado iyo dood badan ka dib in tababar joogto ah la siiyo shaqaalaha si kor loogu qaado aqoontooda, ka dibna imtixaan, dalacsiin iyo mushahar kordhin loo sameeyo ciddii ku gudubta imtixaanka.
Arrintaas oo guul u noqotay shaqaalihii oo dedaalkoodii iyo waxqabadkoodii kor-u-qaaday. Waa sida qudha ee lagu horumariyo caddaaladda shaqaalaha dhexdooda ee lagaga hortago beelaysiga, qof jeclaysiga iyo maamul-xummada.
Maamulkii Isticmaarka ahaa ee Maxmiyaddu waxa uu abuuray shir sannadle ah, oo uu ku magacaabay Somaliland Protectorate Advisory Council (Guddiga Wada-tashiga ee Maxmiyadda Somaliland). Waxa shirka sanadlaha ah ka soo qaybgeli jiray ergooyin ka kala socda: madax-dhaqameedka, odayaasha, Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Madaxda Waaxyaha Maamulka Maxmiyadda, aniguna waxaan ka mid noqday ergadii shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka qaybgashay shirkii 1951 ee wada-tashiga.
Shirka waxa soo abaabuli jirtay xukuumadda, xubnaha ka qaybgeliya shirku waxay soo horumarin jireen qodobadda ay rabaan inay ka hadlaan oo ka koobnaan jiray: arrimo u baahan in laga doodo iyo weydiimo la warsado xukuumadda oo ay ka jawaabayso.
Odayaasha Soomaalidu lama gabban jirin hadalkooda marka laga doodayo arrimaha dalka; waxay ula doodi jireen Khawaajaha sida laba oday oo geed hoostii ku garramaya, si habrasho la’aan iyo isu-kalsooni dheeraad ah.
Haddaba, waxa xusid leh dood dhexmartay oday madax-dhaqameed ah oo la odhan jiray Maax Dugsiiye oo reer Boorama ahaa iyo Khawaaje ka tirsanaana maamulka Maxmiyadda ee Ingiriiska. Dooddaas oo aan goob-joog u ahaa oo sidan u dhacday:
Maax Dugsiiye: “Dawladdu wax la taaban karo oo horumar ah ma ka qaban dalka ilaa maantadaa la joogo.”
Sarkaalkii: “Dawladda Ingiriisku khasaare ayey ku qabtaa joogitaanka dalkiinna oo lacagta caashuurta ah ee laga qaado dadka Ingiriiska ayaa ku baxda dalkiina oo la geliyaa.”
Maax Dugsiiye: “Dalka waxa noo yimaad Carab ganacsato ah, macdaarro (dukaamo) ayey furtaan, cunto maalmeed ayey xaasaska ka iibiyaan, lacagta ayey ka macaashaan waxay u diraan dalkooda. Haddiise ay ku khasaaraan way iskaga dhoofaan oo ku noqdaan dalkoodii. Markaa haddii aad ku khasaarteen dalkayaga maad iskaga dhooftaan, maxaa idin dhigay?”
Khawaajihii hadal aannu filanayn ayaa ku dhacay wax uu ku jawaabo ayuu garan waayey, kadibna af-kala-qaad ayaa ku dhacday; isagoo cadhaysan ayuu ku dhawaaqay Sarkaalkii: “Shirku waa xidhan yahay.”
Waxa kaloo jira sheekooyin kale oo aan soo xigtay, balse aanan goob-joog u ahayn oo ka warramaya doodo ka dhex-dhacday odayaal Soomaaliyeed iyo Khawaajayaashii Maxmiyadda Somaliland maamulayey: Oday la odhan jiray Cali Ciiro oo reer Ceerigaabo ahaa, ayaa shirkan sannadlaha ahaa doodi ka dhex-dhacday isaga iyo saraakiil ka tirsan maamulka. Sarkaalkii ayaa xanaaqay oo yidhi; “Shirka waa xidhayaa.”
Oday Cali Ciiro: “Sabab, su’aal ma idinka ayaa nala joogaa, mise annaga ayaa idinla joogna?”
Sarkaalkii waa ku adkaatay jawaabtii, dabadeed Badhasaabkii ayuu weydiiyey waxa uu ku jawaabi lahaa. Badhasaabkii waxa uu ugu soo jawaabay; “Inuu shirka ka yidhaahdo annaga ayaa idinla joogna.”
Sarkaalkii: “Annaga ayaa idinla joogna.”
Oday Cali Ciiro: “Markaa marti ayaad tihiin, oo shirka ma xidhi kartid.” Sidii ayaa shirkii ku sii socday.
Waxa kaloo la sheegay in wefti Odayaal Somaliland ah la geeyey London, si loo soo daawadsiiyo. Waxa waday nin Ingiriis ah oo Afsoomaaliga ku hadli jiray oo Soomaalidu odhan jirtay “Sheeri.” Markii la daawadsiinayey magaalada London ee webiga weyn ee Teemis (Thames) uu dhexmaro ee buundooyinka badan ee waaweynku yaalliin; ayaa oday Jaambiir Kaahin oo reer Hargeysa ahaa, weydiiyay Khawaajihii Sheeri: “Buundooyinkan (Bridges) ma waxa idiin sameeyey Maraykanka?”
Sheeri ayaa isaga oo xanaaqsan ugu jawaabay Jaambiir Kaahin “Mayee, annaga ayaa samaysanay.”
Jaambiir Kaahin ayaa ku celiyey: “Alla Ingiriisku xaasidsanaa, oo maad dooxa Hargeysa hal buundo nooga samaysaan?” Sidaas ayey ula doodi jireen odayaasha Soomaalidu Khawaajayaasha (shisheeyihii Ingiriiska).
Nolosha reer guuraanimada ah ee qof waliba uu Boqorka isu yahay ee xukun dhexe iyo cid amar laga qaataa aanay jirin, ayaa abuurtay dhaqankaa habrasho la’aanta ah ee nin waliba uu kaskiisa hadlo isagoon cidna u habranayn. Taasi waxay dib ku noqotay sidii dawlad dhexe oo amar iyo kala dambayn iyo ku dhaqan xukun sharci loo samayn lahaa.
Waxa kaloo dhaqankaasi dhaawacay xidhiidhkii caalamka lala yeelan lahaa. Dawladuhu waxay isugu habradaan oo isku tixgeliyaan awood dhaqaale, awood ciidan iyo awood siyaasadeed. Sidaas ayaa loo wada dhaqmaa, ma aha laba oday oo garamaya oo geed hoostii doonyeystay oo isku mid ah.
Jamhuuriyaddii Somaaliyeed oo saddex sanno keliya jirtay ayaa 1963 xidhiidhka u jartay Dawladdii Boqortooyada Midowday (United Kingdom) ee guunka ahayd ee shanta dawladood ee dunida ugu awoodda badan ka midka ahayd; markii aftidii Soomaalida Woqooyiga Kenya (NFD) laga qaaday ee 87% ay u codeeyeen inay ku soo biiraan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay dawladda Boqortooyada Midowday (United Kingdom) oo qabatay aftida ay haddana dhegaha xidhatay oo u daysay gobolkaasi inuu ka sii mid ahaado dalka Kenya oo ay ku lahayd dano siyaasadeed.
Sannadkii 1977 ayaa Dawladdii Soofiyeetka ee Shuuciga ahayd uga dhigtay Siyaad Barre iyo dawladdiisii in aanay ku duulin dalka Itoobiya. Dheg looma dhigin amarkii dawladdii labaad ee dunida ugu awoodda weynayd iyo xulafadeedii oo waa lagu duulay Itoobiya. Wixii ka dhacay waa la ogaa. Waatii afka ciidda loo daray ciidammadii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya.
Isla weynaantii ayaa weli la wadaa oo dhaqankii reer guuraaga ayaa weli hagaya siyaasiinta Soomaalida.