Haweenka soo maaliyeed ka hor inta aanay soo boxin tiknoojiyada hadda guryaha lagu nashqadeeyaa waxay soo saaran jirreen agbka ay guryahooda ku qurxiyaan, iyagoo gacantooda ku samaynaya ka hor inta aanay xilloha yeellan ama aanay guursan, ee ay da’deedu u dhaxayso 15jir ilaa 18jir, oo gurigoodu qasri wuu ka qurux badnaa, waxayaabaha ninka soomaaliyeed Ku xullan jirayna waxaa ugu muhiim sanayd intay hawl kar tahay iyo intay dhibta u leedahay dhabar adayg iyo dul lagu qaato،, quruxdeda iyo qiimaheeduna muu ahayn dawo laysku qooshiyo is dhal-dhaalise nafeed e dhaqankeedooy haystobay ahyd, waxay hiddo iyo soo jirreen u leeyahiin, kaas oo ay haystaa ayuu ahaa waxa billaya ee boqrayee lagu qiimayn jirray. Haweenka soomaaliyeed waxay samysan jirreen gabi ahaanba agabka aqalka soomaaliga(BUUL) lagu sameeyo, iyagoo guudahaanba ka samyn jirray agabkaas dhirta iyo wax yaabaha dabiicigaa ee ku gadaaman deegaank, Sida caadiga ah waxaa aqal Soomaaliga laga sameeya:
1. dhigo, 2. loolal, 3. raro 4. aamo , 5. Ududbo 6. iyo xadhko
waa aqal rarmi kara oo furfurmi kara oo kolba halkii looguurayo loo raran karro, Haweenka markay samaynayaan cawsaska ama wixii la mida iyagoo isagu imanay hadba aqalkaa ay ka jirto hawshu, oo waxay mar kale a haayeen hawl-wadaag aan is diidin oo way is caawin jirreen, markastoo ay ku guda jiraan hawlaa waxay Haweenka soomaaliyeed isku dhaafin jireen hawsha hees hawleedyo tirro badan, iyada oo loo eegayo hadba hawshan ay hayeen heesteeda looguna luuqayn jirray si aanay ahawshu ugu dheeraanay una dareemi. Waxaa hees hawleedyadaa ka mid ahaa marka ay samaynayan kabada ee ay hareeraa ka galaan ay bilaabi jireen iyagoo wada jir ugu luuqaynaya heestan:
Kabadda
‘ Xaabsatooy kabadeey, xadhig mareebaay allow billis xilkeed qariyeey
Xaabadii tihil bay iga xambaartaye allow billis xilkeed qariyeey
Geedba geedka u dheer laga garaacyeey galool mudhay mulaaxdiyeey
Geesi geel keeniyo gabadha diirtaa galool loogu daahaaye
Xaabsatooy gabadeey xadhig ma reebaay allow billis xilkeed qariyeey’’
Aloolka
Alla waa xujooy allah waa xujooy
Geel xerada diida waa xujooy
Alla waa xujooy alla waa xujooy
Xero kale ka ololaa waa xujooy
Haanta:
Haantii qabooy kalla jab
qoor yar kalla jab, hoob-
layoow heedhe.
Laba qaalin kula buubtay
Laba qoor laguu kala jar
Qooraansigay baratay
Qalabkii raggay aragtay
hoobaalayoow heedhe
sinji lagu arooriyo hidnaan
laga sal guurayn.
Soomali dhaxalkeediyo erayga
Suugaanta,
Sareeb xeel fog murti soocan iyo
Doqon mid loo saafo,
Maahmaahii sulla mid baan kuu
Sawirayaaye, hoobaalayoow heedhe.
Laxdii saba naysheediyo tiil soo sawxan
Aaday, hoobaalayoow heedhe,
Iyadiyo sabeentay dhashiyo sumalkii
Soo raacay, hoobaalayoow heedhe,
Siddii guriga loo yimi haddaan suuba
Faalayno, hoobaalayoow heedhe,
Saddexda u jeedaa u sugan sugan
Sumadna loo yeelye, hoobaalyoow hedhe
Markay hadhuudhka tumayaan:
Qamareey qorqode waa qayliyaa
Naa muxuu yidhaa?
Wuu qayliyaa oo qalax tama
Naa muxuu yidhaa?
Naa rida qal oo qari buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Maayaha magacii- ciil tire
Mar kale iyagoo hadhuudhka ka dul heesaya waxay yidhaahdeen:
Gacantaydii midigeey Gacalloo
Geel lawaaye wadaay gacaloo
Garbo wayrixiyaay gacaloo
Geel makaala baxaa gacaloo
Iyo Gaabo riyaad gacaloo
Iyo Giiryo lamaan gacaloo
Iyo Gaabanoow qorigii gacaloo
Iyo Goray adhigii.gacaloo
Heesta Galbiska:
Gabadha Oogalbiyaay guud xariireey
Gayaankeedii baa helayeey
Gabadhu waa idiloo geesi uu dhaliyo
Gaaridii dumare.
Geedka wiil yimidoow gobgobtiiyoow
Gudoon xullashadaadiye.
Gollaha loo billay iyo goobta loo wado
Allow guri barwaaqo ka yeeleey,
Gabadha loo bogay iyo allow gabana wiileed
Allow sii gurbood wacaneey,
Ginida lacageediyo guunyo xoolaaad
Guuloow hantina siiyeey,
Hooy inaadeereey idil habooneey
Arooskiina aamiineey.
……………………………………
Haweenka soomaaliyeed waxynu odhan karee in ay sabab u yihiin hoo u dhigida kartida haweenka soomaaliyeed ay leeyihiin,Dhaqanka soomaalidii horre way adkayd in loo qirro haweenka soomaliyeed in ay leeyihiin karti af-tahaneed ama suugaaneed oo soomaalida marka gabay ama maanso la soo haddal qaado waxa maskaxooda ku soo dhici jirray uun in uu nin gabyey ama maansooday taas oo haweenka hoos loo dhigi jirray maansooyinkooda noocay doonaanba ha ahaadeene, iyadoo aynu ogsoonay in aanay haweenku dhinaca suugaanta aanay Ragga ka yaraysan, laakiin qaybo ay raggu ka maansoodaan ama ka tiriyaan suugaantooda ayaanay haweenku ka maansoon ama wax ka curin, haddii aynu eegno gododka ay kalla gadisan ee ay haweenka soomaaaliyeed ka maansoodaan, kuwan aynu soo sheegnay ee horray ku soo xusnay waxa dheer gabayda ama maansoonyinka ay raga kulla barbar dhigi jirreen.
Godka gabayga: Jamaad cabdulle xasan waatii gabayga u tirisay barrigii daraawiishta laga adkaaday ee ay magangalyoda ugu tageen saldandii oromada, kaas oo uu mid kamida saldanadaa oromada ah uu jamaad isku dayey in uu guursado, iyadoo jamaad quudhsanaysa guurkiisa isla markaana ku hal qabsanaysa ninkii gabayada qaban jirray ee xasuun diqle ayaa waxay tidhi:
Xuseenoow qof meel laga hayoo maahsan baan ahaye
murugaygu raagtoo qalibigu way madawyahaye
Mid yaroon ku faro iiga gee madaxda reer daadhi
Muddaday shiraan iyo ka wari madasha geedkooda
Axmad iyo mukhtaariyo u sheeg qoomka maxamuud leh
Xasan iyo qayaash-maash abtoow dhab ugu maaweeli
Malaw dhima e reer muxumadoow waad I moogtahay dheh
Maxaad iigu muhateen sidii naado miis daran dheh
Waxa kalloo haweenka soomaaliyeed samaynsan jirreen xilliyo iyaga u gaara oo ku soo bandhigi jireen suugaantooda iskuna maaweelin een jirreen, waxaana ka mid ahayd Sitaad oo ay odhan jirreen:
A lla mulkow
maaligow murug tiroow ilaah
Oo maalinta la is xisaabaayo noo xil qari
Oo maalinta bacadka kulul biyo qabow nasii
…………………………………………………………
Guudahaan haweenka soomaaliyeed waxan odhan karraa waa laf dhabarta iyo udub dhaxaadka umada soomaaliyeed, waa sabata guusha qof kastoo dunida guudkiisa saran, mar waa hooyoo tafteedaan ku dareenaa xasilooni kuna baahi sheeganaa la’aanteedna in farxad la helaa way adagtay, marna waa walaashaa oo goldoloolooyinkaaga ayey awdaa, waxay ka qaybqaadataa qurxinta jidhkaaga mid muuqda oo jinsiyeed iyo mid dhareedba, dhinac kasta noloshu waa haween haweena la’aantood noloshu suuro galnimadeedu way adagtay. Waa kii lahaa Abwaan maxamed warsame (Hadraawi):

Gumashada dagaalkiyo, glilufkiyo colaadaa
Goobaha naf waagiyo halka laysku gawraco
Maarka gorada lays darro hadaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayan sidda gallawga dhiiloon ileen geesi
Qayrkii birta kuma gumaadeen,
Gu hagaagay oo da’ay, dhulka geedo jiifaan
Guryo samo barwaaqaa haddii geedi lagu furro
Dhallinyaro is gurataa gurdacaa fiidkii golo wayn
Ku kullantoo cagta garan garteediyo isu gayso
Googooska luuqdiyo gada sacabka loo jarro hablahaa
U gaaroo garashada codkoodaa qof gaboobay kicisoo
Sacabkiyo mushxaradaa qof gaboobay kicisee haddaan
Haddaan gabadhi boodayn ileen gagi ciyaareed wax ma dhaanto
Giriyaad………………………………………………………………….

W/Q Istaahil Duale
Email; istaahil042@gmail.com