Tusmada: dhaqannadii hore iyo soo-baxyada haatan

Bulshada iyo Qaab-dhismeedkeeda
Bulsho waa isku-xidhka dadka wada nool ee ay ka dhexeeyaan qiyam, dhaqan iyo hidde, diir iyo dareen, dan guud iyo masiir-wadaag. Ma aha oo keliya tiro dad ah, balse waa nidaam leh qaab-dhismeed ka kooban qaybo kala duwan oo mid waliba door gaar ah ka qaato jiritaanka iyo horumarka bulshada.
Haddaba, Qaab-dhismeedka bulshada waxa saldhig u ah:
• Qoyska, unugga ugu hooseeya ee tarbiyadda iyo akhlaaqda,
• Dhaqanka iyo Diinta ah hagaha qiyamka iyo hanuunka,
• Madax-dhaqameedka ilaaliya xeerka iyo xalinta khilaafaadka,
• Culimada iyo Aqoonyahanka iftiimiya aqoonta, hanuunka iyo talada,
• Dawladda iyo Hoggaanka maamulka, caddaaladda, sinnaanta iyo nidaamka,
• Dhallinyarada iyo Haweenka ah tamarta, awoodda iyo horumarinta mustaqbalka,
• Ganacsiga iyo Rayidka kobciya dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegga iyo isku xidhka bulshada.
Qaab-dhismeed bulsho oo caafimaad qaba waa mid ay qaybuhu iska kaabayaan, mid walibana garanayo xadka doorkiisa iyo masuuliyaddiisa. Marka qaabkani dhaawacmo, iyada oo doorar la isku dhex qaldo ama dano gaar ah la hormariyo, bulshadu way daciiftaa; haddii la ilaaliyona waxa ay noqotaa mid xasilloon, midaysan oo horumar gaadha. Haddaba, tiirarkaa bulshada aan midh -midh isu dul-taagno:-
T1. Bulshada.
Bulshadu ma laha hal aragti ama hal jiho oo isku mid ah, balse waxa ay u kala baxdaa dhawr nooc iyo qaybood oo ay ku kala duwan yihiin dabeecad, ujeeddo iyo sida ay ula falgalaan dhacdooyinka dalka, ha noqdaan kuwo xun ama kuwa wanaagsan.
Qayb ka mid ah bulshada waa dad ku mashquulsan dantooda gaarka ah, kuwaas oo aan wax dan ah ka lahayn xaaladda guud ee dalka, kuma baraarugsana dhacdooyinka socda, mana saamayso wanaag ama xumaan midkoodna; danahooda shaqsiyeed ayaa ka horreeya masiirka qaranka iyo danaha guud.
Qayb kale waa dad si adag ugu foogan qabiil, kala-qaybin, cay iyo wax-ka-sheegid cid kale, waa sheekadii Maroodigii iyo Takartii. Kuwani waxa ay ku nool yihiin isbarbardhig iyo is-eedayn joogto ah, waxayna inta badan ku mashquulsan yihiin dhaleeceynta dhiggooda halkii ay ka dhisi lahaayeen xal iyo midnimo. Hadalladoodu waa kuwo kicinaya kala fogaansho iyo xasarad bulsheed, inkastoo la moodo inay hadda soo yaraanayaan.
Qayb saddexaad waa dad wanaagga jecel, balse inta badan ka wahsada ama ka gaabsada hadal iyo ficil labadaba, waxaan jecel yihiin xaqa, cadaaladda iyo wax toosan, waxayna neceb yihiin dulmi iyo xumaan; hase yeeshee, cabsi, niyad-jab ama ka-fogaansho muran awgiis, marar badan uma muujiyaan mowqifkooda si cad.
Qaybtan afraad, inkastoo ay aamusnaato, haddana waa laf-dhabarta anshaxa iyo toosnaanta bulshada. Haddii la dhiirrigeliyo oo la siiyo kalsooni, waxa ay noqon kartaa xoog wax beddela, tusaalayn kara bulshada jidka yeelan wanaag, midnimo iyo horumar waara.
Qaybta ugu dambaysaa waa qayb la soo baxday tudhaale la’aan, naxariisti la moodo inay ka guurtay oo u tafa-xaytey siday u dhiig-miiran lahaayeen bulshada, badi, danyarta ah oo u badan baayac-mushtarka iyo ganacsatada bulshada u keenaya wax dhacay iyo wax walba oo illaawdey aakhiro iyo Xisaabteedba.
Ugu dambayn, fahamka kala-duwanaanta qaybahani waa furaha lagu gaadhi karo dib-u-habaynta bulshada, laguna kobcin karo wacyigelin qaran, si qayb walba loogu hago doorkeeda saxda ah ee dhismaha mustaqbalka dalka, iyada oo looga faa’iideysanayo doodo-cilmiyeed iyo muxaadarooyin iyo toosin inta ayda gudaysa.
T2. Madaxda.
Madaxnimada samada ayaa laga soo qoraa oo Eebbe swt ayaa awoodiisa ay ku timaadaa ee maaha wax ku xidhan ibna Aadamka, taas oo tilmaamaysa in aanay xagga Aadamaha ka iman, shardina waxa ah in aan kalsoonida Alle ka lumin dadka oo quluubta aanay marnaba ka bixin. Dadku, sidiisaba, waxa ay u kala baxaan, fikirkayga, Shan qaybood:
• Qayb Alle ku xidhan oo qasamka iyo qaddarkiisa aaminsan, ku xamdi-naqa caddiyadaha Eebbe xaalad walba,
• qayb kale oo fikirkoodu yahay Allahayow hebel wax sii – wax hay siiyee oo hammigoodu cid ku xidhan yahay, tii Alle hilmaansan,
• qayb halgan ugu jirta is-muujin iyo magac, taay laysku giijiyo iyo sawirro muuqaal laysu dhigo oo Karaamadii ka maqan tahay.
• Qayb aqoon u saaxiib ah oo badi gidaarada fadhiya oo aaminsan Aqoontooda, ku xidhnayn istus iyo madax-dhaqaneed albaabada u garaaca oo xil la doonta, kuna mashquulin sideedaba, waa tiiy la lahaa heesta “ kii ugu ildheer baa dadka ugu ayaan daran”.
• Qayb shanaad waa kuwo shicib ah, carruur iyo caydi, ciroole, rag iyo dumarba ah ama lagu tilmaamo wax-ma-garato aan, inta badan aqoon lahayn oo danahooda raacata.
Madaxda suuban waxa lagu gartaa ficillo iyo dhaqammo ka tarjumaya daacadnimo, mas’uuliyad ku aadan adeegidda bulshada oo ay ugu muhiimsan yihiin:
1. Go’aan qaadasho hufan, Ka shaqeynta arrimaha bulshada oo daacadnimo iyo isla xisaabtan leh.
2. ku dhaqanka daacadnimo iyo anshax suuban, Hadal iyo ficil iswaafaqsan, ku dhegganaanta qiyamka iyo shuruucda.
3. Himilo iyo aragtida fog, dejinta qorsheynta muddada dheer iyo dhiirrigelinta bulshada ee wax-soo-saarka, daryeelka xoolaha iyo duurjoogta.
4. Hannaanka u adeegidda dadweynaha ee hormarinta danahooda, ka hor danaha shakhsi ama kooxeed.
5. Ixtiraam sharciga iyo tu caddaaladdeed ee ku dhaqma sinnaanta iyo cadaaladda, ilaalinta xeerarka iyo Shuruucda Dalka iyo Diinta.
6. xidhiidhinta bulshada, Dhiirrigelinta wada-tashiga (shuuraa) ee wada hadalka iyo qadarinta fikradaha kala duwan.
7. Geesinimo iyo mas’uuliyad Qaadashada go’aanno adag oo u adeegayaya bulshada.
8. Awoodda xoojinta dadka, Kobcinta kartida iyo Hal-abuurka dadweynaha, dhiirrigelinta hoggaaminta iyo horumarinta danaha bulshada.
Haddaba, waxa dhaqan ahaan hore loo yidhi saddex arrimood madaxnimo laguma noqdo oo laguma tanaado:
1. Gacan laaban.
• Madaxnimo aan gacan furnayni bulsho ma wadi karto, baahiyaheedana ma dabooli karto.
• Hoggaamintu waxa ay ku dhisan tahay wax-bixin, gacan furan oo dadaal weheliyo, waayo bulsho lama hoggaamin karo iyagoo aan wax loo hurin, la quudin, la caawin ama lala qaybsan dhibaatada iyo duruufaha ku xeeran.
• Madaxda gacantu laaban tahay dadka ayaa ka xidhiidh furmada, kalsoonidana ka lumiya.
Ka dhaqan ahaan “ Madaxnimadu waa wax bixin ee ma aha wax urursi.”, Islaamkuna waxa uu dhiirrigeliyaa Sadaqada, Quudinta iyo Is-caawinta guud ahaan.
2. Gar leexsan.
• Madaxnimadu waxa ay ku taagan tahay cadaalad, haddii caddaaladdu lunto oo gartu leexato, eexdaa badata, taasoo abuurta nacayb iyo colaad,
• Kalsoonida wuu lumiyaa, taasoo maahmaahi tidhaahda “Gar eex leh gob ma noqdo.”, Quraankuna waa uu ka hadlay.
3. Go’aan Jilicsan.
• Hoggaamiye waa inuu go’aan cad qaataa, Mas’uuliyaddaa iska leh, mowqifkiisu ku dhisan yahay caddaalad ka dheer eex iyo qaraabo-kill,
• labaclabacu dadka wuu wareeriyaa, Kalsoonida ayuu lumiya, iyagana ka lumiyaa, dhibaato ayuu abuuraa iyo Mushkilado bulshada sii kala fogeeyaa. Ka dhaqan ahaan, waxa lagu maahmaahaa “ Laba waddo mar lama wada maro.” , Gabay: “ haddii gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee ku tarin, garaad iyo waayo-arag, illayn wax ma dhaantid geed “, Gaariye AHUN.
Madaxda maxaa looga baahan yahay?
Jawaabtu waa Aragti ku dhisan Diin, dhaqan iyo waayo-aragnimo, waxaana ka mid ah:-
1. Amaanada & Ka-cabsiga Eebbe,
Xilka ha u arkaan amaano, yay noqon
Timir xabaal taal, Hana ogaadaan in Alle mar walba ku leeyahay, “Alle wuxuu idin farayaa inaad amaanada u celisaan ehelkeeda.” (Qur’aan: An-Nisaa 4, 58)
2. Cadaalad iyo Gar Toosan
In aan loo eexan qudh , qoys, qabiil ama dano gaar ah, In cid kasta xaqeeda la siiyo.
3. Gacan Furan (Wax-bixin & Adeeg)
Hoggaamiye waa adeege bulsho
Waqti, hanti iyo maskaxba,
4. Go’aan Adag & Mas’uuliyad buuxda
Go’aan ha qaato, hana ka cararin cawaaqibka, labaclabacnimo waxba laguma hoggaamiyo, hore ayaa loo yidhi “ Canaan ka yaab Ceel ma doojo “.
5. Daahfurnaan & Isla-xisaabtan
Go’aamadu ha noqdaan kuwo cadcad oo la fahmi karo, bulshada u cuntanta, yeelaya isla xisaabtan iyo hufnaan.
6. Hadal yar oo ficil/hawl badan,
fulin badan, dadku waxa ay raacaan wax la arkayo, ma aha hadal iyo faan.
7. Xushmad & Dhageysi
Inuu dhageysto dadka, ixtiraamo aragtida kala duwan oo danaha u eega.
8. Karti & Aqoon
Xil ha u dhiibto cid karti leh oo aqoonteeda leh, maya si kale eex ama qabyaalad,” boos iyo cid ku habboon”,
Aqoonta waayo-argnimada qaato iyo waxgaradka, talo iyo tusaalaynba.
9. Dhaqan wanaag & tusaale nool,
Waxqabadyo ha sameeyo ka horreeyo wax-sheegiisa, haddii uu qaldamo ha qirto oo uu ka murmin.
10. Ujeeddo Qaran & Midnimo
Ha lahaado ujeedo qarannimo, hana ka shaqeeyo midnimada bulshada iyo danaynta kaabayaasha oo ha ka fogaado kala-qaybinta bulìshada iyo qabyaaladaynta.
Haddaba, Madaxnimadu ma aha magac iyo manfac ee waa:
⁃ Amaanada Alle,
⁃ Adeeg bulsho,
⁃ Mas’uuliyad culus oo Ammaano ah, Cirka, Dhulka iyo Buuruhuba ka gacan taagteen/diideen.
Madaxda kama qarsoona, inta badan, in xilka ay hayaan uu yahay mid Eebbe u gartay, waana sababta ay uga baqaan meelaha ay yaallaan kamaradaha qarsoon (CCTV), hase yeeshee, waxa, inta badan, ka maqan tixgelinta iyo ka baqashada kamaradaha Eebbe SWT, kuwa aan qarin, aan damin ama xumaan, aan qalloocin; kuwa diiwaangeliya xumaan iyo wanaagba, waqti kasta, goob kasta ee lama-huraanka ah.
T3. Madax-dhaqameedka.
Marka laga hadlo madax-dhaqameedka, waxa ay ka mid yihiin tiirarka ugu qadiimisan ee nidaamka bulshada Soomaaliyeed. Doorkoodu asal ahaan waa illaalinta dhaqanka, xallinta khilaafaadka, isku haynta beelaha iyo illaalinta midnimada. Hase yeeshee, sida qaybaha kale ee bulshada, madax-dhaqameedkuna ma wada sinna xagga doorka iyo jihada ay qaadeen, waxaana loo kala saari karaa saddex nooc:
1. Madax-Dhaqameedka ku eg Mas’uuliyadda Dhaqanka, Kuwani waa madax ku taagan dhaqankii iyo xeerkii soo jireenka ahaa, si daacad ahna u gutay mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo ay ka fogaadaan siyaasadda, mansabyada iyo dano gaar ah, waxayna u adeegaan beeshooda iyo bulshada guud iyaga oo illaalinaya cadaalad, dhexdhexaadnimo iyo nabad ama nabad-gelyada. Kuwani waa tiirarka xasilloonida iyo hidda-sidaha dhaqanka ee bulshada.
2. Madax-Dhaqameedka Siyaasadda Ku Milmay iyo xilalka dawladda iyo daba-wareegooda, halkaas oo ay ku lumiyeen doorkoodii dhaqameed iyo illaalintiisa. Waxa ay marar badan noqdaan dillaaliin dan gaar ah u adeegaya, kuwaas oo marka ay khilaafyo dhacaan beddelkooda u qoondeeya cid kale, si ay uga faa’iideystaan awood, mansab ama hanti. Arrintani waxa ay ka leexisay hawlihii asaasiga ahaa ee dhaqanka iyo mas’uuliyaddii ay bulshada u hayeen.
3. Madax-Dhaqameedka Marin-Habaabiyay oo aan ka tegin dhaqankii iyo hiddihii, balse jihadu ka luntay, kuna wareersan kaalinta ay maanta ku leeyihiin isbeddellada siyaasadeed iyo bulsheed ee mararka qaar baraha bulshada ka dhurna aflagaadooyin ku af-barta, taasoo ka dhigta kuwo saamayntoodu yaraato, sumcaddoodii hoos u dhacday mararka qaarkoodna noqda kuwo dano loo adeegsado.
Ugu dambayn, waxa uu Madax-dhaqameedku u dhexeeyaan kuwa dhaqanka u taagan oo bulsho u adeegaya, kuwa siyaasadda iyo dano gaar ah ku milmay iyo kuwa marin-habaabay oo aan helin, weli, jiho cad. Mustaqbalka madax-dhaqameedka Soomaaliyeed waxa uu ku xidhnaan doonaa sida loo soo celiyo doorkoodii asiiliga ahaa, loona kala saaro, macne ahaan, dhaqanka iyo siyaasadda, si ay mar kale u noqdaan tiirkii nabadda, cadaaladda iyo isku haynta bulshada ee ka reeban siyaasad.
T4. Aqoonyahanka
Aqoonyahanka waxa loo kala saari karaa dhowr nooc iyada oo lagu saleynayo ujeeddadooda, saameyntooda, iyo doorkooda bulshada:
1. Aqoonyahanka dadaala oo anshax Madaxda Leh, kuwa aqoonta, daacadnimada iyo runta illaalinaya, bulshadana xirfadooda ugu adeegaya, wax baraya, hagaya oo si masuuliyad ugu adeegaya guud ahaan iyo gaar ahaanba.
2. Aqoonyahan Faa’iido raadiya mid
shakhsi, xukun ama hanti, badanaa madaxnimada ku taajira oo boobka ku caseeya hantida agoonta iyo bulshada badi danyarta ah, waana kuwa inta badan wastada lagu keeno een waxba u tudhanaynin ee isu arkaaya inuu qabiil u shaqaynayo.
3. Aqoonyahan aqoonta u roga aalad lagu sharciyeeyo khaladka, lagu qurxiyo dulmiga ama lagu difaaco qabyaalad iyo dano gaar ah oo gaadhi la’ madaxnimo iyo xil loo magacaabo oo qallooca u ridaya iyo durka oo fari ku godantay.
4. Aqoonyahan aan dusduska aqoon iyo wastada oo dalka wax u tari lahaa oo aan kaga faa’iideysan aqoontiisa ama waayo-aragnimo oo gidaarada ka daawanaya, qabyaaladda ka caagan oo laga doorbido afku-xooglaha Suldaanku wato.
Aqoonyahanka iyo madaxda sare waxay ku kala duwan yihiin ujeedada, waxtarka, Fikirka, aqoonta iyo saameynta karaamo oo ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin oo afka waa ka wada Aqoonyahan.
Aqoonyahanku waxa uu u dhexeeyaan kuwo iftiin u noqda bulshada iyo kuwo aqoonta ka dhiga magac iyo mugdi oo dantoodu ka weyn tahay.
T5. Wadaadada / Culimada
Culimada iyo wadaadadu waxa ay door muhiim ah ku leeyihiin hanuuninta bulshada, balse waxa ay ku kala duwan yihiin siyaabo badan, oo saamayn ku leh bulshada:
• Qayb ka midi waa kuwo Alle ku xidhan, cilmiga dareeriya, dhaqankii haya, hadalka iyo camalkoodana is-waafajiya oo
bulshadana u tilmaamaan jidka toosan iyaga oo aan raadin mansab, magac ama dan adduunyo midna, inkasta oo aanay, qaarkood, ka madhnayn danaysi iyo hanti-raadin.
• Qayb danta u Shaqaysata oo Siyaasadda ku milantay, kuwa aqoonta u adeegsada dano gaar ah, waa kuwii la yidhi la jiifiyaana bannaan oo badi u badan danaysteyaal.
• Qayb shuurisa oo Diinta ku adeegata, si ay hanti uga sameeyaan, hadday tahay madaariis iyo malcaamado ka tegey tudhaale iyo naxariistii bulshada.
• Qayb aqoontooda adeegsata oo qunyar socod ah oo jaamacadaha mas’uuliyiin ka ah ama u shaqeeyana, gaar ahaan kuwa Iskaamiga iyo shariicada oo dantooda xaawiya.
Culimadu waxa ay dawr muhiim ah ku leeyihiin toosinta iyo jiheynta bulshada ee dariiqa toosan iyo Aakhirosan oo ku hawlan waajibaadka dhaxalkii Rasuulka Suubane Muxammad NNKH, inkasta oo beryahan soo baxeen kudlado ama kooxo fariiqooyin ah oo dhinacyo badan iska diidan.
T6. Haweenka amase Xaawaleyda
Haweenku waa obocda bulshada ee la’aantood waaxi maqnaan lahayd, waxaana loo kala saari karaa dhowr nooc iyada oo lagu saleynayo doorkooda, waxqabadkooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshada:
1. Haween Hogaaminta qayb ka qaata, Bulshada u heelan oo ka qayb qaata kuwa bulshada wax u qabta, hogaaminta, waxbarashada ama horumarinta deegaanka oo qoyska u adeegaya.
2. Haween Aqoon leh iyo Dhaqan-dhaqaale Sare, kuwa ka faa’iidaysta aqoonta iyo xirfadaha, si ay u horumariyaan naftooda, qoyska iyo bulshadooda, iyaga oo si xikmad leh ugu adeegaya nolosha qoysaska.
3. Haween fursad raadiya oo u Adeegta nolosha iyo danahooda gaarka ah, kuwo dhaqanka ku adag dariiqii suubanaa ku jooga iyo anshaxii soo-jireenka ahaa.
4. Haweenka ka qayb-qaata Dhaqdhaqaaqa Isbeddel-doonka iyo siyaasadda, dhaqaalaha ama horumarka bulshada, ka dooda ama u dooda cadaalad, horumar iyo nabad waarta, wacan oo wanaagsan.
Haweenku waxa ay ku kala duwan yihiin doorka, himilada iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada, sida kuwa u heelan horumarka guud, kuwa ka shaqeeya danahooda gaarka ah ama dhaqanka u heegan iyo daryeelka ubadkooda.
T7. Dhallinyarada.
Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulsho kasta, hase yeeshee ma aha kuwo isku mid ah xagga fikirka, dabeecadda, waddaniyadda, Hal-abuurka iyo jihada ay u socdaan. Sidaa awgeed, dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay u kala baxaan dhawr qaybood oo kala aragti, dhaqan iyo yool ah.
• Qayb ka mid ah dhallinyarada waa kuwo ku jira dhaqan-dooris khatar ah, kuwaas oo u rogay xumaantii wanaag, wanaaggana u arka wax duugoobay. Rag iyo dumarba, waxa ay caadi ka dhigteen wixii hore looga xishoon jiray astaan xorriyad iyo horumar, halka ay xumaantiina u arkaan wixii lagu faani jiray sida anshaxa, xishoodka iyo qiimaha qoyska, taasoo badanaaba ay ku daydaan dhaqamo qalaad iyaga oo aan miisaamin waxtarkiisa iyo khasaarahiisa.
• Qayb labaad waa dhallinyaro si adag u qabsatay Diinta Islaamka iyo distoorka sanaawiga iyo akhlaaqda suuban, kuwaas oo xoogga saaray waxbarasho, aqoon-raadis iyo is-dhis naf ahaan iyo maskaxeed. Kuwani waxa ay ku dadaalaan inay isku dheelli tiraan cibaado, Eden, horumar aqooneed, iyaga oo ka fogaanaya buuq, muran iyo waxyaabo dhaawici kara mustaqbalkooda dhaqan iyo nololeedba.
• Qayb saddexaad waa dhallinyaro fara-baxday oo si xun uga faa’iidaysata baraha bulshada, gaar ahaan TikTok iyo aaladaha kale. Qaybtani waxa ay ku mashquulsan yihiin cay, aflagaaddo, muuqaallo anshax-xumo ah iyo hanti raadis degdeg ah, iyaga oo marar badanna dhaawacaya sharafka naftooda iyo sumcadda guud ee bulshada iyo dalkaba. Dhaqankoodaasi wuxuu hoos u dhigaa qiimaha dadnimo, wuxuuna dhalinayaa jahawareer iyo tusaale xun oo jiilka kale gaadhaya.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan qaybahani waa dhalinyaro hal bulsho ka wada tirsan, mas’uuliyadduna kama saarna iyaga oo keliya, balse waxa wada leh qoyska, Bulshada, waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, warbaahinta iyo xukuumadda guud ahaan. Haddii la helo hagid, tusaale wanaagsan iyo fursado dhab ah oo shaqo-abuur, dhallinyaradu waxa ay noqon karaan xoog isbeddel oo wanaag iyo horumar horseeda, halkii ay ka noqon lahaayeen caqabado.
Gebogebo:
Somaalidu iyaga oo Geela ku halqabsanaya iyo dhaqashadiisa waxa ay yidhaahdaan: “ Ninna dhaqashuu kuugu dhabar jabay, minna dhuunuu kuu dhex joogaa, Haddase waa arrin ku astaysan maamulka iyo waxqabadyada madaxda iyo hoggaaminta ee dawladnimo iyo daryeelista bulshoba.
Qof kasta oo Bulshada Somaliland ka mudi haysku aadiyo kaalinta uu bulshada ugu jiro, hadduu madax yahay, Aqoonyahan, Culimo, madax-dhaqameed, Dhallinyaro, haween iyo kaleba oo inta aan lagu aadin, isagu haysku aadiyo kaalinta uu bulshada u hayo.
Midna ha la wada ogaado:-
“. Dabeecaddu maaha sida aad naftaada u taqaan, ee waa sida dadka kale kuu yaqaano “ oo af-qalaadku dhigo “ Personality is not how you know yourself but how others know you “.
Waxa fiican in qof kasta oo bulshada ka midi uu helo siday bulshadu u taqaano, horaa loo yidhi “ fuley xantiisa ma oga” waase ogaan karaa shakhsiyaddiisu waxay tahay.

Allah Mahad Leh,
Prof. M. J. Robleh
– Mujaahidka –

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.