Waxaa hubaal ah in ba’niaadmku barte tahay isbedbedal badan, waa sida culima sociology gu xaqiijiyeene, taasoo macnaheedu yahay in fikir, dhaqan iyo deegaan ahaan intaba isgedgediyaan taaso ah in si xun iyo si fiicanba looga faa’iidaysan karo, islamarkana waxay aamin sanaayeen laga dhaqaajin karo, Isbedelka dusha lagaga keenaana saameyn weyn ku yeesho bulshadaas, haday mid sharci sameyneedtahay iyo haday mid wacyi gelineed noqotaba. Halkaas Waxaa ka cad in hogaanku yahay halka bulsho ka jabto ama ka dhisanto.
Mudooyinkii udambeeyey waxaa dawlada Somaliland ka soo baxvaxayey inay UN ta kala shaqayn doonto dhinacyo badan oo siyaasada ka baxsan, ayagoo Somaliland gudaheeda xafiisyo ka furanaya islamarkaana ay shaacismi doonto kuwii qarsoonaa ee horey qarsoodiga ugu furaa, taasoo shicibka reer Somaliland walaac badan ka muujiyeen.
Waxaa mihiim ah in dawladu dib isu weydiiso waxay dawlad ku tahay inay tahay wadajirka bulsha balaadhan ee reer Somaliland. Talabaad waxay tahay in dawladu dareenka dadka cabirto si’ay u ogaato in fikirkooda siyaasadeed shicibku kula socdo maadaama oo dareenka shicibku yahay muraayada ay dawladi isu eegto. Hadaan tusaale ahaan usoo qaato Maalintii madaxweynaha Somaliland uu jawaabta koobab siiyey ergeyga Qaramada Midoobay, Nicholas Kay ee ahayd ” waad soo qaldantay ee Somaliya ayaa laguusoo diray”, shucuurta iyo dareenka dadku sidey ahayd ? Waxay ahayd maalin ay Ogaadeen in madaxweynahoodu go’aan leeyahay, aduunka halkiisa ka odhan karo, islamarkaana dadkiisa iyo dalkiisa matali karo iyo ayagoo bogaadin iyo farxad ku tahniyadeynaya, halka maanta shicibku meel adag ka taagan yahay isla arrinkii oo markan si kale isu rogey.
Qofkasta oo jecel inuu ogaado shaqada iyo wax qabadka siyaasadeed ee UN tu ka hayso wadanka Soomaaliya waxa uu ka dhex fahmi karaa xaalada ka taagan Deegaamada Soomaaliya. Hadaan si kale udhigo, faraqa ama kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaliya kaliya waa UN ta iyo faragalinta shisheeye taasoo DHALISAY in siyaasada Soomaaliya ay cid shisheeye wado, taasoo nasiibdaro ah in Somaliland ciday heshiiska la lagalaan aynay ahayn ciday is hor fadhiistaan ee ay tahay fikir UN, taasina ay sabab unoqotay in waxii ay kula heshiiyaanba lagaga baxo.
Aniga oo takhasuskaygu yahay cilmiga bulshada sidoo kalena bartay politics and international relations, waxaan dawlada Somaliland uga digayaa in guda-soo geshiga UN tu dhalin doono iney gudaha Somaliland beed ku dilaacsato taaso macnaheedu yahay inay shicibka Somaliland qaar xoog badan ku yeelato, kuwaasoo xag wadajir iyo xag nebed gelyaba khasaare usoo jiidi doona. Aniga oon jeclayn inaan ka faaloodo wax yaabaha labada gees ee Somaliland ka soo ifi kara, waxay umuuqataa meelaha UN tu gudaha Somaliland uga doonayso eey dab ka hurinkato inuu yahay.
Waxaan qoraalkaygan ku soo af-jarayaa in shicibka reer Somaliland ayagoo isu duuban ay dawladooda aaminaan, la shaqeeyaan islamarkaana wadankooda iyo nabadooda intaba ilaashadaan, iyo in dawlada Somaliland ay aad uga taxadirto arrimaha UN ta la XIDHIIDHA kuwaas oo mustaqbalka fog xasilooni iyo nabadgelyo daro wadanka ka ridi kara.

By Sociologist Saeed Issa Eleyeh