Hadalhaynta heshiiska maalgashiga dawlada Somaliland iyo wadanka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn looga faaloonayaa maalmahan u danbeeyay waxaana arrinta  soo cusboonaatay ka dib markii todobaadkii hore dawlada Djibouti wasiirkooda Arrimaha, Dekeddaha uu warbaahinta u sheegay in dalkiisa iyo Shirkada DP World  oo maalgashi ka samaysay dalkooda is afgarad la,aan ka dhex jiro, kaas oo salka ku haya heshiiskii hore loo wada galay oo dawlada
djibouti saluug ka muujisay, Isla markaana dalbatay in wax laga bedelo.

arrintaa oo sida uu ku dooday shirkada Dp World ay ka dhega adaygtay sida wasiirka dekedduhu ku waramayo. Waxa kale oo uu sheegay in ay ka baxeen axdigaasi, dekeddiina imika ay iyagu maamulkeeda gacanta ku hayaan.

Waxa Iyana yaab leh in Ra’iisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre sheegay in aan heshiiska Dp World ee ay dawlada Somaliland wada galeen aan waxba lagala socdsiin xukuumad ahaan oo aan lagala tashan, sagoo mawqifka xukuumadiisa ku sheegay, war ka soo baxay wasaaradooda dekeddaha, kaas oo sheegaya in waxii heshiis walba oo la gelayo oo masiiri ah oo ku saabsan Deked,Bad, khayraad, dalka meelwalba ay u xilsaarantahay dawlada uu ka tirsanyahay ee Federaalk Somaliya sida hadalka uu u dhigay.

Somaliland oo 5 September 2016 Shirkadda  Dp World ay kala sexeexdeen heshiis maalgashi ayuu heshiiskoodani ahaa mid loo maray hanaan sharci oo baarlamaanku Somaliland la mariyay, isla markaana uu ansixiyay.

sideedaba Dawladda Somalilnd, iyada ayaa Dalkeeda  si buuxda gacanta ugu haysata. waana dal dadkiisu u codeeyeen Aftidii Distoorka ee laga qaaday bishii May 31, 2001, taas  oo ay ku xaqiijiyeen 97.5% wax ka sareeyaa in distootka si madax banani ah loogu dhaqmo.

 

Somaliland waa Dal buuxiyay shuruudaha caalamiga ah, waxaanu heshiisyo la geli Karaa cida uu u arko dantiisa iyo maslaxadiisa, isagoo xidhiidh fiican la leh wadamada jaarka, iyo beesha caalmaka waa dal ay ka qabsoomeen doorashooyin aan noocooda wadamada Afrika iyo aduunka qaar ka mid ahi aany wali samayn. Somaliland waxa ka jira golayaasha sharci dajinta, fulinta, iyo garsoorka oo ay ka dhexeeyaan isla xisaabtan iyo wada shaqayn.

Balse Warbaahinta maraykanka ee VOA iyo BBC ayay dadka qaar u arkaan in aan wararka la xidhiidha si is leeg loo baahin labadan dal ee kala go,ay sababtaasina ay tahay in shaqalaha idaacadahani u xagliyaan dhinaca Soomaliya, amma koonfurta, halka ay Somaliland ay ahayd meelahii Afrka idaacada BBC laga yagleelay, iyadoo la ogyahay in  shaqaalhii xiliyadaasi ku can baxeen, warar iyo faalooyin dhexdhexaad ah oo xaqiiqda ku qotoma, kuwaas  oo raali galin jiray dadka Afka somaliga ku hadla.

Ugudanbayntii qormadan waxay ku baraarujinaysaa muwaadiniinta, waxgaradka, ardayda Jaamacadaha iyo saxafiyiinta iyo dhamaan cida ku abtirsata qaranka Somaliland ee la mahadiyay in ay difaacdaan oo dood iyo qoraalo, cadaymo xambaarsan, la yimaadaan si aan hadh loo saarin taariikhdooda xidhiidhka ah ee dadka qaar xajiimaynayaan.

Wa bilaahi towfiiq

Mustafe Maxamed Nuur
Mustafe Dheereeye