Sanadkii 1884 ilaa 1885, waxa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen dalal badan oo reer Yurub ah, si ay u kala qaybsadaan qaaradda Afrika, iyaga oo aan waxba ka weydiin dadka Afrikaanka ah ee dhulkaa iska lahaa. Shirkaas, waxa martigeliyey hoggaamiyihii Jarmalka ee wakhtigaas,
Ujeedada shirkaasi waxa ay ahayd in la xakameeyo tartanka xooggan ee ka dhexeeyey dalalka reer Yurub ee doonayey in ay gumeystaan dalal Afrika ka mid ah.
Shirkaa natiijadiisu waxa ay ahayd qaybsiga Afrika, taasoo intii u dhaxaysay 1885 iyo 1914, ku dhowaad 90% dhulka Afrika waxa uu gacanta u galay dalalka Yurub oo maraykankuna Kormeere ka ahaa.
Qaaradda Afrika, waxa loo kala qaybsaday si aan caddaalad ahayn, iyada oo aan la tixgelin qowmiyadaha, afafka ama xuduudihii taariikhiga ahaa. Qaybsigaa Afrika, waxa la sameeyay xuduudo cusub oo ay reer Yurub isku raaceen, kuwaas oo maanta keenay khilaafaad siyaasadeed iyo qowmiyadeed oo ka dhex taagan dawladaha Afrika.
Dalalkii waaweynaa ee gumaystay Afrika waxa ka mid ahaa:-
Gumeystihii Ingiriisku oo qabsaday dalalka kala ah Masar, Somaliland, Sudan, Kenya, Uganda, South Africa, Nigeria iyo Ghana, halka faransiiskuna qabsaday Algeria, Mali, Niger, Senegal, Ivory Coast, Jabuuti iyo Madagascar, Belgium-na Congo (DRC), Boortagiisku-na Angola iyo Mozambique. Jarmalku waxa uu , isna, qabsaday Tanzania, Namibia iyo Cameroon, halka Talyaanigu qabsaday Libya, Eritrea, Somalia, halka Isbaanashku-na (Spain) qabsaday Sahara galbeed iyo Equatorial Guinea.
Saamayntii Gumeysiga ee Afrika.
1. Xuduudo been ah, ayaa la sameeyey oo aan ku dhisnayn qabiil ama dhaqan, taas oo keentay dagaalo sokeeye.
2. Dhaqaale laga xaday iyo Kheyraadkii dabiiciga ahaa, sida dahabka, dheemanka, saliidda iyo beeraha ayaa la boobay.
3. Addoonsi iyo jidh-dil, dad badan ayaa lagu khasbay shaqo xoog ah iyo kuwo dhiiqada lagu dul socon jiray.
4. Maskax-gumeysi lagu faafiyay fikir ah in reer Yurub yihiin kuwa keliya ee aqoon iyo horumar leh ama samayn kara.
5. Dhaqankii oo laga burburiyey, laga beddelay qaarkood, luqaddihii iyo diimihii oo, iyana, la wiiqay. Waxa la abuuray nidaamyo siyaasadeed iyo dhaqaale oo aan Afrika ka go’in ilaa maanta oo burburiyey kalsoonidii bulshada ee Afrikaanimo.
Shirkaa iyo facaa’lkii ka dhashay, waxa ay ahaayeen bilowgii gumeysiga casriga ah ee Afrika, wuxuuna sabab u noqday qarniyo badan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo maskaxeed oo weli Afrika ka muuqda oo la maarayn la’ yahay, wuxuuna dhalay Afrikadan maanta kala qaybsan, la gumaysto si dadban, la duudsiyo xuquuqdooda , lana hafaayo khayraadkeeda, balse haddana soo kacaysa, si ay u soo ceshato karaamadeedii, ka xorrowda afkaarta iyo gacan- bidixaynta shisheeye iyo reer galbeedka.
Madaxda Afrika iyo Gumeysiga Maskaxeed:-
Afrika waa Qaarad hodan ah oo Aqoonyahan sare leh, balse taariikhdeeda waxa si weyn u saameeyey gumeysiga, mid muuqda iyo mid aan muuqan. Haddii gumeysigii hore uu boobay dhulkeeda iyo khayraadkeeda, gumeysiga maanta waxa uu boobayaa maskaxdeena, aqoonteena iyo kalsoonida dadkeena.
Gumaysiga maskaxeed, waa nooca ugu khatarsan ee addoonsiga, waayo waxa uu ku xidhaa qofka iyo qaran kastaba fikir iyo caqiido been ah oo ku saabsan awooddiisa, aqoontiisa iyo mustaqbalkiisa.
Waxa lagu beeraa, lagu disaa oo laga dhaadhiciyey fikrad ah in Afrikaanku aanuu waxba qabsan karin la’aanta, taageerada iyo hagidda shisheeye mooyaane, aqoontooduna aanay jirin.
Afrika maanta calamo ayaa kor uga taag-taagan, madax ayaa ka jirta, balse fikirkii iyo qorshihii gumeysiga ayaa badi ama weli ka dhex socda oo lagu beeray in horumarka iyo nolosha wanaagsan ay ka timaaddo dibadda iyo shisheeye, taasi oo dhalisay ku tiirsanaan joogto ah, madax jilicsan iyo ummad aan isku kalsoonayn.
Gumeysigan maskaxeed waxa uu, si dhuumasho ah, u maamulaa khayraadka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo warbaahinta Afrika, iyada oo madax-badani ku tiirsan yihiin quwadaha shisheeye, si ay u helaan taageero kursi iyo ammaan siyaasadeed. Teeda kale, haddii ay diidaan, waxa lagu sameeyaa cadaadis, hanjabaad, cunaqabatayn ama lagu abuuraa jabhado hubeysan iyo mucaarad dibad iyo gudo ah, qaar kalena, waxa lagu dilaa si qarsoodiya ama fadeexado ayaa lagu wiiqaa sumcaddooda.
Soomaaliya iyo Gumeysiga Maskaxeed:-
Soomaaliya inkasta oo ay leedahay dawlad iyo calan, haddana gumeysiga maskaxeed waa mid ku tunta, waxa lagu abuuray kooxo hubeysan oo loo adeegto, si loo xakameeyo madaxda iyo siyaasadda gudaha oo aanay far ula bixin.
Waxa lagu qasbay madaxda in ay ku tiirsanaadaan ciidamada shisheeye (AMISOM/ATMIS), si ay u helaan ammaan, una fikirin, taasoo dhalisay in madaxdu ay rumaystaan in aanay waxba qaban karin la’aanta shisheeye iyo ciidamada shisheeye, natiijaduna ay tahay isdaba-wareeg, dagaal, burbur iyo ku tiirsanaan joogto ah.
Madaxda Soomaaliya waa la haysteyaal maskax iyo maalba lagu shaqaysto, sida dalal badan oo Afrikada kale ah oo aan dantooda iyo tan ummadaba u kala soocnayn, maxaa yeelay Soddon sano ciidamo shisheeye may dul hogteen, halkay ciidamo gaar ah ka samaysan lahaayeen sida Somaliland oo ay dabada haystaan, doqoniimo tii ugu weyneyd baa haysata madaxda Soomaaliya. Tusaale ahaan, Qaadwalaha ayaa yidhaahda “ dhaka-weynow ma kun baad weydey ”, hadda Xasanow ma heeryada gumeysiga ayaad iska rogi weydey, intaa Somaliland oo Ictiraafkii u hadhay aad ka daba sannaadhayso. Tusaale kale, nin waalan ayaa Burco Islaan madax karinaysa dhegta ku dhegey oo kala cararay, kolkaas bay tidhi “ hooyo ii dhig”, waxa uu ku yidhi “ Kani ku dhaafye Maraqa cab ”, markaa Xasan Sheekhow, waxa aan ku leeyahay; Somaliland socotaye, gumeysigaad ku jirto iimaanso.
Sidee ayay Afriki uga bixi kartaa Gumeysiga Maskaxeed ee ku habsadey:-
1. in maskaxda laga xoroobo oo bulshada Afrika ay diido fikirka liidnimada, kuna beddelato
kalsooni iyo hal-abuur, horumar iyo qab Afrikaanimo.
2. ka faa’iideysato khayraadka gudaha, loona adeegsado danaha guud, si loo helo isku-filnaansho
Dhaqaale iyo jiritaan.
3. Hoggaamiyeyaasha Afrika waa inay ka go’aan in aanay adeegsan quwadaha shisheeye ee
kalsoonida ka lumiyey iyo fikirkooda.
4. Midnimo Qaran iyo Qaaradda, taasoo ah hubka keliya ee lagu joojin karo faragelinta shisheeyaha dibadda iyo gumeystaha qarsoon.
5. Taageeridda Aqoonyahanka iyo dhalinyarada, si ay u noqdaan hormuudka hal-abuurka, cilmi- baadhista iyo xalinta dhibaatooyinka Afrika iyo dhasheedaba haysta.
6. Madaxda loogu soo cumaamado oo ay iska diidaan oo ay doortaan cid u qalanta oo neceb danaysiga shisheeyaha ee mustaqbalkeena ka soo horjeeda, isla markaana Afrikaanimada ku faana.
Afrika waxa ay gaadhi doontaa horumar dhab ah marka ay xorayso maskaxdeeda, muruqeeda, maankeedana, kuna kalsoonaato awooddeeda, taasoo xorriyaddu ay ka bilaabato qofka iyo fikirkiisa, ka hor inta aanay ka muuqan Calanka iyo Ciidda.
Marka hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Afrika ay si dhab ah u fahmaan arrimahaas iyo gumeysiga maskaxeed, ayaa waxa dhalan doona Qaaradda Afrika oo madax-bannaan, sharaf leh, kuna taagan kartideeda iyo kaskeeda.
Haldoorada Afrika ee ka hor yimi Gumeysigii hore iyo kan Maskaxeedba:-
Mawduucani waxa uu xoojinayaa fahamka haldoorada Afrika ee diiday gumeysiga, guud ahaan, iyo sida ay noloshoodii ku dambaysay, qaarna lagu dilay, qaarna lagu wiiqay, qaarkoodna la faquuqay.
Haddaba, Taariikhda Afrika, waxa lagu xasuustaa haldoor badan oo naf iyo maalba u huray xorriyadda dadka madow, hase yeeshee, dagaalku ma ahayn mid keliya oo hubaysan; waxase uu ahaa mid ka dhan ah gumeysiga maskaxeed ee lagu hayo jiilasha Afrika.
Haldooradan hoos ku suntan, waxa ay diideen in Afriki ay noqoto daba-dhilif iyo tu la-hago, waxayna ku adkaysteen in xorriyadda dhabta ahi aanay ahayn calan iyo kursi, balse ay tahay xorriyadda fikirka iyo madaxbannaanida go’aan qaadashada.
1. Lumumba (Kongo).
Waxa uu ahaa Ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (1960).
Waxa uu ahaa halgame qarannimo oo si buuxda u diiday faragelinta reer Galbeed, gaar ahaan Belgium oo doonaysay inay sii hayso saamaynta dhaqaale ee dalka.
Fikradihiisa, waxa ka mid ahaa in ay Kongo noqoto dal madax-bannaan oo Afrikaan leeyahay oo aan dano shisheeye lagu Maamulin. Dhagartoodii, waxa lagu dilay shirqool ay ka dambeeyeen sirdoonka Belgium, 1961.
2. Sankara (Burkina Faso).
Waxa loo yaqaaney, ninka ugu daacad-san Afrika, wuxuuna xukunka qabtay 1983 isagoo 33 jir ah.
Dabeed, waxa uu qaaday kacaan bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka dhan ah gumeysiga maskaxeed iyo dala’siga reer Galbeedka. Fikirkiisu, waxa uu ahaa Afrika oo isku filnaata oo horumar dhab ah gaadha, ku tiirsanayn gacan iyo Amman shisheeye. Sakara waxa uu mamnuucay raaxadii madaxda, wuxuuna abuuray dowlad shacabka u adeegta, waxase lagu dilay afgambi ay taageerayeen quwadaha shisheeye 1987.
3. Muammar Qaddafi (Liibiya).
Waxa uu xukunka qabtay 1969, wuxuuna ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Carabta ee Liibiya, sidaa oo kale waxa uu ahaa hoggaamiye si weyn u taageeray midnimada Afrika iyo iskaashiga dhaqaalaha ee aan ku tiirsanayn reer Galbeed. Fikraddiisa, waxa ka mid ahaa in Afriki yeelato hal lacag, hal suuq iyo hal ciidan qaran, waxa kale oo uu aasaasay Sanduuqa Horumarinta Afrika, isaga oo doonayey in Afrika iskaga baxdo kaalmada shisheeye. Sababahaa dartood iyo hankiisii, waxa lagu burburiyey duqeyn ay ka dambeysey NATO 2011.
4. Steve Biko (Koonfur Afrika).
Waxa uu ahaa halgamaa u ololeeyey dhaqdhaqaaqii madowga intii lagu jirey gumeysiga Saancaddaha ee kala soocidda, isaga oo ku baaqay in dadka madow ay dib u hantaan kalsoonidooda iyo karaamadoodii.
Fikraddiisa, waxa ka mid ahaa in qofka madow uu marka hore ka xoroobo maskaxda gumeysiga ka hor inta aanu xor noqon jidh ahaan. Sidaasi darteed, Biko, waxa lagu dilay xabsi 1977, isaga oo la jidh-diley.
5. Amílcar Cabral (Guinea ).
Waxa uu ahaa halgamaa caqli badan, aasaasihii urur siyaasad iyo halgan taariikhda xorriyadda Afrika, gaar ahaan Galbeedka Afrika. Fikraddiisa, waxa ka mid ahayd haddii maskaxda la gumaysto oo jidhka la xoreeyo, xorriyaddaasi waa been. Sababahaa dartood, waxa la dilay 1973, ka hor xorraynta dalkiisa.
6. Ibrahim Traoré (Burkina Faso ).
waa hoggaamiye da’yar oo maanta matalaya jiilka cusub ee diidan gumeysiga maskaxeed oo uu si cad uga horyimi Faransiiska iyo faragelinta reer Galbeed, isaga oo ku dhawaaqay in Burkina Faso ay noqon doonto dal madax-bannaan oo Afrikaan ah. Fikradihiisa, waxa ka mid ah, ma doonayno inaan sii ahaano addoommo casri ah oo calan wata.
Hadda, waxa uu noqday halyeeyga cusub ee Afrika, tusaale u ah hoggaan geesi ah oo diidan ku-tiirsanaanta shisheeye fikir iyo dhaqaale. Dhagartooda, shirqoolo badan baa laysku deyey in lagu khaarijiyo, hase yeeshee Alle (swt) kama dhigin toodii iyo tiisii midna.
Dhammaantood, Taroore mooyee, waa la dilay, maxaa yeelay waxa ay daaha ka rogeen sirta ugu weyn ee gumeysiga iyo facaa’ilkiisa ee Qaaradda Afrika. Laakiin dhiiggoodu waxa uu noqday iftiin jiilalka dambe baraarujinaya, Taroore waxa uu ka mid yahay Haldoorka Afrika oo ku talo jira, manta, dib u xoraynta Afrika, ma aha oo keliya dhulkeeda, balse maskaxdeeda, fikradeeda iyo karaamadeeda, haddaba, Taroore aragnee, Afrikina hiil bay u baahantee, yaa labeeyey?.
F.G:
In aan wax ku qaadanno, bal dhegeyso heeskan” hohee Afrikaay hurudooy”.
guji halkan( link).
https://youtu.be/QFWjbQGhglk?si=tb9qvrVa9omXYXJe
Mahadsanidin,
Prof. M. J. Robleh
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network


