W/Q Mustafe Adam

“Qof weyn oo caafimaad iyo miyirkiisa qaba, ha iska jiifo oo ha cuno, dadkana ha baryo waa ceeb,” ayuu yidhi Jimaale oo ah wiil aqoonyahan ah oo ku shaqaysta gaadiidka yaryar ee Vitz-ta loo yaqaan.

Jimcaale waxa uu saddex iyo toban sanno ka shaqaynayay hay’ad caalami ah. Waxa uu ahaa sarkaal sare oo hay’addaas u qaabilsan xafiiska maamulka iyo maaliyadda (Admin and finance). Waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha ugu mushaharka fiican, waxa uu qaadan jiray lacag dhan $1200 bishii oo xaqiisa, fasaxyadiisa iyo caafimaadkiisu u dheer yihiin. Jimcaale waa aabe ka mas’uul ah saddex carruur ah iyo hooyadood oo ku nool magaaladda Hargeysa.

“Markii aan dhamaystay jaamacadda waxa aan bilaabay in aan iskay shaqo u raadsado, nasiib-wanaag markiiba waxa aan helay shaqo fiican oo aan heer hoose ka soo bilaabay, ilaa aan madax ka noqday xafiiska maamulka iyo xisaabaadka. Saddex iyo toban (13) sanno ayaan shaqaale ka ahaa hay’addaas oo ahayd kuwa gargaarka ee caalamiga ah. Hay’addii waxa ka dhammaaday lacagtii gargaarka ahayd ee ay ka helaysay dalalka gargaarka bixiya, dabadeedna mashruuci aanu ka shaqaynaynay wuu joogsaday,” ayuu yidhi Jimcaale.

Jimcaale waxa uu si lama filaan ah ugu dhacay shaqo la’aan. Waxa uu ka mid noqday boqolaalka dhallinyaro ee shaqo la’aantu hayso. Laakiin, waxa uu ka fekeray qorshe uu carruurtiisa iyo reerkiisa nolol-maalmeedkooda ku dabari karo inta uu shaqo fiican helayo.

“Muddo markii aan shaqo raadiyay, camal la’aanta jirta aan xammilwaayay, waxa ila qummanaan wayday in anniga oo intaas oo sanno shaqaysananayay, caafimaadna qaba aan iska fadhiyo. Sidaas awgeed waxa aan go’aan ku gaadhay in aan iibiyo baabuur aan lahaa oo ahaa nooca yaryar ee lagu raaxaysto, gaar ahaan nooca loo yaqaan 110 oo aan u awoodi waayay shanta litir ee shidaalka ahayd. Lacagtii uu ii gooyay waxa aan ku bedelay baabuurka yar yar ee Vitz-ta si aan masariifta reerka, shidaalka iyo baahiyahayga gaarka ah ugu debero. Alxamudillaah hadda waanigan wata ee ku shaqaynaya.”

Jimcaale oo dhoolla-cadaynayaa (aad ugu faraxsan shaqadiisa) waxa uu faahfaahin ka bixinayaa xaaladda suuqa, saacadaha uu shaqeeyo, lacagta soo gasha iyo sida uu u mareeyo iyo waliba waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin shaqo la’aanta, shaqadii hay’adda iyo shaqada uu hadda hayo (tagsiile), isaga oo ka diiwaangashan mid ka mid ah shirkadaha casriga ah taagaasida.

“Horta shaqadani shaqooyinka kale waxa ay kaga wanaagsan tahay xornimadda iyo dad kala duwan oo aad baranayso. Celcelis ahaan waxa aan maalintii u shaqeeyaa 15 ruux oo kala dano iyo kala masaafad leh. Marka aan qiyaaso celcelis ahaan 10,000 (toban kun oo shillin) ayaan ka qaada qofkii. Marmar way ka badataa. Ugu yaraan waxa maalintii i soo gala 150,000 (boqol iyo kunton kun oo shillin). 60,000 oo ka mid ah waan keydiyaa (saving), baaqiqa soo hadhay waa masaariif iyo shidaal. Xilliga aan doono ayaan rawaxaa oo aan hawlahayga gaarka ah, kuwa carruurtayda, xaaskayga iyo qaraabadda qabsadaa.”

Fiiro-gaar ah:

1.       Jimcaale – Maaha magaca dhabta ah ee tagsiilaha.

2.       Jimcaale waxa uu ka mid ahaa mid ka mid ah tagsiilayaasha Hargeysa ka shaqeeya oo uu qoraagu raacay maalin maalaha ka mid ah.

3.       Magaca hay’adda caalamiga ah ee uu Jimcaale ka shaqayn jiray waanu qarinay, sababta oo ah qoraagu ogolaansho kama helin in uu xusno.

Mustafe Adam

kibaaro@gmail.com

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.