rashid sulubjadka
Maqaalkan oo aan qoray 10 sanno hortood, ayaa waxaan haddana dareemay inay weli taagan tahay dhibaatada isticmaalka qaadku. Sidaa awgeed ayaan doorbiday inaan mar labaad akhristayaasha uga digo dhibaatooyinka qaadka iyo sida ay iskaga joojin karaan.
Isticmaalka qaadku waa dhibaato laxaad leh oo si guud u saamaysay bulshada Soomaalida, gaar ahaan raga oo 80% qabatimay cunista qaadka oo si weyn waxyeelo laxaad leh ugu gaysta caafimaadka iyo dhaqaalaha, arrintaas oo ah mid saamayn ku yeelatay inta badan qoysaska Soomaalida.
Waxyeellada caafimaad iyo dhaqaale ee qaadku ku hayo bulshada ragga, gaar ahaan dhalinyarada ka sokow, waxa uu qofka laasima u horseedaa fooxumooyin iyo fadeexado sharaf-dil ah oo muqayiliintu la kulmaan waqtiyada ay xaraaraysan yihiin iyo qayilaadda kadib, kuwaas oo inta badan ka dhex dhaca qaadlayaasha iyo dadka qabatimay cunistiisa, arrintaasi oo qofka u horseedda sharaf-dhac iyo sumcad-xumo qoomamo iyo murugo xannuun badan xambaarsan.
Haddaba, haddii aad jeceshahay inaad joojiso cunista qaadka si aad uga badbaaddo foolxumooyinkaas waxaanu akhristayaasha halkan uga soo gudbinaynaa talooyin muhiim ah oo si weyn uga caawin kara inay si fudud uga takhalusaan aafada qaad-cunista oo aan habayaraatee wax faa’iido ah u lahayn muqayiliinta, balse isticmaalkiisu kaliya xambaarsan yahay waxyeelooyin caafimaad iyo dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah.
Talooyinkan oo aan is leeyahay waxay aad u caawin doonaan dadka la qabsaday cunista geedka qaadka, oo ay u fududayn doonaan siyaabaha ugu habboon ee lagaga bixi karo xayndaabkiisa, islamarkaana talooyinkani waxay xambaarsan yihiin tusaalooyin iyo tallaabooyin kuu sahli kara inaad si fudud uga xuub-siibato bahda muqayiliinta, kuuna sahli kara inaad ku biirto bulshada caadiga ah ee xorriyadda ka qaatay gumaysiga cagaaran ee raggu ku hoos jiro, waxaanay yihiin sidan:
1. Marka hore waa inaad la timaad niyad dhab ah oo aad ku joojinayso qaadka cunistiisa.
2. Alle oo aad talo-saarato, islamarkaan barido inuu arrinta qaad-joojinta kaa caawiyo.
3. In aad la timaad go’aan adag oo ah gebi ahaanba inaad joojiso cunista qaadka, dibna aanad ugu noqon.
4. Isweydii marka hore, oo ogow sababta cunista qaadka kugu kalliftay, taasina waxay kuu sahli kartaa inaad joojiso qaadka.
5. Inaad la timaad qorshe dhammaystiran oo la xidhiidha joojinta cunista qaadka oo aad si weyn uga baaraan degtay.
6. Ku-talo-gelid mudasho dhibaatooyinka la xidhiidha ka bixidda qaadka isticmaalkiisa inta hore oo dhan.
7. La imaatinka yiddidiilo iyo rajo ah in aad ku guulaysanayso joojinta isticmaalka qaadka, taasi oo kuu horseedi doonta horumar iyo wanaag muuqda.
8. Xaqiiji inaad tahay dadka sida nooca si yar-yar wax u fuliya, marka ay timaad wax-joojinta ama go’aan qaadashadu ama aad tahay dadka mar kaliya wax joojiya, taasina qorshahaaga ayey caawin doontaa.
9. Maskaxdaada iyo dareenkaaga oo aad sii adkayso, una diyaariso in aanay u jixin-jixin ka-sii werwerka iyo cabsida tushuushka qaad-joojinta ku xeeran ee lagu yaqaan, kaana hor joogsan kara isticmaalkiisa.
10. Waa in aad xusuusnaataa maalinta, bisha, sannadka iyo goobta aad ku khatintay cunistiisa.
11. Aad ugu dedaal una joogtee cibaadada, taasi waxay kuu sahli doontaa kaana caawin doontaa inaad naftaadu xasilooni hesho.
12. Dib-u-eegid iyo sixid, haddii ay jireen qorshayaal iyo isku dayo hore oo aad doonaysay in aad qaadka ku joojiso oo hirgali waayey.
13. Talooyinka guuladarrooyinka keena ee xagga qaad-joojinta oo ay ka mid yihiin cayimidda maalmaha soocan sida sannadka cusub oo lala beegsado, dib-u-dhigidda go’aan qaadashada, cudurdaaro aynu ku maaweelino nafteena iska ilaali.
14. Waxa habboon inaad go’aankaaga qaad-joojinta u sii sheegto ama u tibaaxdo dadka aad ku xidhan tahay ee xidhiidhka dhow idinka dhexeeyo.
15. Ogsoonow in ay nafteenu dhibsato oo ay ka warwareegto isbeddelada qaarkood, gaar ahaan kuwa dantu ugu jirto.
16. La imaansho qoomamo iyo xusuus la xidhiidha dhibaatooyinkii qaadku kuu gaystay.
17. Ku talogal inaad ku dedaasho inaad nafta ka mashquuliso saacadihii aad qayili jirtay inta hore oo dhan.
18. La socod gaar ah ayaa loo baahan yahay inaad la timaad xagga miisaankaaga iyo hurdada, gaar ahaan inta hore oo dhan ee ay kaa baxayso daroogada qaadku.
19. Caadaysiga biyo badan oo aad cabto waxay kaa caawin kartaa wax weyn markasta.
20. Iska ilaalinta maalmaha hore oo dhan wixii ascaabtaada (lahbadda) kicinaya.
21. Haddiiba ay dhacdo inay si kedis ah xaalad kuugu timaad inaad dib u qayisho, waxa habboon inaad si deg-deg ah uga tagto meeshaas, waa haddii aanu xal kale jirin.
22. Waa inaad muddada hore oo dhan ka fogaataa ama ka werwereegtaa goobihii aad ku mirqaami jirtay, haddii ay suutogal tahay.
23. Socodka galabtii iyo fiidkii oo aad caadaysato aad iyo aad ayey kuu caawinayaan heerka hore ka bixidda cunista qaadka.
24. Waxa habboon inaad si sarraaxad leh uga hadasho marka iyo cidda ay ku habboon tahayba dhibaatooyinkii qaadku kuu gaystay muddadii qaadka cunistiisa aad laasimtay.
25. Iska ilaali khuraafaadka badan ee la yidhaahdo waxay caawiyaan qaad-joojinta sida xanjada la calaashado, dhir la isticmaalo dowooyinka I.W.M.
26. Maalmaha hore aad uga foojignow munaasabadaha farxadda leh ama kuwa murugada leh, kuwaasoo kugu riixi kara inaad dib u qayisho.
27. Waa inaad falowgeeda qabataa sidii aad uga fogaan lahayd saaxiibada xun iyo kuwa niyadda dadka ka dila.
28. Waxba ha is laabraacin qaddiyadaha soojireenka ah ee nolosheena la xidhiidha ee laga gudbo, si aanay naftu mar-marsiiyo uga helin.
29. Ku dedaal inaad saaxiibada aan qayin aad la dhaqanto waqtiyada hore ee aad ka baxdo xaydaabka qaad-cunista.
30. Waxaad maskaxda ku sawirataa inaad ka baxayso dalcad dheer oo aan dhayal lagaga bixi karay.
31. Saacaddii aad qaadka doonan jirtay waxay noqonaysaa maalmaha hore mid aad u adag, sidaa awgeed waa inaad nafta heegan galisaaa saacaddaas.
32. Waxa habboon beryaha hore oo dhan ee aad ka baxdo bahda muqayiliinta isbeddelada wanaagsan ee aad aragto ama dareento oo aad qaddariso kuna xisaabtanto ha yaraadaan ama ha weynaadaan.
33. Waxa mudan oo waxtar weyn keenaysa inaad naftaada xusuusiso dhibaatooyinka qaadku ku hayo bulshadeena guud ahaan iyo gaar ahaan kuna celcelisaa si qalbigu kuugu sii adkaado, oo aad xorriyad buuxda uga qaadato cunistiisa.
34. Waxa aad kuu caawin doona haddii aad hawlo samo-fal oo yar-yar aad bilowdo sida dadka xanuusanaya oo aanad haleeli jirin oo aad siyaarato, lacagtii qaadka oo aad badhkeed sadaqo u bixiso I.W.M.
35. Waa inaad xusuusataa sheekooyinkii mirqaanka cajiibka qabay ee ku soo maray kuna qososhaa ama se ka fekertaa waxna ku qaadataa kana sheekaysaa.
36. Ogsoonow waqtigan nolosha bulshadeenu sii adkaanayso khaladaadka ugu badan ee qaad-cunistu keento inay yihiin kuwo aan laga soo waaqsan karayn, waayo xilligan adduunku aad ayuu isku beddelay.
37. Ka feker oo u fiirso faraqa u dhexeeya dadka qaadka isticmaala iyo kuwa ka xoroobay qaad-cunista oo wax ku qaado.
38. ka xorow dhibaatooyinka qaadka inta sii daran oo ay ka mid yihiin qorshayaasha mirqaanka ee khatarta ah sida shaxaadka iyo keenta la caadaystay, caafimaadka oo sii nusqaama iyo hagrashada danaheena.
39. Isku day inaad magac yar u bixiso qaadka, kaasi oo aad ku xidhiidhiso waayo-aragnimadaada xagga qaad-cunista.
40. Haddii ay suurtoobayso waa inaad si uun u raaligaliso dadka qaddiyada geedka ku lug leh ee aad meel kaga dhacday ama isku maan-dhaafteen, taasina wanaag badan ayey soo kordhin doontaa.
41. Marka aad ka baxdo isticmaalka qaadka ka gudubka dhibqaatooyinkii kaa soo gaadhay qaarkood iyaga ayaa is xallin doona kuwo kale Alle ayaa kaa caawin doona kuwa soo hadhayna adiga ayaa lagaa rabaainaad si qorshaysan wax uga qabato.
42. Haddii aad ku guulaysato arrinta joojina cunista qaadka waxa waajib kugu ah inaad Alle uga mahad naqdo in badan.

W/Q:Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com Tel:0634426781