rashiid sulubQoraa: Rashiid Sulub Caalin
Waxaan ogsoonahay inay jiraan wakhtigan duruufo aad u adag oo xagga dhaqaalaha iyo maciishadda ah, haddana taasi loo dayn maayo in bulshada loo gudbiyo waxyaabo ay darsaan, maadaama ay jiraan maskaxo u baahan inay ku haraad baxaan lafa-gurka suugaanta. Soomaaliduna had iyo jeer wax bay isku cajiimaan, wax kastana waxay daba dhigaan qabyaalad iyo siyaasad ay ku fadhiisiyaan, laakiin kan wuu ka fog yahay arrimaas. Dhinaca kale, Rashiid ahaan kuma faanayo aqoon durugsan oo aan u leeyahay suugaanta Soomaalida, laakiin-se waxaan leeyahay waayo-aragnimo ku qotonta qodobka suugaanta Soomaalida, waxaanan soo dhowaynayaa wixii ra’yi ama aqoon ahaan lagu dari karo qormooyinkan.
Toddobaadkii hore waxaynu soo qaadanay maanso uu tiriyey Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), iyadoo aan u soo bandhigay dadweynaha inay darsaan. Taasi oo ibo-fur u ahayd qormadan oo todobaadle ah, iyadoo ay ujeedeeduna tahay in loo fiirsado, si fiicana loo dhugto suugaanteena qaniga ah ee mucjisooyinku ka buuxaan, gaar ahaan jiilkan cusub iyo kuwa dambe ee ay ka maqan tahay dhadhansiga iyo macaansiga suugaanteenu inay ka faa’iidaystaan.
Si taas loo gaadho waxaan u soo bandhigi doonaa haddii Alle yidhaah suugaan la darso, lana weydiiyo dadweynaha su’aalo muhiim ah oo khuseeya suugaanta. Qormadan toddobaadlaha ahna waxaan u bixiyey ‘lafa-gurka iyo fur-furista suugaanteenna ee saddexyo-tobanleey.’ Saddexyo-tobanlayduna waxa weeye in qormo kastaa ka kooban tahay 13 su’aalood oo la doonayo in dadweynuhu jawaabo ka bixiyaan, su’aalaha maantana waxaad ka dhex baadhi doontaa qeybta maansada xagga hoose ku qoran:
1. Sheeg abwaanka maansadan tiriyey magaciisa oo saddexan?
2. Sheeg wakhtiga iyo goobta uu ka tiriyey abwaanku maansadan?
3. Sheeg ujeeddada uu u tiriyey abwaanku?
4. Sheeg qaafiyadda qeybtan maansadu ay ku taagan tahay?
5. Sheeg inta beyd ee ay ka kooban tahay qeybtan maansadu?
6. Maxaa lagu yaqaanaa dhaqankeena culimo seexan wayday?
7. Sheeg sababta uu ugu soo hal-qabsaday culimada seexan wayday?
8. Sheeg tirada shaqallada dhaadheer ee ku jirta maansada laga soo qaatay gobalkan?
9. Waxaad sheegtaa waxa uu Alle abwaanku ka beryey iyo asluubta uu Alle ku baryey?
10. Sheeg waxa la isku seegay ee uu abwaanku ka dhawaajiyey?
11. Malo’awaalka abwaanka ee ku kallifay in la seefeeyey waranka iyo seefaha muxuu arkay?
12. a) Ka faalloo halkan uu leeyahay ‘sabbo adhigu daaqana samadaaba laga hele’ (b) muxuu u cuskaday saadaashaa fowqal-caqliga ee aan suurtogal ahayn halkii uu qabsan lahaa mid woxoogaa ka dhow?
13. Sheeg saddex macne oo ay leedahay kelmada uu abwaanku soo qaatey ee ah ‘saawa-saawaha’?
Qeybtii maansada laga faalloonayey
1. Sowtan la isa seegay, eela afeeyey seefaha.
2. Sowtan warankii sooyaan laga doonay samaydii.
3. Sowtan culimadii aanay seexanayn habeenkii.
4. Sabo adhigu daaqana samadaaba laga heli.
5. Rabboow saawa-saawaha naga samato saar.
6. Sida roon adaa oge noo sahal umuuraha.
Fiiro-gaar ah: Waxaan ka codsanayaa dadweynaha in barnaamijkan lafa-gurista iyo fur-furista suugaanta ee ujeedadiisa aynu kor ku soo xusnay jawaabaha su’aalaha ku soo diri karaan emailka: fatxisulub@gmail.com iyadoo shaqsiyaadka ugu soo hor jawaaba aynu ku soo bandhigi doono qormadan, isla markaana abaalmarin la siin doono cidii si fiican uga soo wada jawaabta.
Qoraa: Rashiid Sulub Caalin Email: Fatxisulub@gmail.com Tel:0634426781