rashiid sulubSaddexyo-tobanleey iyo wixii soo raaca oo khamiisle ah

Sidaan horeba u sheegnay waxaynu xagga hore kaga jirnaa mawduuceenii Lafa-gurka iyo Fur-furista Suugaanteena. Inagoo uga dan leh inaynu ku falllanqayno kagana doodno ama su’aalo iska waydiino qeybo ka mid ah badweynta suugaanta, si loo helo bulsho fahamsan kana dheregsan suugaanta iyo fahamkeeda, gaar ahaan dhalinyarada iyo faca soo koroya ee ay ku yar tahay dhadhansiga iyo dhugashada suugaanta abwaanadu tiriyaan ama ay soo tabiyaan.
Runtii cilmigu wuxuu ku dhex jiraa in la isku jirrabo su’aalo la is-waydiiyo, si maskaxdu u kobocdo, una fur-furanto, markaas annigoo taas ka duulaya, waxa inoo caada ah mawduucan inaynu is weydiino su’aalo, iyagoo noqon kara su’aalahaasi qaar ka soo dhex baxa tixda ama maansada qeybta laga soo qaatay, sidoo kalena waxay su’aaluhu noqon karaan inta ay doonaan.
Waxaan ka cudur-daaranayaa in aanay jirin wax ujeeddo siyaasadeed ama mid qof-ku-xumayn ah oo aan uga dan leeyahay barnaamijkan, laakiin waa kaliya dadka maskaxdoodu caafimaadka qabaa inay calaaliyaan suugaanta. Haddii aad wax macluumaad ah ku darsanayso ama aad fikrad ka qabto waxaad ku soo diri kartaa emailka hoos ku qoran
Khamiista maanta iyo maansada la gorfaynayo
Ergaduu farriintiyo ku adkeeyey heestee, igmadaanu kulanoo
1. Looxii ilhaankaan sida uurku baalaha, indhahayga saaroo
2. Warku waa ammaanee, adna Maxamed Moogoow i
3. Aakhiro halkay tahay Cabdi-qays ogaysii
4. Aayadaha Qur’aankiyo Al-Raxmaan siday tidhi
5. Aayadaha Ilaahay, ruuxii islaam ah sida uu aqoonsaday
6. Waa oomman hawdoo, waa guri abeesoo
7. Edeg weeye hoosoo, abataqa ku yaalloo, waa iil madooboo
8. Rabbigay addoomaha kaga aargutaayoo
9. Waxa laga arooraa iridaha xabaashoo,
10. amban maayo ruuxii qabri lagu adkeeyaa
11. marna oosha guudkiyo waa oogadeenoo,
12. waa beer udgooniyo duni wada ilaysoo
13. Waa ceel irmaaniyo togag wada ordaayoo
14. Ilo wada xareedoo lagu oon baxaayoo
15. Naftu eegmo sugashada ashqaraar ka qaaddoo
16. Toddobaatan ooryood laguu aqal galaayoo
17. Rabbigay addoomaha ku abaal marshaayoo dhibta lagu ilaabaa
18. Af-hayaha barbaartoow, ababshaha dhallaankoow
19. Taliyaha abwaankoow, aabbaha jacaylkoow
20. Adigoon ogaynbaan uurkaaga baadhoo
21. Ula jeedadaadaan ka arkaa dhul dheeroo
22. Arrinkaagu Qaysoow af gobaadsi weeyaan
23. Aakhiro Cabdoow way aasan tahay, iilkay jirtaa
24. Aakhiro Cabdoow ambatoo luntoo, ururkiyo laxaha
25. Awrkii cikray ku ag xidhan tahee dadku yuu ku eedayn
26. Ha dhex galin umuuraha, isha xidho afkana dhowr,
27. Arag maqal warkana ood
Su’aalaha maansada
1. Sheeg abwaanka tiriyey Maansadan?
2. Sheeg wakhtiga uu tiriyey?
3. Sheeg goobta uu joogay marka uu tirinayey abwaanku?
4. Sheeg abwaanku ammaanta uu u jeediyey Cabdi Qays waxa uu ku fadhiisiyey hab raaceeda/
5. Muxuu abwaanku ku fadhiisiyey mala’awaalkiisa iyo sirta uu sheegay inuu uurkiisa baadhay?
6. Muxuu abwaanku ka dhex sawirtay waxan uu mala’awaalay?
7. Sheeg ujeedada uu ka dhex arkay maansada uu ka jawaabayey abwaanku?
8. Aqoonta iyo garashada ay labada abwaan isku lahaayeen intay gaadhsiisnayd, maadaama uu sheegay inuu meel dheer ka arko?
9. Af-gobaadsiga uu abwaanku sheegay muxuu ugala jeeday?
10. Sheeg beydadka qarsoon ee ku dhex jira maansada ee laga daalacan karo xaqiiqooyin ku qarsoon?
11. Muxuu ugala jeeday ama uu ugu soo hal qabsaday abwaanku sifaha uu aakhiro u adeegsaday ee ah ‘aakhiro ambatoo luntoo urukiyo laxaha, awrkii cirkay ku ag-xidhantahee’?
12. Bilowga silsiladan ma jiraan wax bulshada loo bidhaamiyey oo ka dhex muuqday?
13. Tixdani maxay ibo-fur u noqotay baa la odhan karaa?
14. Sheeg halka ay iska seeggan yihiin labada abwaan?
15. Wakhtigaa sidee dadweynuhu u arkayey?
16. Ilaa imika sidee dadku u fahmay silsiladan?
17. Digniinaha uu u jeediyey abwaanka muxuu arkayey ee uu ula jeeday?
18. Da’dii wakhtiga silsiladu socotay joogay intay kula tahay inay si fiican u maqashay?
19. Fikir ahaan Cabdi Qays iyo abwaanka maansadan tiriyey islamay jaan-qaadin sheeg sababta?
20. Miyaad mala’awaali kartaa qiyaasta ama saamaynta ay ku yeelatay bulsashadeena?
21. Sifaha uu ku macneeyey aakhiro iyo jannada ma ku raacsan tahay abwaanka sheeg sababta?
22. Muxuu ku aaminay Maxamed Mooge abwaanku?
23. Suurrada Al-raxmaan muxuu si gaar ugu hal-qabsaday?
24. Haddii lagu yidhaa sidan uga jawaab celi hees ma ku dhiiran kari lahayd ama maxaad yeeli lahayd?
25. Ma rumaysan tahay hadalka Cabdi Qays ku celceliyo ee uu yidhaahdo ‘ulamaan jeedin siyaasad ee waxaan tiriyey markii hore hees ka hadlaysa adduunyada markaasaan aakhirana ka hadlay?
26. Abwaanka maansadan tiriyey wuxuu sheegaa inuu ula jeeday inuu ku daandaadsado kacaankii markaa jiray, markaa ma dariiqii ugu haboonaa ayuu maray mise dariiqyo ka fududaa ayaa jiray sheeg sababta?
27.
28. Siduu uga jawaabay kacaankii wakhtigaa jiray daandaansiga abwaanka maansada tiriyey?
29. Da’adan dambe maansooyinka silsiladan ma dhugtaan mise ma dhugtaan sheeg sababta?
30. Ka soo saar ujeedooyin aad is leedahay way ka dahsoon yihiin bulshada?
Fiiro-gaara: waxaan ka codsanayaa dadweynaha in barnaamijkan lafa-gurista iyo fur-furista suugaanta ee ujeedadiisa aynu kor ku soo xusnay jawaabaha su’aalaha kusoo diri kartaa emailka: fatxisulub@gmail.com laakiin lama ogola telefoon, waxaana la siin doonaa qofka si saxa uga wada jawaaba abaal-marin.