Qormo Muhiim ah: Nafaqaynta Garaadka iyo Kobcinta Maskaxda Ubadkeenna
Qoraa: Axmedyaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre
Waqtiga is-gurayaa hal lagu daro mooyee, hal laga gooyo ma leh, anna laba daran mid dooraa isku kay barbaryaal, in aan hoos u guuxo iyo inaan gocoshadayda cod dheer ku sheego, ku darsoo humaaga qallinkayguna weli waa gubaabiyo yididiilo nololeed.
Wacyigalinta bulshada iyo horumarinta hilinka halganka nolosha toosan waxay mudantahay in waqti iyo tamarba la galiyo, si loo badbaadiyo dhammaan baahiyaha dadwaynaha iyo toosinta jihada wanaagsan ee ummaddan gaadhsiin karta rayn-rayn iyo barwaaqo. In sidoo kale ubadkeena ogaano xili kasta qaabka ay u fikirayaan.
Marxaladaha bulshadeennu waqtigan ku sugan yihiin waa xaalado qiimahoodu hooseeyo, yar iyo wayn waxay ka siman yihiin aaminsanaanta fikrado isku mid ah marka aad eegto baraha internet-ka ee dadku ku xidhiidhaan waxaad arkaysaa in ilmaha yar ee dhawr iyo toban jirka ah iyo qofka wayni ay u isticmaalayaan, una soo bandhigeen si isku mid ah sawiro, erayo xanaf leh, heeso, habayaraatee ma jiraan afkaar iyo mabaadii la falanqeeyo oo faa’iido leh, mana jiraan kala duwanaanshiyo da’eed oo leh afkaar kala duwan, taasoo ka dhigan in ilmaha yar da’da oo u korodha mooyee garaad u kordhayn haddii sidan lagu sii jiro. Abwaan Gaariye, Allaah ha u naxariistee wuxuu yidhi;
Haddaan gugii kuu kordhaa
Gabow mooyee kuu tarin
Garaad iyo waayo-arag
Ileen wax ma dhaantid geed.
Adduunku wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah;
• Qolo la yaaban waxa adduunka ka dhacaya
• Qolo daawanaysa waxaa ka socda adduunka
• Qolo iyagu ka danbaysa afkaarta adduunku ku shaqaynayo
Heerarkaas kala duwan ee fahankooduna waa kaaf iyo kala dheeri, camalkooduna wuxuu suurtagaliyaa sida wax u aaminsanyahay.
Aasaaska dhismaha garaadku wuxuu salka ku hayaa deegaanka ku xeeran (Enviroment) kaa soo bilawga ilmaha yar garaadkiisu ku koro hoyga uu ku dhashay iyo iskuulka wax ka barto.
Garaadka amma maskaxda bani’aadanka fahankeeda amma maskaxda wanaagsan maaha mid loo dhasho oo kaliya, balse waxaan si faahfaahsan u fasiri doonaa maxaa sababa maskaxda wanaagsan. Maskaxdu waa sida muruqa oo kale, marka muruqa jidhku jimicsi helo wuu waynaadaa, sidoo kale culimada saynisku waxay odhanayaan maskaxdu waxay ku kortaa marka aad waxgashato oo la micna ah inaad waxbarato, akhrido, qorto, baadho. Sidoo kale saynisyahannadu waxay tusaale fiican u soo qaataan maskaxda xayawaanka. Laba ay (two dogs) ayaa midna ku xidheen makhsin cidlo ah, kii kalena waxaa la dhexgeeyay dad iyo carruur, waxaana natiijadii heleen in kii dadka dhex joogay ay maskaxdiisii kortay oo xiitaa ku dhawaaday inuu sida dadka u fikiro, halka kii kalena maskaxdiisii halkii taagnaato.

Waxaa maskaxda loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah; Maskaxda taagan (fixed mind) iyo Maskaxda furan amma korta (growth mind)
1- Maskaxda taagan (fixed mind):- Waa xaalad maskaxdu aaminsantahay in noloshu caqabadaha hortaagan adag yihiin, in xal loo helana aanay dhici karin, astaamaha ay aaminsan yihiin dadka maskaxdoodu taagan tahay waa sidan:-
 In noloshu nasiib iska tahay dhammaanteen si aanay iskugu hawlin
 Cabbirkooda fikir oo ah mid dhinaca khaladka wax ka fahanta
 In nolosha caadaystaan khiyaamo, sida waqtiga waxbarashada lagu jiro in aanay isku hawlin sidii ay wax u akhrisan lahaayeen, uguna tallo galaan khiyaamo(Cheating)
 Waxay ka soo horjeedaan kartida, dedaalka iyo halganka oo ay ka doorbidaan in ka hawl-gabaan
 Isdifaac adduunka wax wayn maaha, sidoo kale daawadayaal ayay adduunka ka noqdaan
 Eedayn cid kale oo sabab uga dhigaan dib-u-dhaca noloshooda
2- Maskaxda korta (Growth mind)
Aaminsanaanta waxkasta oo adag in la galiyo dedaal, lana koriyo maskaxda si waayo- aragnimo iyo khibrad loo helo, waxaanay dadka noocan ah aaminsanyihiin sidan;
 In awood iyo caqliba ay galiyaan sidii loo heli lahaa xuluul lagaga gudbo xaaladaha adag
 Waxay ka faa’iidaystaan khaladaadkii dhacay si mar labaad aanay ugu dhicin
 Dhanka wanaagsan oo wax ka eegaan
 In nolosha ay wajahaan caqabadaheega, cabsida na meesha ka saaraan
Haddaba, labadan marxaladood aasaaskeeda wuxuu khuseeyaa deegaanka ku xeeran iyo waalidka hooyada iyo aabaha barbaarintooda, waalidku waxay aasaas u yihiin ilmaha iyo horumarinta korinta maskaxda iyo dib-u-dhiciisaba, waalidku waa hoyga barbaarinta amma (data) lagaga shubo ubadka maskaxdooda, waxaanay carruurtu adduunka yimaadaan, iyagoo caqliga iyo jidhkuba qaawan yihiin, ilmuhuna halkaas loogu xidhaa hugii sidoo kale ilmuhu wuxuu wax ka bartaa waalidkiisa iyo inta ku xeeran intii uu ka arko amma ka maqlo.
Waxa taariikhdu xustaa hooyooyin dhiiran oo soo saaray maskaxa adduunkan ugu saamaynta badnaa.
Imaamu shaafici
Waxa uu ahaa wiil yar oo sabool ah, kuna dhashay magaalada Qaza oo ah meel ka fog deegaankiisa amma ehelkiisa, aabihiina wuxuu dhintay isagoo caloosha hooyadii ku jira, wiilka yari wuxuu ku koray nolol faqiir ah, balse hooyadii ayaa ahayd hooyo kalsooni badan ku jirto oo ilmaheeda ugu tallogashay in uu adduunkan wax ka noqdo, waxayna dib ugu soo celisay magaaladii uu dhashay ee Makka al-Mukarama, halkaas oo ay ku dartay malcaamadii u horaysay, macallinkaasina wuxuu ugu dhigi jiray bilaash, maadaama uu sabool ahaa, wuxuunna qur’aanka ku xiftiyay isagoo 10 jir ah.
Waxaa la weydiiyay sideebaad ugu dedaashaa inaad waxbarato? Wuxuu yidhi; ‘sida nin bakhayl ah ugu dedaalo inuu xoolihiisa haysto.’ Waxaa kaloo la weydiiyay sideebaad u raadisaa inaad waxbarato? Waxannu yidhi; ‘waxaan u raadiyaa sidii hooyo madi ahi ilmaheedii oo ka lumay u raadsan lahayd.’
Isagoo 15 sanno jir ayaa Imaamu Muslim Binu Khaalid wuxuu ku yidhi; ‘Shaaficiyoow, waxaad gaadhay xad muftinimo.’
Qisada labaad ee mawduucan la xidhiidhaa oo tusaale cad u ah in waalidku qayb wayn ka qaataan dhismaha maskaxda wanaagsan ee ikhtiraaci karta afkaar tayo leh, waxa aynu ku soo qaadan doonaa ninkii la odhan jiray Tomas Edison, kaasoo ahaa wiil faqiir ah oo waxbarashadu ku adagtahay, wuxuu macallinkiisu ku horcaayi jiray ardayda horteeda ilaa maalintii dambe uu macallinkii u tagay hooyadii dhashay Edison, waxaannu ku yidhi; ‘inankaagu waa saaqid, carruurta ayaanu iga saaqidinayaa mar danbe iskuulka yaanu iga iman.’
Hooyadii way xanaaqday, waxaanay ku adkaysatay wiilkaygu maaha saaqid, waxay go’aan ku gaadhay inay guriga wax ku barto, halkaas ayuuna ku qaatay waxbarashadisii aasaasiga ahayd, isagoo akhriyay buuggaag saynis ah, gurigana dhexdiisa wuxuu ka samaystay Laab (laboratory), wax ku baadho sannad-guuradiisii 10aad wuxuu aabihii u keenay haddiyad buug saynis ah, wuxuuna buugaas ka helay macluumaad fara badan, ugu danbayntii wuxuu noqday ninkii ugu ikhtiraaca badnaa adduunka, kaasoo soo kordhiyey 1,093 fikradood oo uu abuuray, kuwaas oo wax badan ka beddelay nolosha dadka bani’aadamka ah, iyadoo figradihiisa uu curiyey ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa sawirrada kamaradaha (the motion picture camera), laambadda laydhka iyo ikhtiraacyo badan oo kale.
Gabagabadii, dib-u-dhiska dhallinyarteenu waxay ku xidhan innaga oo u jeexna wado wanaagsan.
1- La socodka ubadka: Waa in ilmaheena ogaanaa waxa uu ku sugan yahay, lala sheekaysto, waqtina siino
2- Waa in cabsida laga saaro ilmaha, lana baraa dhiiranaanta kalsoonida, sidoo kale waalidku u noqdaa ubadkiisa u noqdaa hal-door uu ku daydo
3- Waa in manhajka waxbarasho macallinka iyo iskuulkuba noqdaa meel mustaqbal wanaagsan u leh da’yarta
Qoraa: Axmedyaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre
Hargeysa/ Somaliland