Qallinkii Nimco Baashe Cabdi


Saacadu waa goor habeenimo ah, wuu gudayaa ama guura galayaa, waa dayday baadi ayuu raadinayaa, maanta oo dhan ayuu raad ku soo daba jiray, wuu daalay shaacii markuu madoobaadayna waxaa ka lumay raadkii, wuu iska socday isagoo u jihaysan dhankii raadku ula soo kacay, goor caweys sheeg ah ayuu ku soo baxay jees meel dagan, waa goor ay dadku hurdo u diyaar garoobeen, waxaana qof walba isku diyaariyay halkii uu dhinaca dhulka dhigaayay, waa reer geelu ka maqan yahay oo ma jiro ardaa ay nimanku seexdaan waana cidla ardaagii reerku, balse odaygii reerku wuxuu seexday guriga madaama oo uuna ardaaga cid joogin geeli loo seexan jirayna uu maqan yahay.
Markii uu soo gaadhay reerkii ayuu salaan ka dib waydiiyay wax baadi ah oo ku soo darsamay xoolohooda siiba geella, maadaama oo uu raadinaayay awr, balse waxaa loo sheegay in ayna arag iyagana uu ka maqan yahay geellii. Caw ayaa la siiyay waxaana loo sheegay inuu halkaa aqal Soomaaliga dhiniciisa seexdo, madaama oo ay xili dambe tahay oo uuna xiligan sii wadi karin baadida uu ilaa maanta soo baadi goobayay, wuu u diyaar garoobay inuu seexdo, wuxuuna rajeynaayay inuu hurdo dheer galo, maadaama oo uu ilaa maanta socday, daal ayuu bastii la ahaa, wuxuuse dareemaayaay gaajo xoog ah, maadaama oo uu ilaa maanta socday, biyo uu caagad yar oo garabka u sudhnayd uu ku sitay mooyaane calooshiisa wax kale may galin.
Reerkan uu martida u yahay waa reer barri hore ku kala tuuray cashadoodii, dadkaa kala garasho roone iyaguna may garan martida bal wax u raadiya isaguna illeen waa nin marti ahe muu odhan wax I siiya. Waa sidii ahayd “xabaal iyo ninkii loo kala tagye” waxaa loo kala tagay ninkii martida ahaa iyo gogoshiisii is rog rog iyo xamaarasho ninkii wuu gam’I waayay, waayo soomaalida ayaa hore u tidhi “Halka laga gam’aa waa caloosha”. Wuu fikiray, wuxuuna ka fikir sidii uu u keeni lahaa fikrad uu wax uu cuno ku helo, wax badan markuu maskaxdii ka shaqeysiiyay ayuu ugu dambeyntii fikir la yaableh keenay, wuxuuna ka fikiray, maadaama oo uu imminka waagii soo dhow yahay sidii uu barri cunto wanaagsan u heli lahaa, maadaama oo marka waagu baryo uu baadi-doonkiisii halkii kasii bilaabayo.
Wuu kacay, wuxuuna dhex galay xeradii reerka adhigoodu ku xaraysnaa, indhaha ayuu wada mariyay, wuxuuna qoorta soo qabtay orgi aan ahayn kii adhiga laga eeganayay, balse ka mida ahminka ugu shilis xoolaha, bannaanka ayuu u soo saaray, wuxuuna ula soo baxay toori sinta u sudhnayd, wuu bireeyay.
Waxyar kadib ayuu reerkii toosiyay, maadaama oo waagu iska waaberi ahaa, balse ayna cadceedii godkeeda ka soo hayaamin, odaygii reerka ayaa soo baxay, wuxuuna u sheegay inay wax la yaab leh dheceen intii ay hurdeen, odaygii ayaa yaabay oo yidhi; “maxaa dhacay?
Ilayn waa nin soo fikiray oo wuxuu odhan lahaa diyaarsadaye wuxuu hadalkii ku bilaabay, “Annigoo hurdo halkii u wacnayd ku jira uun sownigii maqlay jaqaaqda iyo buquuqda ka dhex baxaysa xerada adhiga dhexdeeda, waan yaabay oo waxaan is idhi tollow maxaa xoolaha helay? Waanba soo kacay, mise waaba waraabe adhiga neef ka soo dhex jiidaya waaniga isu kala jiiday ee waraabihii neefkii ka riday nasiib xumo neefkii waxaan arkay isagoo nafti dirqi ku hayso oo u muuqda mid aan wakhti badan sii noolaanayn si uu neefku u noqon mid cidla ku bakhtiya ayaan bireeyay.”
Odaygii wuu farxay, wuxuuna ka helay inuu ninkan martida ahi uu xoolihii waraabaha uga badbaadiyay, neefkiina una bakhti noqon balse uu u gawracay, wuu u mahadceliyay ninkii martida ahaa, wuxuuna reerka ku amray in neefka degdeg loo kariyo, ninka martida ahna quraac hagaagsan loo sameeyo, maadaama oo uu baadi-doon yahay oo uu sii soconayo, Xariifkani ilayn waa intuu rabaye, waxaa loo sameeyay quraac beer iyo kelyo iskuugu jirta, waxaana loo sii duubay dhawr wasladood oo soolan caagadii uu sitayna biyo ayuu ka sii buuxsaday, wuxuuna halkaa ka sii amba qaaday socdaalkiisii.
Nimco Baashe Cabdi
Caashaqa555@gmail.com
Hargeysa