Qalinka: Axmed Cisman Batuun

Waa saxafi ka hawlgala caasimadda Somaliland, wuxuu ka mid yahay da’yarta ku soo jiray mihnadda saxaafadda muddo dheer, wuxuu ku soo shaqeeyay duruufo kala duwan, isagoo marar badan la kulmay caqabado shaqo iyo kuwo shakhsi. Waxa la isku raacsan yahay inuu ka mid yahay weriyeyaasha lagu yaqaan akhlaaq-wanaagga iyo odaynimada da’diisa iyo hab-dhaqan bulshadu aanay dhibsan.
Waqtigan wuxuu u jiifaa Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa xannuun uu muddo la soo halgamayay oo soo ritay, iyadoo xaaladdiisa aanay wax badani iska beddelin ilaa xiligii la soo dhigay cusbitaalka, isla markaana bahda caafimaadku ay la tacaalayaan xaaladdiisa.
Saxaafaddu waxay ka mid tahay tiirarka haga nolosha bulshooyinka ee dhinacyada horumarka iyo jihaynta, sidoo kale waa mihnad u baahan taageero in ay ka hesho dawladnimada, iyadoo la waafajinayo xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah, hase ahaatee duruufo kala duwan oo ay ka mid yihiin sida dhaqaale yaraan iyo duruufo kale oo jira awgood, saxaafadda Somaliland ma hesho taageero gudaha ah oo buuran marka laga hadlayo dhinaca dhaqaalaha, sidoo kale ma jiraan ilo gacan siiya oo dibadeed, sida ururo caalami ah, taasoo qayb ka ah aqoonsi la’aanta dalka Somaliland.
Hasayeeshee, Saxaafadda Somaliland taas beddelkeeda waxay ka mid tahay mihnad ahaan iyo mihnadleyaalba kuwa xorta ah ee aan la kulmin cabbudhin, cadaadis iyo bah-dilaado joogto ah oo kaga yimaadda dhinaca dawladda, waxayna haystaan madaxbannaani shaqo oo buuxda oo aan lahayn wax faaf-reeb ah oo dowladdu ku samayso wararka iyo macluumaadyada ay saxaafaddu u baahiso bulshada.
Geesta kalena, waxaa dalka ka jira hal urur saxaafadeed oo ah ka keliya ee sharci ah, dawladuna aqoonsantahay, isla markaana metela saxaafadda Somaliland, sidaas oo ay tahay, haddana ma jirto awood uu ku caawiyo saxaafadda iyo suxufiiyiinta, taasoo loo aanaynayo duruufaha aynu sare ku soo xusnay oo uu qaarkood kala simmanyahay dalka intiisa kale iyo habacsannaan ururka laftiisa la degtay.
Iskusoo wada duub oo weriye KHADAR MACALLIN DEEQ oo waqtigan xaaladdiisa caafimaad ay culus tahay, waxaa xilkasnimo iyo dedaal dheeraad ah muujiyay oo aan aad u ammaanayaa suxufiyiinta Somaliland oo isku duuban iyagoo si geesinimo iyo kalsooni leh ugu gurmaday weriyahan u jiifa xaaladda caafimaad, isla markaana abuuray guddiyo ka hawlgala arrintiisa, dhaqaale ahaan, farsamo ahaan iyo dhinacyada kale ee abaabulka iyo la socodka xaaladdiisa guudba, taasoo ah dedaal bar-bilaw ah oo ay bahda saxaafadda Somaliland u qaadeen dhinaca iscaawinta iyo iska war-hayntooda guud, anigoo ku talinaya in dedaalkaas la sii ballaadhiyo, lana joogteeyo oo aan lagu koobin oo qudha in laga shaqeeyo, laguna koobnaado xaaladda caafimaad ee suxufi Khadar Macallin Deeq, kadibna aan hadhaw hawsha halkaas lagaga hadhin.
Sidaasi darteed, waxaan kula talinayaa Xukuumadda Somaliland inay qayb ka qaadato taageerada saxafigan ku jira xaaladda adag ee caafimaad, sidoo kale ehelka warbaahinta, mulkiileyaasha, hay’adaha warbaahineed, xeel-dheereyaasha saxaafadda, axsaabta qaranka iyo cid kasta jecel horumarka iyo taabo-qaadka saxaafadda dalka, waxaan ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan sidii dhakhtar dibadeed loogu diri lahaa weriye Khadar Macallin oo u jiifa Cusbitaalka guud ee Hargeysa xannuun waqti badan uu la tacaalayay, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu caafimaad sareecan ah siiyo suxufi Khadar Macallin Deeq iyo dadweynaha kale ee xaaladaha caafimaad u jiifa cusbitaallada kala duwan ee dalka Somaliland.
Qalinka: Axmed Cisman Batuun, Hargeysa, Somaliland.