omar abdirashiidRaysal wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid oo xilkaa loo magcaabay dhamaadkii Desember 2014, ee sanadkii tegey ayaa ku guuldaraystay inuu soo dhiso xukuumaddii uu balanqaaday inuu ku dhawaaqi doono markii xilkaa loo dhaariyay muddo haatan laga joogo sadex todobaad.
Ma cadda sababta uu Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid ugu dhawaaqi layahay xukuumadda laga filayay oo sida uu waqtigaa sheegay ku sifeeyay mid kooban oo wax ka qabanay arrimaha musuq-maasuqa iyo dhinaca amniga.
Hase yeeshee waxa jira xoggo iyo macluumaad la xidhiidha sababta ilaa waqtigan ay u qaadatay dhismaha xukuumadda cusub eek u keenay dib u dhaca, waxaana jira tibaaxo la xidhiidha xoggahaa oo sheegaya inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha cusub oo la xidhiidha xubnaha ka qaybgelaya xukuumadda cusub, iyadoo liiska Raysal Wasaare Cumar sito iyo Liiska Madaxweyne Xasan Sheekh si weyn u kala fog yihiin, taas oo lala xidhiidhiyay inay tahay sababta ugu weyn ee ilaa waqtigan ay u qaadatay in lagu dhawaaqo xukuumadda cusub ee Somalia.
Tibaaxaha ayaa tilmaamaya in Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ku saleeyay Liiska golaha wasiiradda ee cusub ee uu qorshaystay inuu ku dhawaaqo, isagoo ku raali gelinaya siyaasada uu xanbaarsanyahay ee reer galbeedka, taas oo ah inuu fuliyo ujeedadii loo magcaabay oo salka ku haysa loolanka wadamada ku hirdama siyaasada Somalia, gaar ahaan garabka xulufada Maraykanka iyo Ethiopia, balse waxa qorshaa ganafka ku dhuftay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhega nugul fulinta siyaasada Dawlada Qadar oo mudooyinkan danbe hormood u noqotay loolanka siyaasada Somalia, iyadoo fursad ka heshay is bedeladii iyo kacdoonadii wiiqay siiyasada Masar ee sanadii u danbeeyay iyo xiligii ay Ethiopia ku mashquulsanayd xaalada geeridii hoggaamiyohoodii dhintay Atto Males Zanawi oo geeriyooday mudadii ay socotay doorashada Baarlamaanka Somalia iyo Xukuumadda uu Madaxweynaha ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud Sep 2012, waxayna arrimahaasi sababeen guusha Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Daamul Jadiid inay talada gacanta ku dhigaan, isla markaana awood iyo xidido adag ku yeeshaan Baarlamaanka.
Xubo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa saacadihii lasoo dhafay shaaciyay baaq ay Raysal Wasaaraha ugu sheegayaan in aanu xukuumaddi hore waxba kaga soo darin liiska golihiisa wasiirada cusub ee laga sugayo, waxayna dhawaaqyada nooca ahi sii iftiimiyeen inuu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha cusub oo salka ku haya dhismaha xukuumadda cusub, balse Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa doonaya in xubno ka mid ah kooxdiisa oo ahaa kuwii galaaftay Raysal wasaarihii la eryay Desember 2014, Cabdiweli Sheekh, kaas oo khilaafka isaga Madaxweyne Xasan Sheekh oo jiitamayay debeda usoo baxay markii uu isku bedel ku sameeyay xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda oo Madaxweyne Xasan Sheekh si badheedha ah u diiday, waxayna ugu danbayntii galaafatay Raysal wasaare Cabdiweli oo uu xilkiisa ku waayay.
Waxa kale oo tibaaxaha iyo xoggaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo shalay shirk u lahaa Muqdisho kala hadleen Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha khilaafka durba ay isku maandhaafeen dhismaha xukuumadda cusub, isla markaana si dhaqso ah loo magcaabo dhismaha xukuumadda iyo masuuliyiinta Hay’addaha dawlada si aanay arrimaha dib u dhaca iyo khilaafku u lumin rajadii iyo yididiiladii beesha caalamka iyo higsiga sanadka 2016, ee Somalia loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyin xor ah oo horseeda mustaqbal iyo horumar ay bulshada Soomaaliyeed gaadho si ay uga baxdo fawdada iyo collaadaha ragaadiyay.
Ujeedada xubnaha wasiiradda ka socday IGAD ugu qabteen shirka Muqdisho, ayaa lala xidhiidhiyay furdaaminta arrintaa oo la diidayo inay durba dibadda usoo baxdo iyo in rayal caamka bulshada lagu jeediyo shir saacado yar socday oo lagu qabtay Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena mala awaal ay u ahayd arrimaha dhinaca amaanka oo muddooyinkii u danbeeyay weeraro, qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka socdeen Muqdisho oo ay fulinayeen Al-shabaab ka socdeen Muqdisho, kuwaas oo weerarada qaarkood ahaayeen kuwo xarumaha dawlada iyo goobaha Ciidamada AMISOM si toos ah loogu waajahay, isla markaana dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqatay markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh dhawr todobad ka hor u magcaabayo Raysal Wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid in aanay arrimuhu sidaa ahaanayn oo haddii uu go’aanka u danbeeya ee Madaxweyne Xasan Sheekh noqdo inuu raysal wasaare u magcaabo Cumar Cabdirashid u magcaabo xilkaa in macneheedu noqonayo inuu soohanayo xadhigii uu isku del-deli lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana muuqatay inay iska cadayd saadaasha laga bxiinayay ee ahayd sida ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dabada ku haya siyaasado kala duwan isula jaan-qaadayaan, isla markaana wax baddan kala caddaanayaan marka Raysal wasaaraha cusub soo dhiso dawladiisa.
Saadaashii waqtigaa laga bixiyay waqtigaa halkan ka akhri Riix
By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Araweelonews Mobile
Jaamac132@gmail.com