Bishu waa March-ta aynu ku jirno 20-keedii bartu waa baradii Hargeysa iyo beledkii heelada ku caan-baxay, beegsigaygu wuxuu ahaa bar cibaado iyo boqcada uu illaahay ujecel yahay aduunka waa Masjidkee, iyadoo ay ujeedadaydu ahayd in aan ku soo Tukado Salaada Maqrib.

Goor -sheegto waxay ahayd lixdii iyo dhawr daqiiqo dhawaqa Eedaanka salaada Maqrib ayaa dhammaan Masaajidadu ay isku dareen, iyadoo goobta uu Masaajidka aan ku sii jeeday ee aan beegsanay in aan salaad Maqrib ku Tukado uu iga durugsanaa,waxaanu jidka ku kullanay iskuna sii lug-darnay, wiil yar oo dhalinyaro ah oo aanu is garanay, waxaanu wiilkii bariido ka timi uu ii sheegay in uu ku socdo isla Masaajidka aan ku socday, waxaanu ii sheegay inuu kitaabo diini ah uu ka dhigto, dadku wuu wadda ordayaa Masaajidada ayuu ku wadda socdaa Rag iyo Dumar-ba, waana dhaqanka fiican ee lagu yaqaan bulshada reer Somaliland in xilyada salaada la camiro masaajidada.
Boqcadii aan beegsanayey ee barakaysnay waan usoo dhawaaday, iyadoo aan soo gaadhay jid yar oo xidhiidh ah oo Masaajidka loo maro, jidkii yaraa ee cidhiidhiga ahaa waxaanu haynoba anniga iyo wiilkii iyo waxaan na horscad koox culimo ah oo sita shandado yar yar oo ay kitaabo iyo buugaa ku jireen, culimadii na horsocotay mar qudha ayey soo dideen oo ay dib usoo wadda jeesteen, wey guclanayaan, isla markaana hoosta ayey ka guuxayeen, Su’aal ayaan wey diiyey “waar maxaa dhacay ma jidka ayaa la xidhay? wax jawaaba imaysiin aan ahayn walaal dib uga soo noqda meesha oo xagaa kale aynu ka wareegno ee in keena, iyago qaar kamid ahi dib ayey u laabteen, halka qaarna ay nasoo daba-geleen, iyagoo hoos u foora oo aan madax kor u qaadayn, isla markaana hoos u guuxaya oo gunuunucaya.

Socodkayagii sii waddanay Waxa i garab socday masuul dowalada KULMIYE xilka haya, wuxuu igu yidhi kuwan waxba haka maqlin ee ina socodsii aan salaada gaadh-nee, wax yar markii aanu soconay annigoo leh maxay ka soo yacaa oo hareeraha gidaarka eegayna, ayaa waxaanu si kedis ugu soo baxnay Gabadh yar oo quruxdeed aad ku indho daraan-darayso , isla markaana aanad eegi karayn oo fadhida jidka dhinaciisa meel kaabad ah, waxay ku lebisantahay dhar bilicsan, taas oo aan da’dee ku qiyaasay ilaa 18 jir, waxay isticmaalaysay Mobile hoos ayey u foorartay waanay hagoognayd, haddana wey muuqatay badhkeed cowradeedu waxay xidhnay dhar khafiif ah, wax cabsi ah kamay hayn raga jidka maray ama xishood ahi, waxaan isku dayey in aan la haddlo oo aan ku yidhaa walaal jidka ka yara durug maradana hagaajiso, haddana haddalkii ayaa iga soo bixiwaayey, masuulka ila socda ayaa igu yidhi adeer qofkanu ma jinbaa mise waan wax kale, la haddal ayaan is idhi oo haddalkii ayaa igu dhegey, waxaanu intaa ii raaciyey adeer rooxaanta jidka inoo fadhiisatay maxay ahayd.!!

Masaajidkii galnay annagoo yaabanisla markaana la yaaban rooxaantan jidka masaajidka noo fadhiisatay iyo ruxanka, reenkii culimada iyo weliba rucladii oradkoodii, anfariirkii iyo argagaxii ku dhacay waddaada.
Lasoco qormoda Labaad iyo qisadan Yaabka leh
Qalinkii Weriye: C/raxmaan Carab (Cabdisaxafi)-