Saamaynta ay isku leeyihiin saddex geesooka: Diinta, Isirka iyo Luqaddu.
“Waxaanu u soo jihaadnay sannadihii badnaa ee ina dhaafay sidaanu u heli lahayn bulsho aan kala qoqobnayn, oo aan is hayb soocin, cunsuriyadna aan u dhisnayn. Laga soo bilaabo waqtigaas ilaa muddo yar uun ka hor doorashadii 1994-kii yoolkayagu wuxuu ahaa inaanu dhisno dawlad dimuqraadi ah oo mabda’eega aasaasiga ah ka dhigatay yaan la helin shakhsi, koox amma ummad lagu cadaadiyo diintooda, midabkooda amma isirkooda, isla markii aanu xukunka qabanayna arrimhaas ayaanu u aragnay inay yihiin meelaha ugu horeeya ee awoodayadu ka dhalan karto” hadalkaa waxa yidhi madaxweynihii geeriyooday ee Koonfurta Afrika Nelson Mandela.
Waa dareen damqasho leh oo Mandela ku cabirayo dhibaatada ay leedahay haddii aan dadka meel ku dhaqan dawladahoogu u ilaalin waxyaabaha lama taabtaanka u ah ee haddii ay dayacmaan cid kale ka faa’iideysan karto oo waliba keeni kara burbur aan laga soo waqsan.
Waqtigan casiriga ah waxaynu ku nool nahay adduun inta badan dadka ku dhaqan isku dhex jiraan oo ah nooca loo yaqaan (Polytecnic) amma ummado leh kala duwanaansho isir oo meel keliya ku wada dhaqan. Waxa keliya ee kala duwnaanshahaas ilaaliya ee aan ogolaan inay isku dhacyo isir amma diineed yimmaadaan waa dawladaha jira.
Haddaba si aynu u fahano saddex geesoodkan Diinta, Isirka iyo Luqada waxaynu isku deyi doonaa inaynu ka jawaabno maxaa loo yaqaanaa aqoon ahaan ereyga Isir oo ah ka uu ku dul dhismo jiritaan kasta oo adduunka dul yaalaa.
Isir: aqoonyahannada ku xeesha dheer inay daraaseeyaan hido sidayaasha banii’aadamku waxay ku qeexaan ereyga Isir inuu yahay koox dadka ka mid ah oo wadaaga sifooyin dabiici ah sida midabka, muuqaalka timaha, astaamaha wajiga, muuqaalka madaxa IWM.
Sababta keentay in la daraaseeyo Saddex geesoodkan waxa lagu tilmaamaa inuu yahay waxyaabaha ugu khatarsan ee seeska u ah in la fahmo shaqsiga ku dhaqan meel adduunka ka mid ah, tusaale ahaan goobaha ay ku dhaqan yihiiin dad kala duwan oo isirkooda iyo luqaddoodu kala geddisan tahay waxay waajib kaga dhigaan shacabka hoggaanka u hayaa inay ka sheqeeyaan siddii ummadahaasi ugu wada noolaan lahaayeen isku tiirsanaan iyo is tixgelin ka ilaalisa inay isku dhacaan.
Hoggamiyayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo culimada diinta waxa la gudboon inay daraaseeyaan siday ummadoodu isku raaci-raaci karto ee looga dawayn lahaa meelaha ay ka bukaan ee sida fudud u dhallin kara inay kacaan, iyada oo la adeegsanayo aqoon ballaadhan oo ka duulaysa xanuunka ay ka cabanayaan inta u eg yahay, haddii kale waxa si lama filaan ah u soo bixi karta in bulshadu isa sii haysan waydo oo uu ku yimmaado buubur iyo kala dambayn xummo.
Aqoonyahanada sameeyey waxyaabaha dhaliya isku dhacyada waxa kaloo ay sheegaan arrimahani keenaan inay ka goldaloolooyin ka faa’iideystaan dadka cadawga u ah jiritaanka ummadaas oo had iyo jeer ay dhexdooda ka huriyaan kala shaki iyo is qabqabsi saldhiggiisu yahay faham la’aanta qaab-dhsimeedka mujtamaca meel ku wada dhaqan. Lasoco……
lasoco qaybo kale
By. Abdullaahi Bershia