Dhawaan ayey ahayd Wakhtigii ay Ardeyda Barnaamijka Shaqo Qaran u fadhiisteen Imtixaan ay Shirkada Singabur New Sinki oo ah Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha ka qaaday, iyadoo sheegtay inay Hawlo Shaqo ka bilaabi doonta Magaalada BerBera Ee Xarunta Gobolka Saxil.


Sidaa awgeed waxay qaadatay Arday gaadhay 300, kuwaas oo Imtixaanadka Maalmo Ka hor ay soo dhajisey Shirkadu. Ardaydii Barnaamijka Shaqo Qaran Dhamaystay Ee Ku Guuleytay Ìmtixaankii Shirkada Singapore New Sinki waxay Xukuumada Somaliland Amar Ku Siiysay Inay Muddo 10-Casho Gudahood Ah Kusoo Qaataan Baasaaboorka Somaliya Kana Soo Qaataan Magalada Garoowe Ee Maamulka Puntaland.

Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxmed Xuseen Cisman (Mu’adinka) oo Madax ka ah Xafiiska Barnaamijka Shaqo Qaran oo ku yaala Gudaha Qabriga Madaxtooyad Oo Uuna Dusha Ka Maamulo Madaxweynaha Jsl Mudane Muse Biixi Cabdi

Ardayda Ayaa Badankoodu Hada Joogaan Qaarna Kusii Qulqulayaan Magalada Garoowe Waxana Amarkani Ka Yimi Agaasimaha Guud Ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo xafiiskiisu yahay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Arrintani waxaa Baananka Keenaysaa Inay Ardaydani Oo Loo Qaadayo Dalka Dibbadiisa Ay Yihiin Arday Wax Kusoo Baranaya Magaca Somaliya, Iyadoo Xukuumada Somaliland Indhaha kala lalisay, Balse Arinkani ayaa Noqonaya mid Bur-bur ku keeni kara Hadafyo Badan oo Qaranka Talaabo-gal u noqon lahaa.

Sidoo kale Arintan, ayaa kusoo Beegmaysa xili Madaxweynaha Somaliland Mudane Biixi Uu ku Faannayay Inay Passaporka Somaliland ku Tageen Dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Weriye Samaale Karinle

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.