XOG GUUD
Saddex-xagalkii isku sidkanaa fursad weyn baa u dagatay oo ilduuf gudaha ah ka yimi. Waa isfahan la’aanta hoggaanka Awdal iyo xukuumadda oo isku wax doonayay haddana si aan la qeexi karin isula seegganaa talada. Si wacan bay dabadeed u shaqaysteen raggii kala danta iyo isku dariiqa ahaa. Dhacdooyinka tabani marmar bay talo ribbatay furaane, dhirbaaxo miisaaman baa isu tallaashay xadhkihii ilaysku ka maqnaa. Waynu sigannay si weyn weliba, laakiin waddo fiican bay hadda xaajadu haysataa. Ilaahay baa ilaashanayee, god kasta oo halis ah jeenigay la gashay waanu ka saaray mahad ilaahay.
SAYLAC
Saxalku wuu wareegayay beryahanba. Sidii ay xisaabtu uga buuxsantay Hartiga iyo Isaaqa ayay Gadabuursi iyo Ciisana uga buuxdaa. Wax ka weyn baa dhici kari lahaa ee ilaahay Gadabuursi intaa ha ugu joojiyo. Dad xaaladdaas oo kale ku jira ayay ugu talo wanaagsan yihiin runtii. Ciise daruurtu way dul joogtaa; laakiin waa halis weyn inuu go’aamiyo Ugaaska guud. Xisaabo aan la baajin karin ayaa ka socda meesha. Waxa se ayaandarro noqonaysa haddii Boorama ay u dhaqaaqdo dhinaca Saylac. Way ogyihiin waxgaradka Awdal inay taasi dhabarjab noqonayo. Ilaahay ha waafajiyo. Baaqa Ciise se waa albaab wanaag ee dhibaato Somaliland iyo Gadabuursi ma noqon doono haddaan lagu talaxumoobin sidii dhacday.
GEELLE iyo ABIY
Ismaaciil oo ay isugu toosnayd beryahanba, qaddarka iyo Boorama ayaa hurdada ka kexeeyey mar kale. Waran soo noqon doona lama riddeeyee, waxa toos ugu muuqata miinadii uu xidhay oo ku dul soco la leeyahay. Ugaaska hadalkiisu Saylac qudha ma qusayn doono, dadka la isugu yeedhayna Saylac qudha kuma joogayaan. Aynu dhawrno ayaamo. Abiy waxa xisaab cusub uga baahan qorshihii 2aad mar hadduu kii koobaad fashilmay. Geelle xataa qorshe labaad ma hayo oo waa kaas Ugaaskii buunka tumay. Muuse iyo Rayaale kulankooda mar kale ayaynu la sugaynaa, laakiin “Road to Lughaya” ayaa meesha ka socota. Waxba se ka hirgeli maayaan haba yaraatee. Laab la kacay lugo se kuma taagni ayay ku dhammaan. Ruxanka amni wuu sii socon, laakiin kuwa wadaa waxa ay ka rejaynayaan kama heli doonaan. Dhibaatada Boorama inta ay dhaawac tahay waxa ka badan inta ay badbaado tahay.
Xukuumadda waxa la gudboon inay wadaag, waxsheeg iyo wadajir ku waddo tallaabo kasta, waxgaradka Awdalna si toos ah ula shaqayso inta suntu baxayso. Isaaqna inuu waxgaradkiisu isu yimaaddo wakhti maanta looga baahi badan yahana ma jirto. Doobir.
WALLEE INA RAGOOW TALO ADDUUN TAADA UUN MA AHA.
Maayarkii hore ee Burco Cabdirisaaq Hero.
#The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


