maadhiin TayuubSamaale Waxaan Leeyahay Siyaasadu Aabe malaha, farxad joogta ahna malaha ee waa wax is beddela, qofka u bisilina waa qofka u hoggaansama hadba meeshii ay la marto, lakiin hadaad mar walba jeclaato in sidaad doonto wax u dhacan nolosha iyo siyasada midna kuma wacna. Sidaa awgeed wasiir Cabdicasiis Samaale in baddan ayaa laga hayaa “waxaan ku shaqeeyaa siyaasada madaxwayne Siilaanyo, waxaan ku daba soconaa hoggamintiisa.”
Su’aashu waxa weeye haddii wasiirka ay ka dhabtahay, ama aad ahayd qofka ugu dhow maxaa keenay inaad noqoto qofkii ugu horeeyay ee go’aankiisa ka horyimaada ee tallada Madaxweynuhu la xumaatay, intii tallada madaxwaynuhu kula wanagsanad kolay rag kale ayay ku xumayd, ama jeclaa inuu la tashado.
Waxa addiga (Samaale)sharaftada iyo ta saxiibkagii halkan kusoo gaadhsiiyay ku jirtaa inaad u hoggaansanto sidaa uu kuu gartay madaxwaynahu oo weliba ku hanbalyayso xilkaa sababtoo ah marka dhinaca kale laga eeggo, waxaan qabaa in Wasaaradda lagu geeyay tahay mid muhiim ah oo ay tahay meeshii aad isku baranlahaydeen dhalinta, waa meeshii Ubaxa wadanku kasoo baxayeen haddii uu leeyahay han siyaasadeed, waxay u noqon lahayd fursad wanaagsan oo kaabi karta mustaqbalkiisa siyaasadeed, wuxuuna isku deyi lahaa inuu sawir fiican tuso barbaarta aqoonta , balse go’aankiisa diidmadu wuxuu noqon karaa mid loo araki karo dhaqaalle doon keliya, isla markaana uu diiday inuu wax tacab ah ku darsado dhalinta iyo waxbarashada jiilasha jidka kusoo jira ee mustaqbalka dalka.
Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
Hargeysa Somaliland.
Madhin Tube madhin77@gmail.com>