Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Tan iyo intii uu ku guulaystay talada dalka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro dabayaqadii sanadkii hore 2024 oo imika ay ka soo wareegtay muddo sanad ah xukuumadu waxay qabatay waxayaalo badan oo tariikhda galidoonta marka uu ka dago xukunka isaga iyo golahiisa wasiirada ha ugu horeeyso.

Arintii nabadaynta beelaha walaalaha ee wadda dagga gobolka Sanaag gaar ahaan caasimadiisa ceerigaabo soo xidhistiisiina uu ka qaybgalay madaxweynahu, iyadoo arrintaas ay soo dhaweyeen waxgaradka Somaliland iyo guud ahaan Somaalida badankood talaabadaa wax ku oolka ee uu qaaday Madaxweynuhu.

Marka la eego dhanka fashilka ugu weyn ee dul hoganaya xukuumada Ciro waxaa ugu weyn ee qarinaya waxqabadkasta oo la qabtay waa shaqo xumada iyo fashilka dul hoganaya Baanka Dhexe ee Somaliland iyo maamulkiisa oo noqday kuwo fadhiid ah oo aan bulshada waxba ugu filnayn iyagoo jooga meel muhiim ah taas oo saamayn weyn nolosha umada gaar ahaan kuwa danyarta taas oo ah inay dajinkari wayeen sarif bararkan dalka ku habsaday oo ah inay fadhiisiyaan isku badalka lacagta Doollarka iyo shillinka Somaliland oo beryahanba jaahwareerkii ugu weynaab ku jiray intii ay xukunka timi xukuumada Waddani.

Hoggaanka Baanka Dhexe Somaliland ha ugu hareeyo guddomiyah Mudane Cabdinaasir Axmed xirsi guddomiye ku xigeenka Mudane Xamse Khayre iyo Agaasimaha mudane Yaasiin jaamac axmed markii ay wayeen cid adag oo kula xisaabtanta shaqo xumada iyo fashilka dul hoganaya hayaadaas ha ahaado.

Madaxweynihii soo magaacaabay ee ay matalayeen iyo golayaasha qaranku waxay noqdeen kuwo aan xilba isa saarin oo ay shaqadoodii hayaan shirkado iyo sariflayaal aan unaxayn bulshada iyagoo eeganaya dantooda iyo halkay faa,iidadoodu ku jirto, taas waxaa kuu cadaynaysa farqiga udhexeeye labada sixir ee dollarka lagu kala badalo iyadoo 100 dollar farqiga udhexeeya ku dhow yahay 80000slSh.

habeen uu dood lagag hadlayay arrimaha sarif bararka oo uu ka qaybgalay xamse Khayre oo ah masuulka labaad ee baanka dhexe waqtigii ay mucaaridka ahaayeen xisbigan talada dalka haya ee waddani ayaa masuulkani ku sifeeyay in baanku uu ushaqeeyo shirkado ee aanu umada ushaqayn isagoo ugu bushaareeyey inay iska sugaan xukuumada la Dareen ah bal hadaba su,aasha maanta is weydiinta mudan masuulkani wuxuu xilka hayaa ku dhawaad sannad wax ma ka qabtay wixii uu shallay ku dhaliilayay mise wixiisu waxay ahaayeen kursi ka riixasho iyo ka ganacsi Dareen dadweyne, ugu danbayntii fashilkasta oo uu hogaanka baanka dhex ku dhaco waxay bar madow ku noqon doonaa xukuumada madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

La Soco Qaybta 2Aad……….Cabdiraxiin Shiine

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.