Saxardiid Mujaahid Waqtigu La sarategey, Maanta U Hoyda Kaymaha!!!!

 

Mujaahid Saxardiid waxa uu ku dhashay Degmada Qorilugud ee oo ku taala Gobolka Tog-dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhdu markay ahayd sannadkii 1966-kii, Saxardii Rooble Digaale waxa uu ku soo qaatay waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Ibraahin oo ku yaalay Magaalo Madaxda Labaad ee Burco ee gobolka Tog-dheer.

Dugsiiisii sarena waxa uu ka soo baxay Dugsigii Farsamada Gacanta ee Burco, taariikhdu markay ahayd sannadkii 1981-kii, waxa uu ku biiray ciidankii Daraaiishta ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saxardiid wax uu go’aansaday in uu ku biiro Taliskii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee (SNM), markay taariikhdu ahayd sannadkii 1983-kii, waxaanu ka mid noqday ciidankii la odhan jiray Sayid Cali.

Mujaahid Saxardiid mar aanu ku kulanay goob lagu qaxweeyo oo ku taala caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyad.da Somaliland, ayuu iiga sheekeeyey dhibic ka mid ah xusuusta maalmihii qadhaadhaa ee uu soo maray wakhtigii lagu jiray halgankii taliskii Siyaad Barre lagaga xoreeyey Dalka Jamhuuriyadda Somaliland,

Waxaan halkan idiinkula wadaagayaa waxoogaa yar oo aniga xusuus-gaar ah igu dhaliyey, waxaanu igu yidhi:- “ Waxa dagaal qadhaadh aanu iskaga hornimid ciidan ka tirsanaa Taliskii Siyaad Barre, tuuladda la la yidhaahdo Habaasweyn oo dhinaca koonfureed kaga beegan Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu dagaalku socday dhowr saacadood oo qoraxduna sii gaabanayso, ayaa ciidankayagii iyo ciidankii faqashtu is dhex-galeen, markaas waxaan sitay qori saban ah oo ay rasaastiina iga dhamaatay, waxaan meel gaaban ka halacsaday Nin ciidan ah oo sitay qori saban ah iyo rasaas badan, markii aan u soo dhawaaday walina dagaalkii uu socdo, ayaan ku idhi:- Waar xabad rasaasa ii dhiib, waxaanu iigu jawaabay:- “ Waar yaakhii I dhaaf, waxaan mar labaad weydiiyey inta aan ku soo dhaw.aaday, “ ciidankeebaad ka tirsaneyd, ” waxaanu iigu jawaabay Ciidanka 11-aad ee ka yimid baladweyne saaka ee ay diyaradu siday, ka dib, inta aan ku soo booday ayaan rasaastii uu sitay iyo qorigiisiiba ku qabsaday.

Markaanu muddo waxoogaaya hirdan uu dhexmaray, ayaanu dhulka kuwada dhacnay, annagoo sidii iskugu maran oo ay naftu I hayso, dagaalkiina uu wali socdo, ayaa waxa iga soo gaadhay oo nasoo dul-joogsaday gaadhi jiib ah oo ciidankayagu watay.

Mujaahid Saxardii isagoo hadalkiisii sii wata, waxa ayuu xasuustay maalin kale oo ay ku waabariisteen ciidan deganaa magaalada wadaamogoo ee ku taala Gobolka Tog-dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, dagaalkaas oo socday dhowr saacadood, Waxaanu yidhi:- Wakhtigaas annigoo ka soo kacay dhaawac hore ayaan galay dagaalkaas, waxaan ride ka ahaa gaadhi uu saarnaa qori siikaawiya, waxanu aragnay Gaadhi TR ah oo uu saran yahay qori suug ah oo ay faqashtu wadatay oo meel taagan, markii aanu ku soo dhawaanay, waxaan garwaaqsaday in aan soo qiimeeyo khasaaraha uu qabo qorigaas suuga ahi.

Isla markaana, gaadhigii aanu wadanay waxa uu joogsaday meel aan kaba fogeyn gaadhigaas TR ah, markii aan gaadhay gaadhigii suuga ahaa oo ciidankii watayna ay hoos yaalaan iyagoo meyd ah, ka dib, waxaan gurada u fuulay gaadhigii, markii aan hubiyey khasaraha soo gaadhay qoriga oo markaas ay shaqeynayso dhuun kaliyaata.

Waxa I soo garab joogsaday gaadhi Land cruiser ah oo ka mid ahaa gurmadkoodii ugu horeeyey oo uu saran yahay qori Baroon ah oo ay faqashtu wadatay , talyihii ciidanka watay ayaa igu yidhi:- “ Waar aaway ciidankii, ka dib, waxaan ugu jawaabay markii aan garowsaday inay yihiin ciidankii faqashta, waxaan tarajay iyo gabood ka dhigtay kalmadan, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, Ciidanaa, ayan gaadhiga dhinaciisii kale ka degay, anigoo sii maqlayey, waar muxuu yidhi.

Markiiba waxaan u cago-duwaday dhankii uu iga jiray gaadhigii aanu wadanay ee uu saarnaa qoriga siikaawigu, ka dibna, waxaan ku idhi:- “ Waar sow kuwan faqashtii gaadhiga dhanka kale ka taagan” isla markiiba, halkiibuu dagaal qadhaadh nagu dhex maray gurmadkoodii oo aanu kaga libin sareynay.

Mujaahid Saxardiid maanta wakhtigaa la saratagay, waxaanu u hoydaa kaymaha dhanka koofureed kaga beegan garoonka gadiidka hawadu ka haadaan ee Cigaal Internation Airport.

By.  Maxamed Faarax Qoti