Hoggaamiya: Suxitaanka Khalad fahamka shacabka caadiga ah ee ku aadan dareenka hoggaamiyaha
“Masses are fools”. Waa odhaah siyaasadeed oo loo adeegsado si loo muujiyo in dadwenuhu ama shacabka caadiga ahi ( Common people) mararka qaarkood ay si fudud u khalad fahami karaan ujeedada hoggaamiyaha , una fasirtaan dareenkiisa xiliyada uu aamusan yahay ama loo marin habaabin karo. Siyaasadda Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha Muuse Biixi, waxa uu khudbadiisii saaka ku saxayey faham khaldan oo ay qaarkood ka qaateen cidda uu ka soo horjeedo isagana ka soo horjeeda. Waxa uu muujiyey in taageerada dadweynaha mararka qaarkood ay u baahan tahay hoggaamiye caddeeya jihada saxda ah, si looga fogaado in shucuurta iyo wararka aan saxda ahayni ay abuuraan kala qaybsanaan.
Asalka weedhan ” Masses are fools) ama shacabku waa iska UBADKA OO KALE lama garanayo cida leh balse waxaaba loo badiyaa in uu yidhi Lenin oo ahaa hogaamiyihii aasaasay shuuciyadii Midawga sofiyeet Union of Soviet Socialist Republics. Waxa kale oo jira hadal la mida oo la yidhi in “siyaasaddu ka bilaabato halka ay dadweynuhu joogaan, malaayiin, ma aha kumanaan.” Macnaha guud waa in dadweynuhu badanaa ay mararka qaarkood ku dhaqaaqaan oo uu hogaamiyo dareen iyo shucuur, taas oo keenta in hoggaamiyeyaashu u baahdaan in ay toosiyaan oo hoggaamiyaan. Weedhan waxay tilmaantaa khataraha ay leedahay fikrada siyaasada populism.
Marka Somaliland loo eego, khudbadda Muuse Biixi ee shalay markii uu kasoo laabtay safarka, waxay ahayd tusaale cad oo nool.
Weedha “Masses are fools” dhinaca Somaliland waxay ka tarjumaysaa halista khalad fahamka ee taageerayaasha, gaar ahaan marka ay ku dhaqaaqaan shucuur iyo taageero indho la’aan ah oo lidi ku ah ama dhaawacaysa meeqamkiisa madax ahaaneed, hoosna uga soo daadejinaysa heerka qaran ee uu joogo ee ay keenayaan heerka qoysnimo ama qabiilnimo ee aanu ku doorsan karin ka qarimada iyo guud ahaan milgaha qarankaba.
Siyaasad ahaan, wuxuu muujiyey farqiga u dhexeeya hoggaamiyaha iyo taageeraha. Hoggaamiyuhu waxa uu leeyahay aragti ballaadhan oo heer qaran ah, taageerayaashuna ama shacbiga caadiga ahina ku kooban yihiin aragtida shakhsi ama kooxeed.
By Mustafe Jambir
Hargeisa, Somaliland
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


