This AFP file photo taken on December 9, 2015 shows Mohamed bin Salman (L) talking with Mohammed bin Nayef during the 136th (Persian) Gulf Cooperation Council summit in Riyadh

WQ: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)

Boqorka Waddanka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis waxa uu shalay subax xilka dhaxal-sugaha waddankiisa u magacaabay Mid Ka Mid ah Wiilashiisa oo lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis oo hore u ahaa dhaxal-sugaha labaad kadib markii uu xilkii dhaxal-suge ka wareejiyey Maxamed Bin Naayef Bin Cabdulcasiis oo isagu lahaa dhaxalka kursiga Boqorka.

Si weyn ayaa dunida looga dareemay is baddalka ku yimid kursiga dhaxal-sugaha ee dalkaasi Sucuudiga oo ka mid ah dalalka Islaamka ugu saamaynta weyn leh iyada oo il-gaar ah lagu hayo wiilkan mansabka dhaxal-sugaha loo cimaamaday kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey saamayn ballaadhan ku lahaa talada qoyska reer Boqor ee dalka Sucuudiga hogaamiya.

Khubarada u kuur-gasha arrimaha qoyska reer Boqor ee dalka Sucuudiga ayaa wiilkan dhallinyarada ah waxa ay ku tilmaamaan in uu yahay shakhsi in muddo ah loo soo carbinayay sidii uu talada dalkaasi Sucuudiga ula wareegi lahaa, taasi oo keentay in uu awoodo dheeraad ah ku dhex yeesho dawladda Sucuudiga, in badana dadka dalkaasi taageero weyn u muujiyeen gaar ahaan dhallinyarada iyo da’da dhexe ee dalkaasi oo u oomman is baddal ku yimaad hogaaminta dalkaasi Sucuudiga wakhti mandaqadda bariga dhexe iyo guud ahaan caalamka islaamka xaalado adagi ka taagan naayeen. Inkasta oo dad badani ku doodayaan dood biyo-dhaceedu yahay “Nin Yari Inta Uu Geed Ka Boodo Ayuu Talo Ka Boodaa”!!.

Waa Kuma Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis?

Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis waa Ilmaha Lixaad ee ubadka uu dhalay Boqorka wakhtigan dalka Sucuudiga maamula ee Salmaan Bin Cabdulcasiis. 31-kii August sannadkii 1985-kii ayuu ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad waxaanu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd illaa heer jaamacadeed ku qaatay isla dalka Sucuudiga isaga oo shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda Boqor Sacuud ku diyaariyay qaanuunka. Maxamed Bin Salmaan waxa uu ahaa arday ku wanaagsan waxbarashada mar walbana kaalmaha hore ka gala dhinaca tacliinta isaga oo qalin-jebintiisii jaamacadda ahaa ardaygii labaad ee jaamacadda ugu sarreeyey. Waxa ay wada jiraan gabadh ay ilmo-adeer yihiin oo lagu magacaabo Saara Bintu Mashhuur Bin Cabdulcasiis oo u dhashay afar caruur ah.

Xilalkii Dhinaca Siyaasadda:

Markii ugu horraysay Bishii April 2007 waxa loo magacaabay la taliyaha hay’adda Khubarada ee Golaha Wasiirada dalkaasi. Laba sano kadib waxa loo magacaabay la taliyaha gaarka ah ee aabihii Salmaan oo wakhtigaasi ahaa Guddoomiyaha Caasimadda Riyaad. Xilal kale oo kala duwan oo uu mudadaasi soo qabtay kadib, sannadkii 2013 waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Diiwaanka Boqortooyada, iyo Agaasimaha Xafiiska wasaaradda Gaashaan-dhigga iyada oo sannad kali ah kadib loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga iyo xubin Golaha Wasiirrada ah. 23-kii Januray 2015, Maxamed Bin Salmaan waxa loo magacaabay wasiirka Gaashaan-dhigga iyo la taliyaha gaarka ah ee aabihii. Isla sannadkaasi 2015 Aabihii Boqor Salmaan waxa uu u magacaabay xilal dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka dhaxal-sugaha boqortooyada, ku xigeenka ra’iisal wasaaraha, wasiirka gaashaan-dhigga iyo agaasimaha sare ee Golaha dhaqaalaha iyo horumarinta dalkaasi Sucuudiga. Xilalkaasi iyo kuwo kalena waxa ugu dambeeyey kan imika loo caleemo saaray ee dhaxal sugaha ah.

Shakhsiyadda Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan:

Tan iyo intii uu ninkan dhallinyarada ahi saaxadda siyaasadda ku soo biiray waxa dalkaasi laga dareemay is-baddalo waaweyn iyo go’aamo ka soo baxay qoyska boqortooyada kuwaasi oo saamayn ku yeeshay mandaqadda. Dhinaca dhaqaalaha haddii aan soo qaadano maadaama uu ahaa Guddoomiyaha Golaha dhaqaalaha iyo horumarinta dalka Sucuudiga waxa uu ku guulaystay diyaarinta qorshayaal badan oo uu ka mid yahay Mashruuca qorshaha Aragtida Sacuudiga ee 2030 (Saudi Arabia Vision 2030) oo uu guddoomiye ka yahay, kaasi oo dhigaya in mustaqbalka dalkaasi ma maarno ku tiirsanaanta dhinaca shidaalka oo kali ah isaga oo doonaya in dalkaasi noqdo waddan dhaqaalihiisu ku tiirsanaan karo arrimo kale oo ay ka mid yihiin dhinacyada ganacsiga, Wax soo saarka, Macdanta iyo arrimo, taa baddalkeedana shidaalkiisa keyd ahaan u dhigta. Haddii aan soo qaadano arrimaha ninkan dhallinyarada ahi ku dhiirraday waxa ka mid ahaa in uu noqday maskaxdii ka dambaysay dhismaha ciidanka is-bahaysiga Islaamka ee Sucuudigu hogaamiyo. Sidoo kale waxa uu ahaa ninkii dejiyey duullaankii dalka Yemen iyo is-bahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta. Sidoo kale waa ninka isagu wax badan lahaa go’aamo xukuumadda Sacuudigu ka qaadatay arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Iiraan, Qadar iyo Faafitaanka Mad-habka Shiiciga. Naanaysta ‘Injineerka Cuusb Ee Sucuudiga’ ayuu kula baxay go’aamo badan oo uu hormuud ka ahaa oo dawladda Sucuudigu qaadatay.

Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa dadka u kuur gala arrimaha siyaasadda ee dalkaasi Sucuudiga iyo guud ahaan dalalka Khaliijku waxa ay ku tilmaameen dhiig cusub oo mar kali ah dhinaca kale u rogay odayaashii qoyskiisa reer boqor ee muddo qarni ku dhaw dalkaasi soo hogaaminayay kaasi oo la filayo in uu saamayno badan ku yeesho arrimaha ka taagan dalalka Islaamka iyo gaar ahaan Carabta. Waa shakhsi ku dhac leh oo dardar cusub qaba sidoo kalena aaminsan afkaar waddaniyadeed.


Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland
Phone: 252-063-4402360
facebook: maxamedilkacase
Skype: maxamedkhadar9
Advocator, Journalist and Human Rights Activist
LLB Law