Warbixin kooban: W/Q, Maxamed Cirro

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si khaldan dhaar aan sax ahayn ugu dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, iyadoo Komishanka lagu dhaariyey dhaarta dastuuriga ah ee loogu talogalay in la mariyo Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, mudanayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), xubnaha Golaha Wasiirrada iyo madaxda kale ee dhaartooda dastuurku jideeyey, balse waxa waajib ahayd in xubnaha Komishanka lagu dhaariyo dhaarta ku xusan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaannada ee Xeer Lr. 20/2001.

Kulan ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Caasimadda Hargeysa maanta (Isniin, 25 November 2019), Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na goob-joog ka ahaa, waxa lagu dhaariyey lix xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida Doorashoyinka Qaranka,  waxaanna la mariyey dhaarta ku xusan qodobka 19-aad ee Dastuurka Somaliland, taasoo ah;

QODOBKA 129AAD

DHAARTA DASTUURIGA AH

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aannu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya Madaxweynaha.

 “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.”

Hasayeeshee, sida ku cad qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Degaannada ee (Xeer Lr. 20/2001), xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa sharcigu waajibiyey in la mariyo dhaar gaar ah oo ka duwan dhaarta ku xusan dastuurka ee loogu talogalay in lagu dhaariyo madaxda kale ee golayaasha qaranka, waxayna dhaarta Komishanku u dhigan tahay sidan;

“WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILLAAHIYA IN AAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. IN AAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURRASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADDAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.”

Sida ku cad farqadda 4-aad ee qodobka 19-aad ee xeerkan, waxa waajib ah in xubnaha Komishanka Doorashooyinku ay si mid mid ah (one by one) dhaartan sare ku xusan uga hordhaartaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay tahay in Guddoomiyuhu uu mid walba mar dhaariyo, balse dhaartan lama marin xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kalena si wadar ah ayaa mar qudha loo wada dhaariyey, waxayna taasi ka dhigan tahay in la jabiyey qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Degaanka ee xeer Lr. 20/2001, gaar ahaan farqaddaha 3-aad iyo 4-aad ee xeerkan. Sidoo kalena inkastoo ay gacanka saareen kitaabka qur’aanka kariimka ah oo ay tahay in lagu aammino, haddana Komishanku umay dhaaran inay si daacad iyo xil-kasnimo ah u maamulayaan doorashada, dhexna u noqon doonaan xisbiyada qaranka, maadaama la mariyey dhaarta dastuuriga ah oo aan ahayn dhaartii Guddida Doorashooyinka sharcigu ku waajibiyey, markaa waxa muhiim ah in dib loo dhaariyo.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee hadda xilku ka dhammaaday, waxa loo dhaariyey si waafqsan qodobka 19-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka ee Xeer Lr. 20/2001, iyadoo uu dhaariyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali taariikhdu markii ay ahayd bishii December ee sannadkii 2014-kii, waxaanna kulankaas dhaarta ahaa goob-joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Maaha markii u horaysay ee dhaar khaldan la mariyo xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, balse waxa sidan oo kale dhaarta xeerkan ku cad aan la marin Komishankii la soo dhisay sannadkii 2007, kuwaasoo si rasmi ah loo dhaariyey taariikhdu markii ay ahayd 08 August 2007, waxayna magacyada xubnaha Komishankaas aan la marin dhaarta ku xusan xeer Lr. 20/2001 ay kala ahaayeen;

1.      Mr. Jaamac Maxamed Cige

2.      Mr. Maxamed Maxamed Xaaji Daahir

3.      Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan

4.      Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed

5.      Mr. Maxamed Yuusuf Axmed.

6.      Mr. Ismaaciil Muuse Nuur

7.      Mr. Xasan Maxamed Cumar

Waxa kaloo xusid mudan, in sidan maanta oo kale uu xiligaasna taagnaa khilaaf ka dhashay laba xubnood oo ay Golaha Wakiilladu dib ugu celiyeen Madaxweynihii Somaliland ee xiligaas Md. Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo ay toddobada xubnood ee loo soo gudbiyey ay Golaha Wakiilladu shan ka mid ah ansixiyeen 02 June 2007, waxaannu Daahir Rayaale muddo dheer ka meeraysanayey inuu soo beddelo labada xubnood ee Goluhu ansixin waayey, isagoo muddo saddex bilood kadibna soo gudbiyey laba xubnood oo cusub oo ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen taariikhdu markii ay ahayd 03 September 2007-kii, sidaasna lagu dhammaystiray toddoba xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Xubnaha Komishanka cusub ee dhaarta khaldan la mariyey maanta (Isniin, 25 November 2019), waxa ay ka kooban yihiin lix xubnood, waxaanna ka maqnaa xubintii uu soo xulay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxayna labadaas Komishanka iska shabbahaan khilaafka magacaabistooda iyo dhaarta khaldan ee lagu dhaariyey.

Halkan hoose ka eeg dhaarta saxda ah ee la mariyey Komishanka xilku ka dhammaaday

Halkan ka eeg qaabka khaldan ee dhaarta aan saxda ahayn loo mariyey Komishanka cusub

By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.