Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

Sheekh Cabdiraxman Bashiir oo ka mid ah culimada dalka Jabuuti oo hadda ku sugan waddanka Canada (Kanada) ee woqooyiga Ameerika, halkaas oo uu ka helay magangelyo siyaasadeed, ayaa warbixin dheer oo uu ka qoray safarka Madaxweynaha Somaland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tegey dalka Jabuuti ku sheegay inuu yahay mid aan ujeedadiisu caddayn oo ay ka dhalan karaan kun su’aalood oo badidoodu dul hogganaya madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraalka uu soo saaray Sheekh Bashiir, isla markaana uu soo ururiyey, soona turjumay Cabdillaahi Beershiya, wuxuu intaa ku daray inay mudan tahay in la is weydiidyo qaabka uu dalka Jabuuti ula tacaamulo ama ula dhaqmo dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dawladda Jabuuti ma aqoonsana Somaliland, haddana wuxuu ula dhaqantaa sidii dawlad ay aqoonsan tahay, waana waxyaabaha keenaya iska hor imaadka mawqifka Jabuuti, arrintaasina waa mid ka dhalatay loolan ka taagan gudaha qasriga madaxtooyada ee looga taliyo Jabuuti, kaasoo ah in marka la joogo qaddiyadda Somaliland ay jiraan laba dhinac oo isku haysta aynu aqoonsanno oo aynu ula dhaqano sidii dawlad oo kale iyo maye yeynaan aqoonsan Somaliland.”
Waxa kaloo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ku yidhi qoraalka uu kaga hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland ku joogo Jabuuti; “Arrintaasi waxay si cad uga muuqatay qaabkii loo qaabilay madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa hab uu u dhammaystiran yahay borotokoolkii madaxweynayaasha lagu qaabili jiray, waana mid ay dabada ka riixayeen kooxda ogol in la aqoonsado Somaliland iyo inuu madaxweyne Geelle si rasmi ah u qaabilo madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxwenye Ismaaciil Geelle wuxuu u diray Wasiirka Arrimaha Dibaddu inuu ku soo dhex qaabilo diyaaradda weftiga Muuse Biixi, halka uu isaguna ku sugayey qolka fadhiga ee madaarka, taasina waa mid muujinaysa labada siyaasadood ee isku dhex qasan ee ay kala wataan labada garab ee gudaha maamulka ku kala aragti duwan qaddiyadda Somaliland.”
Sheekh Cabdraxmaan Bashiir, waxa kale oo intaa ku daray in dhulka Jabuuti uu had iyo jeer laga diyaariyo dadka noqonaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda dhinaca Somaliland, iyada oo dhinaca kalena ay jiraan xubno ula dhaqma qaddiyadda Somaliland si wanaagsan, arrimhaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin waxyaabaha keenaya inay dawladda Jabuuti si taxadir le hula socoto arrimaha Somaliland. Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; “Sidaa darteed ayuu wasiirkii hore Mudane Cali Cabdi Farax oo xubin ka ah xisbul xaakimka u sheegay erey muhiim ah oo ahaa muhiim maaha in aanu adduunka aqoonsan Somaliland, laakiin muhiimaddu waxa weeyaan in aad idinku naftiina aqoonsateen sidaa si la mid ah ayuu yidhi wasiirku xilligii uu socday shirkii Carta ee hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya loogu qabtay dalka Jabuuti, isagoo sheegay in Jabuuti diyaar u ahayd inay aqoonsato Somaliland, haddii ay ka soo qaybgalaan shirkii Carta ee la qabtay sannadkii 1999-kii.”
Dhinaca kale, waxa u sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u kula dhaqmo dhammaan gobollada kala duwan ee Soomaaliya siyaasad aamusnaan ah oo aan niyad badan u hayn waxyaabaha ka dhacaya, inkasta oo arrinta Somaliland ay ka duwan tahay, maadaama ay ku dhawaaqeen inay gooni u istaagaan, sidoo kalena uu imminka madaxweynaha Jabuuti quus ka sido taageeradii uu u hayey Soomaaliya.