Maalintii Arbacada ee shalay oo taariikhdu ahayd 5 April 2017-ka, waxa dhacday sheeko maadeys ah oo ummad badan oo aan ka mid ahaa layaab iyo qosol intaba ku riday.
Haddaba, sheekaddan ayaa dhacday abbaaro 12:40 duhurnimo, aniga oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayey Masaajidka Rusheeye ee magaalada Hargeysa oo loo garan og-yahay Masjidka Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa aniga oo Salaadda Ragcadihii hore i dhaafeen markii aan ka daba geeyey Jamacii, intii idhaaftayna raaciyey, kadib markii aan ka soo baxay Salaadda ee albaabka dhinaca Bari ee Masaajidka aan ka baxay, iyadoo aan labadaydii kabood gacmaha ku sito waxaan la kulmay sheekaddan.
Waxa aan albaabkii masaajidka ee dhinaca dibada kula kulmay nin da’diisu iila muuqatay qiyastii ilaa 50 sanno jir oo gadh-casaan iyo caddaan uu xinne mariyey oo aad u dheer, isla markaana laf weyn oo Khamiis xidhan. Waxa uu ahaa nin aad u cadhaysan oo ka hor buuqayey Masaajidka hortiisa, ninkan waxa hareeraha ka taagan rag ka mid ah kuwii Masjidka ku tukaday oo qaarkood aan weji garanayey, hasa yeeshee meeshu waa masaajid oo dad badan ayaa ka soo dareeraya Masaajidka, kuwo kalena sii galayaan oo Salaadda ku sii degdegayaan, maadaama uu jamacii dhaafay, waxa sidoo kale Masaajidka dibaddiisa fadhiya masaakiin dawarsanaya oo haween iyo carruur Oromada Itoobiya u badan.
Haddaba, markan ma degdegayn oo waan soo tukaday ee sida Soomaalida u caadada ah, waxaan intii aan kabaha xidhanayey albaabka Masaajidka hortiisa dhegta u yar dhigay ninkii oo ku qaylinaya, ‘waar waxani dad maaha’. Bal waxay wax ka dayayaan eeg? Halkaas ayaan dhigay kabahayga oo way kala baxeen” iyo hadalo kale oo cadho ka muuqato ayaa ka soo yeedhaayey ninkan cadhaysan.
Intaa waxa dheeraa oo dhegahayga ku soo duulayey hadalo kaloo dadka masaajidka ka soo baxay ee ninkan cadhaysnaa la hadlayey oo qaarkood ku lahaayeen ninkaasi, “waar wuxuu waa sharabaad ee waxba u noqon maysid ee masaajidka buuqa ka daa oo cidna waxba kuma galayso ee ALLE ka xishood oo iska tag.” Kuwa kale waxa ka soo duulayey “waar malaha guddaha masaajidka ayaad kaga timmi sharabaadka ee bal ku yara noqo oo orod ka soo eego? Haddii aan inta dhegaystay oo aan kabahaygii gashaday, waxaan soo garab istaagay nimankii ninka cadhaysan la hadlayey, ka dib isagii oo hortayda taagan ayaan sidaa isha u mariyey. Arkay in uu labadiisii kabood wada gashan yahay oo aannu aheyn nin beer kabo ah laga xaday oo tuug kabo ka xaday u cadhaysan, inta ka dib isagii ayaan si toosa u waydiiyey; “Xaaji, maxaa kugu dhacay waadigan cadhaysane. Ma cid ayaa wax kugu sameysay oo is disheen? Waxa uu iigu jawaabay; “maya ee qaar habaar qaba oo masaajidda uun loo soo diray inay wax ka xadaan ayaa sharabaadkaygii (inta uu lugtii midig oo uu hal sharabaad u gashan yahay sare u qaaday) lugtan mooyaane lugtii labaad ayey iga xadeen.” Mise indhahaygii ayaan qac ku siiyey markiiba degta midig waxa u saaran sharabaadkan uu lugta kaliya ku gashan yahay kiisii labaad oo ah ka buuqu ka taagan yahay oo degta midig lafteeda u saaran, markaas ayaan ku idhi; “Xaaji, hadda garabkaaga kan saaran waa sharabaadkaagii.”
Kuye “Kee…ALLAA, walaahi waa runtaa ee waa sharabaadkaygii. Adeer, waan yara dawakhay.’ Mise dhammaan dadkii meesha taagnaa oo dhan ayaa wada yaabay oo marna qoslay, marna wada yidhi; “Waar inaga dhaqaajiya meesha wuu waalan yahaye (Hadda waa kuwii iyaga oo hortaagan indhahoodu qaban waayeen sharabaadka ninkan degta u saaran.” Markaas ayaan anniga laftaydu hoos isku idhi walaahi khaladka isaga oo kaliya kuma koobna ee dhammaan inta meesha taagneyd oo dhan ayaa wada dawakhsneyd, isaga laftiisiina waxa uu la sii yaabay intaas oo qof oo isaga oo xannaaqsan ku mashquulsaneyd ee arki waayey, una sheegi kari waayey waxay indhahoodu eegayeen, waxaannu yidhi; “Waar, iyaga laftooda ayaaban i dhaamin oo buuqa ila xoojinayey ee sharabadka aan arki waayey itusi waayey.”

Qallinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com