Shirkii Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee ahaa in shirkada DP world ay ka mamnuuceen Somaliland wuxuu la mid noqday shirkii jiir ku bisada kaga tashaday.

W/Q. Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)

 

Waxaa beri deganaa goob barwaaqo iyo nabad maasheysay koox jiir ah, waxa mar danbe ku soo biiray koox kale oo nabada goobtu soo jiidatay. Way ku tarmeen nabad iyo caano ku maaleen, hase yeeshee waxa xaalkii is badalay markii bisadi soo ag degtay, ee ay midho midhaysatay, dhawr bay ku qureecatay dhawr kale oo jiirka ka mid ahna way ku qadaysay, intii kalana way ku cashaysay. Mid kasta oo ka mida jiirka deegaanku wuu dareemay halista la soo daristay, Odayaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii baa iclaamiyey shir ballaadhan oo lagaga tashanayo arrintan ku soo korodhay. Markii lagaadhay maalintii loo ballan sanaa shirka waxa gudoomiyay odaygii ugu da,da waynaa jiirka, wuxuu yidhi “waad ogtihiin oo ma lihin awood aynu iskaga celino bisada waxaase loo baahan yahay in la fikiro, maskaxda la tuujiyo oo lala yimaado xeelad inaga bed baadisa baladan laynoo soo diray, shirkiina wuu furan yahay”. Waxaa markiiba farta taagey mid ka mid ah aqoon yahankii oo hadalkii la wareegay.

Waxaanu yidhi guddoomiye, “Bisadu intay soo dhabacato bay mar qudha daf ina soo tidhaahdaa inagoo baraad la, bay mid inaga mida latagtaa, haddii aynu si uun ku garan lahayn markay soosocoto waynu ka carari lahayn oo godkeena baynu isku shubi lahayn”. Midka mid ah dhallin yaradii baa hadalkii la wareegay wuxuu yidhi aniga oo tixraacaya hadalka saaxiibkay waxaan soo jeedinayaa gudoomiye in bisada aan goorta u gelino koor, sidaas baan ku ogaanaynaa markay xageena u soo dhaqaaqdo oo aan ka tabaabulshayn karnaa, mar qudha baa sacab, mashxarad iyo sawaxanku is qabsaday, sax sax allelehe waad heshay loo noqon maayo bay ku dhawaaqeen iyaga oo jibbaysan.

Iyada oo sidii la tuban farxad iyo riyaaq gudoomiyihii ku dhawaaqay in u shirku xidhan yahay baa waxa albaabka ka soo galey jiir shirka ka habsaamay oo hurdo latagtey hadda uun socda, markaas buu waydiiyey waar maxa dhacay mee shirkii?. Markii loo waramay wuxuu ku yidhi waar fikirku ma xumee yaa fulinaaya, yaa bisada koorta qoorta u galinaaya?!!. Hadaba shirkan jiirku wuxuu ixasuusiyay shirkii Baarlamaanka Federaalka Somaliya oo ahaa in ay go,aan ku gaadheen in shirkada DPWorld ay ka mamnuuc tahay inay soo cago dhigato somaliya iyo Somaliland.

In labada shir isku mid yahay waxaa ii markhaati furay shirkii ay madaxtooyadda Somaliland iyo DPworld ku kala saxeexdeen ballaadhinta dekeda berbera 11/08/2018. Subxaan allah, akhriste miyaanay labada shir isku mid ahayn. Waxaa naxariista eebe mudan qof is qiimeeyey oo gartay inta a woodiisu leeg tahay.
Qore: Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)